Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
EZEKIEL
Prev Up Next
Chapter 11
Ezek SomKQA 11:1  Oo weliba ruuxii baa kor ii qaaday oo wuxuu i geeyey iriddii bari ee guriga Rabbiga oo xagga bari u sii jeedday, oo iridda albaabkeedii waxaan ku arkay shan iyo labaatan nin, oo waxaan dhexdooda ku arkay Ya'asanyaah ina Casuur iyo Felatyaah ina Benaayaah, oo labaduba waxay ahaayeen dadka amiirradoodii.
Ezek SomKQA 11:2  Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, kuwaasu waa nimanka xumaanta hindisa, oo magaaladan dhexdeeda talo shar ah kaga taliya.
Ezek SomKQA 11:3  Oo waxay yidhaahdaan, Wakhtiga guryo la dhiso ma dhowa. Magaaladanu waa dheri weyn oo innaguna waxaynu nahay hilibkii.
Ezek SomKQA 11:4  Sidaas daraaddeed iyaga wax ka sii sheeg, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg.
Ezek SomKQA 11:5  Markaasaa Ruuxii Rabbigu igu soo degay, oo wuxuu igu yidhi, Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sidaasaad istidhaahdeen, waayo, waxyaalaha maankiinna soo gala waan ogahay.
Ezek SomKQA 11:6  Magaaladan dhexdeeda waxaad ku badiseen kuwiinnii la laayay, oo jidadkeedana kuwii la laayay waad ka buuxiseen.
Ezek SomKQA 11:7  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Meydadkiinna aad dhexdeeda dhigteen ayaa hilibka ah oo magaaladanuna waa dheriga weyn, laakiinse dhexdeedaa laydinka soo bixin doonaa.
Ezek SomKQA 11:8  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku seef baad ka cabsateen, oo seef baan idinku soo dayn doonaa.
Ezek SomKQA 11:9  Oo dhexdeedaan idinka soo bixin doonaa, oo waxaan idinku ridi doonaa shisheeyayaal gacmahooda, oo dhexdiinnana xukummo baan ku samayn doonaa.
Ezek SomKQA 11:10  Seef baad ku le'an doontaan, oo soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 11:11  Magaaladanu dherigiinna ma ay ahaan doonto, oo idinkuna hilibka ku dhex jira ma aad ahaan doontaan, laakiinse soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa.
Ezek SomKQA 11:12  Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, waayo, qaynuunnadaydii kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan samayn, laakiinse waxaad samayseen sidii xukummadii quruumaha oo idinku wareegsanu ay samayn jireen.
Ezek SomKQA 11:13  Oo intaan wax sii sheegayay ayaa Felatyaah ina Benaayaah dhintay. Markaasaan wejiga u dhacay oo cod dheer baan ku qayliyey, oo idhi, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad doonaysaa inaad inta reer binu Israa'iil ka hadhay wada baabbi'iso?
Ezek SomKQA 11:15  Wiilka Aadamow, walaalahaa oo ah walaalahaaga runta ah, iyo dadka xigaalkaaga ah, iyo kulli reer binu Israa'iil oo dhammu waa kuwii dadka Yeruusaalem degganu ay ku yidhaahdeen, Idinku Rabbiga ka fogaada. Dalkan annagaa dhaxal naloo siiyey.
Ezek SomKQA 11:16  Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aan iyaga quruumaha ku dhex fogeeyey, iyo in kastoo aan waddammada ku kala dhex firdhiyey, weliba waxaan iyaga waddammadii ay tageen ugu ahaan doonaa meel quduus ah.
Ezek SomKQA 11:17  Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil.
Ezek SomKQA 11:18  Oo iyagu halkaasay iman doonaan, oo waxay halkaas ka fogayn doonaan waxyaalaha la naco oo dhan iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dhanba.
Ezek SomKQA 11:19  Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi keliya, oo waxaan gelin doonaa ruux cusub, oo qalbigii dhagaxa ahaana jidhkooda waan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan siin doonaa qalbi jiidh ah,
Ezek SomKQA 11:20  si ay iyagu qaynuunnadayda ugu socdaan, oo ay amarradayda u xajiyaan oo ay u sameeyaan, oo waxay ahaan doonaan dadkayga, aniguna Ilaahooda ayaan ahaan doonaa.
Ezek SomKQA 11:21  Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwa qalbigoodu daba socdo waxyaalaha la naca iyo waxyaalahooda karaahiyada ahba jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.
Ezek SomKQA 11:22  Markaasaa keruubiimtii baalashooda kor u qaadeen, oo giraangirihiina way dhinac yiilleen, oo ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iilna iyagay ka korraysay.
Ezek SomKQA 11:23  Markaasaa ammaantii Rabbigu magaalada dhexdeedii ka kacday, oo waxay kor istaagtay buurta magaalada dhankeeda bari ku taal.
Ezek SomKQA 11:24  Oo markaasaa Ruuxii kor ii qaaday, oo Ruuxii Ilaah wuxuu wixii lay tusay igu keenay dalkii Kalday iyo maxaabiistii meeshaas joogtay. Oo markaasaa wixii lay tusay oo aan arkay kor iiga bexeen.
Ezek SomKQA 11:25  Markaasaan kuwii maxaabiista ahaa u sheegay waxyaalihii uu Rabbigu i tusay oo dhan.