Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
EZEKIEL
Prev Up Next
Chapter 18
Ezek SomKQA 18:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 18:2  Maxaad ula jeeddaan markaad maahmaahdan dalka reer binu Israa'iil ugu maahmaahdaan, idinkoo leh, Aabbayaashu waxay cuneen canab dhanaan, oo carruurta ilkahoodiina way saliilyoodeen?
Ezek SomKQA 18:3  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaydaan mar dambe maahmaahdan dalka reer binu Israa'iil kaga dhex maahmaahi doonin.
Ezek SomKQA 18:4  Bal eega, nafaha oo dhan anigaa iska leh, oo sida nafta aabbuhu ay taydii u tahay ayaa tan wiilkuna ay taydii u tahay, haddaba naftii dembaabtaa way dhiman doontaa.
Ezek SomKQA 18:5  Laakiinse haddii nin xaq yahay oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo,
Ezek SomKQA 18:6  oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, ama uusan naagta deriskiisa nijaasayn, ama uusan naag xayl qabta u dhowaan,
Ezek SomKQA 18:7  oo uusan cidna dulmin, laakiinse uu kii wax ka deyntay rahaamaddiisii u celiyey, oo uusan waxba xoog ku boobin, oo uu cuntadiisiina mid gaajaysan siiyey, oo uu kii qaawanna dhar huwiyey,
Ezek SomKQA 18:8  ama uusan korsaar wax ku bixin, oo uusan ribo cidna ka qaadan, oo uu yahay mid gacantiisa xumaanta dib uga celiya, oo si caddaalad ah ugu garsooray nin iyo nin kale,
Ezek SomKQA 18:9  oo uu qaynuunnadayda ku socday, oo uu xukummadayda u xajiyey si uu wax qumman u sameeyo, kaasu waa xaq, oo hubaal wuu noolaan doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 18:10  Oo ninkaasu hadduu dhalo wiil tuug ah, oo gacankudhiigle ah, amase wax waxyaalahaas la mid ah sameeya,
Ezek SomKQA 18:11  oo uusan waxyaalaha waajibka ku ah samayn, laakiinse uu buuraha wax ku cunay, oo uu naagtii deriskiisana nijaaseeyey,
Ezek SomKQA 18:12  oo uu miskiinka iyo saboolka baahan dulmay, oo uu xoog wax ku boobay, oo uusan cidna rahaamad u celin, oo uu indhihiisana sanamyada kor ugu taagay, oo uu wax karaahiya ah sameeyey,
Ezek SomKQA 18:13  oo uu korsaar wax ku bixiyey, oo uu cid kale ribo ka qaatay, kaasu miyuu noolaanayaa? Isagu noolaan maayo, waayo, waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayuu sameeyey, hubaal wuu dhiman doonaa, oo dhiiggiisuna isaguu dul saarnaan doonaa.
Ezek SomKQA 18:14  Haddaba bal eeg, kaasu hadduu dhalo wiil dembigii aabbihiis sameeyey oo dhan arka, oo uu markaas cabsado, oo aan waxaas oo kale samayn,
Ezek SomKQA 18:15  oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, oo uusan naagta deriskiisa nijaasayn,
Ezek SomKQA 18:16  ama uusan cidnaba dulmin, oo uusan rahaamadda qaadan, oo uusan waxba xoog ku boobin, laakiinse uu cuntadiisa kii gaajaysan siiyey, oo kii qaawanna dhar huwiyey,
Ezek SomKQA 18:17  oo uu gacantiisana masaakiinta dib uga celiyey, oo uusan korsaar amase ribo cidna ka qaadan, oo uu xukummadayda sameeyey, oo uu qaynuunnadayda ku socday, kaasu xumaantii aabbihiis sameeyey aawadeed uma dhiman doono, hubaalse wuu noolaan doonaa.
Ezek SomKQA 18:18  Laakiinse aabbihiis xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, maxaa yeelay, isagu si nac weyn ayuu wax u dulmay, oo walaalkiisna xoog buu wax kaga boobay, oo dadkiisana wax aan wanaagsanayn buu ku dhex sameeyey.
Ezek SomKQA 18:19  Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Wiilku muxuu u qaadan waayaa xumaantii aabbihiis? Wiilku hadduu sameeyo waxa xaqa ah oo qumman, oo uu qaynuunnadayda oo dhan xajiyey, oo uu wada sameeyey, hubaal wuu noolaan doonaa.
Ezek SomKQA 18:20  Nafta dembaabtaa way dhiman doontaa. Wiilku ma uu qaadan doono xumaanta aabbaha, aabbuhuna ma uu qaadan doono xumaanta wiilka. Ka xaqa ah xaqnimadiisaa dul saarnaan doonta, oo ka sharka lehna sharnimadiisaa dul saarnaan doonta.
Ezek SomKQA 18:21  Laakiinse ka sharka lihi hadduu dembiyadiisii uu sameeyey oo dhan ka soo noqdo, oo uu qaynuunnadayda oo dhan wada xajiyo, oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo, hubaal kaasu wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.
Ezek SomKQA 18:22  Oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan midna looma soo xusuusan doono. Wuxuu ku noolaan doonaa xaqnimadiisii uu sameeyey.
Ezek SomKQA 18:23  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu miyaan innaba sharrowga dhimashadiisa ku farxaa? Sowse kama aan jecli inuu jidkiisa ka soo noqdo oo uu noolaado?
Ezek SomKQA 18:24  Laakiinse ka xaqa ahu hadduu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu wada sameeyo waxyaalaha karaahiyada ah ee uu sharrowgu sameeyo oo dhan, markaas miyuu sii noolaan doonaa? Waxyaalihii xaqa ahaa ee uu sameeyey oo dhan innaba lama soo xusuusan doono, oo wuxuu ku dhex dhiman doonaa xadgudubkiisii uu xadgudbay, iyo dembigiisii uu dembaabay.
Ezek SomKQA 18:25  Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana, haddaba reer binu Israa'iilow, bal i maqla. Sow jidkaygu ma qummana? Sow jidadkiinnu ma aha kuwa aan qummanaynu?
Ezek SomKQA 18:26  Marka ka xaqa ahu uu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu taas ku dhinto, wuxuu ku dhiman doonaa xumaantii uu sameeyey.
Ezek SomKQA 18:27  Haddaba sharrowgu markuu sharnimadiisii uu sameeyey ka soo noqdo, oo uu waxa xaqa ah ee qumman sameeyo, markaasuu naftiisa badbaadin doonaa.
Ezek SomKQA 18:28  Isagu wuu fiirsadaa, oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan wuu ka soo noqdaa, oo sidaas aawadeed hubaal wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.
Ezek SomKQA 18:29  Laakiinse reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana. Reer binu Israa'iilow, sow jidadkaygu ma qummana? Sow jidadkiinnu ma aha kuwa aan qummanaynu?
Ezek SomKQA 18:30  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu midkiin kastaba waxaan u xukumi doonaa siday jidadkiisu ahaayeen. Haddaba soo noqda, oo xadgudubyadiinnii oo dhan ka soo noqda, si ayan xumaantu halligaaddiinnii u noqon.
Ezek SomKQA 18:31  Xadgudubyadiinnii aad xadgudubteen oo dhan iska xoora, oo waxaad yeelataan qalbi cusub iyo ruux cusub, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?
Ezek SomKQA 18:32  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu innaba kii dhinta dhimashadiisa kuma farxo, haddaba soo noqda oo noolaada.