Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
GENESIS
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 33
Gene SomKQA 33:1  Markaasaa Yacquub indhihiisii kor u taagay oo wax fiiriyey, wuxuuna arkay Ceesaw oo soo socda, oo afar boqol oo nin wata. Kolkaasuu carruurtii u qaybiyey Lee'ah, iyo Raaxeel, iyo labadii addoon.
Gene SomKQA 33:2  Markaasuu addoommihii iyo carruurtoodii ugu hor mariyey, Lee'ah iyo carruurteediina wuu ku xigsiiyey, Raaxeel iyo Yuusufna wuu ugu dambaysiiyey.
Gene SomKQA 33:3  Isna markaasuu ka hor gudbay, toddoba goor buuna sujuuday, intuusan walaalkiis u soo dhowaan.
Gene SomKQA 33:4  Ceesawna wuu ku soo orday inuu ka hor tago isaga, wuuna isku duubay, oo qoortiisuu dhab yidhi, wuuna dhunkaday, wayna ooyeen.
Gene SomKQA 33:5  Markaasuu Ceesaw indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay dumarkii iyo carruurtii; oo wuxuu ku yidhi, Waa ayo kuwan kula socdaa? Isna wuxuu yidhi, Waa carruurtii Ilaah intuu ii roonaaday i siiyey anoo ah addoonkaaga.
Gene SomKQA 33:6  Dabadeedna addoommihii iyo carruurtoodii ayaa u soo dhowaaday, wayna wada sujuudeen.
Gene SomKQA 33:7  Lee'ah iyo carruurteediina way u soo dhowaadeen, wayna wada sujuudeen; dabadeedna waxaa u soo dhowaaday Yuusuf iyo Raaxeel, wayna sujuudeen.
Gene SomKQA 33:8  Markaasuu yidhi, Maxaad ula jeeddaa kooxahan iga hor yimid oo dhan? Isna wuxuu yidhi, Inaad raalli iga noqotid, sayidkaygiiyow.
Gene SomKQA 33:9  Ceesawna wuxuu yidhi, Walaalkayow, wax igu filan baan haystaa; ee iska hayso waxaaga.
Gene SomKQA 33:10  Yacquubna wuxuu yidhi, Maya, waan ku baryayaaye, haddii aad haatan raalli iga tahay, de hadiyaddayda gacantayda ka guddoon; waayo, wejigaaga waxaan u arkay sidii wejigii Ilaah loo arko, oo adna waad igu faraxday.
Gene SomKQA 33:11  Waan ku baryayaaye, guddoon hadiyaddayda laguu keenay; maxaa yeelay, Ilaah baa ii roonaaday, oo haddana wax igu filan baan haystaa. Aad buuna u baryay, kolkaasuu guddoomay.
Gene SomKQA 33:12  Oo wuxuu yidhi, Sodcaalkeenna aan iska sii soconno, oo ina keena, oo anna waan kaa hor marayaa.
Gene SomKQA 33:13  Markaasuu ku yidhi isagii, Sayidkaygiiyow, waad og tahay in carruurtu ay tabar daranyihiin, adhiga iyo lo'dana waa la nuugaa; oo haddii maalin keliya aad loo sii kaxeeyo, de adhigu waa wada dhimanayaa.
Gene SomKQA 33:14  Sayidkaygiiyow, waan ku baryayaaye, iga hor mar anigoo addoonkaaga ah, oo anna aayar baan soo kaxayn, anoo fiirinaya tallaabada xoolaha i hor jooga, iyo tallaabada carruurta, ilaa aan Seciir kuugu imaado, sayidkaygiiyow.
Gene SomKQA 33:15  Markaasaa Ceesaw ku yidhi, Haddaba aan dadka ila jira qaar kaaga tago. Isna wuxuu yidhi, Maxaa looga baahan yahay? Raalli iga ahow, sayidkaygiiyow.
Gene SomKQA 33:16  Oo maalintaasaa Ceesaw ku noqday jidkiisii ilaa Seciir.
Gene SomKQA 33:17  Yacquubna wuxuu u sodcaalay Sukod, wuxuuna ka dhistay guri, xoolihiisiina wuxuu u sameeyey xerooyin; sidaas daraaddeed meeshaas magaceeda waxaa la yidhaahdaa Sukod.
Gene SomKQA 33:18  Yacquubna nabad buu ku yimid magaaladii Shekem, oo ku taal dalka Kancaan, markuu ka yimid Fadan Araam; oo wuxuu degay magaalada horteeda.
Gene SomKQA 33:19  Jagadii uu teendhadiisii ka dhistayna wuxuu ka iibsaday reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis, oo wuxuu siistay boqol xabbadood oo lacag ah.
Gene SomKQA 33:20  Halkaasna wuxuu ka taagay meel allabari, wuxuuna u bixiyey El-elohe-Israa'iil.