Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
GENESIS
Prev Up Next
Chapter 16
Gene SomKQA 16:1  Saaray oo ahayd Aabraam naagtiisii carruur uma ay dhalin isagii: waxayna lahayd gabadh midiidin ah, oo Masriyad ah, magaceedana waxaa la odhan jiray Haagaar.
Gene SomKQA 16:2  Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Bal eeg imminka, Rabbigu waa ii diiday inaan dhalo; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad midiidintayda u tagto, mindhaa iyadaan carruur ka heli doonaaye, Aabraamna codkii Saaray buu maqlay.
Gene SomKQA 16:3  Saaray oo ahayd naagtii Aabraam waxay kaxaysay Haagaar tii Masriyadda ahayd, oo midiidinteeda ahayd, markii Aabraam toban sannadood joogay dalkii Kancaan ka dib, oo waxay iyadii siisay ninkeedii Aabraam inay naagtiisii u noqoto.
Gene SomKQA 16:4  Oo Haagaar buu u tegey, wayna uuraysatay; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay murwadeedii aad u quudhsatay.
Gene SomKQA 16:5  Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Dulmigii laygu sameeyey dushaada ha ahaado: midiidintaydii waxaan geliyey laabtaada; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay i quudhsatay; Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo.
Gene SomKQA 16:6  Laakiinse Aabraam wuxuu ku yidhi Saaray, Bal eeg, midiidintaadii gacantaaday ku jirtaaye; waxaad doonto ku samee. Saarayna si adag bay ula macaamilootay, kolkaasay midiidintii ka carartay horteeda.
Gene SomKQA 16:7  Oo malaa'igtii Rabbigaa heshay iyadoo ag joogta il biyo ah oo cidlada ku taal, oo ishuna waxay ku tiil jidka Shuur.
Gene SomKQA 16:8  Oo malaa'igtii waxay ku tidhi, Haagaar, midiidintii Saaray, xaggee baad ka timid? Xaggee baadse ku socotaa? Oo waxay ku tidhi, Murwadayda Saaray baan ka cararayaa.
Gene SomKQA 16:9  Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Ku noqo murwadaadii, oo gacmaheeda is-hoos dhig.
Gene SomKQA 16:10  Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Farcankaaga aad baan u tarmin doonaa si aan loo tirin karin farabadnaantiisa aawadeed.
Gene SomKQA 16:11  Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Bal eeg, uur baad leedahaye, oo wiil baad dhali doontaa; magiciisana waxaad u bixin doontaa Ismaaciil, maxaa yeelay, Rabbigu waa maqlay dhibaatadaadii.
Gene SomKQA 16:12  Oo dadka dhexdiisa wuxuu ku noqon doonaa sida dameer banjoog ah; gacantiisu nin walba gees bay ka noqon doontaa, oo nin walba gacantiisuna gees bay ka noqon doontaa isaga; wuxuuna degganaan doonaa walaalihiis oo dhan hortooda.
Gene SomKQA 16:13  Oo waxay magicii Rabbigii la hadlay iyada u bixisay, Waxaad tahay Ilaaha wax arka, waayo, waxay tidhi, Weliba miyaan halkan ka arkay kan i arka?
Gene SomKQA 16:14  Sidaas daraaddeed ceelkii waxaa loo bixiyey Bi'ir Lahayroy; bal eeg, wuxuu u dhexeeyaa Qaadeesh iyo Bered.
Gene SomKQA 16:15  Oo Haagaar waxay Aabraam u dhashay wiil; oo Aabraamna wuxuu wiilkiisii Haagaar dhashay u bixiyey Ismaaciil.
Gene SomKQA 16:16  Aabraamna wuxuu jiray lix iyo siddeetan sannadood, markii ay Haagaar Ismaaciil u dhashay Aabraam.