Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
GENESIS
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 18
Gene SomKQA 18:1  Oo Rabbigaa u muuqday isaga oo ag jooga dhirtii Mamre, isagoo iridda teendhada fadhiya markii maalinta ugu kululayd.
Gene SomKQA 18:2  Oo indhihiisii buu kor u taagay oo eegay, oo wuxuu arkay saddex nin oo hortiisa taagan: oo kolkuu arkay, ayuu ka orday iriddii teendhada inuu ka hor tago iyagii, kolkaasuu dhulka ku sujuuday,
Gene SomKQA 18:3  oo wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, haddaad raalli iga tahay, ha i dhaafin anigoo addoonkaaga ah.
Gene SomKQA 18:4  Biyo yar ha laydiin keeno, oo cagamaydha, oo geedka hoostiisa ku nasta:
Gene SomKQA 18:5  oo waxaan idiin keeni doonaa wuxoogaa cunto ah, ee raaxaysta; waayo, waxaad u timaadeen addoonkiinna; markaas ka dib waad tegi doontaan. Oo waxay ku yidhaahdeen, Yeel sidaad tidhi.
Gene SomKQA 18:6  Ibraahimna dhaqsuu u galay teendhadii, oo Saarah u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Saddex koombo oo bur ah degdeg u diyaari, oo cajiin, oo kibis ka samee.
Gene SomKQA 18:7  Oo Ibraahim xagga lo'dii buu ku orday, oo wuxuu soo kaxeeyey dibi yar oo dhaylo ah oo wanaagsan, oo wuxuu u dhiibay nin dhallinyaro ah, isaguna dhaqsuu u diyaariyey.
Gene SomKQA 18:8  Kolkaasuu u qaaday subag, iyo caano, iyo dibigii uu diyaariyey, oo hortooduu dhigay; isna dhinacooduu istaagay geedkii hoostiisii; iyana way cuneen.
Gene SomKQA 18:9  Oo waxay ku yidhaahdeen, Meeday bilcantaadii Saarah? Markaasuu yidhi, Waa taa; teendhaday ku jirtaa.
Gene SomKQA 18:10  Wuxuuna ku yidhi, Hubaal waan kuu soo noqon doonaa markii xilligu soo wareego; oo bal ogow, naagtaada Saarah wiil bay dhali doontaaye. Saarahna way maqashay, iyadoo joogta iriddii teendhada oo ka dambaysay isaga.
Gene SomKQA 18:11  Haddaba Ibraahim iyo Saarah way da' weynaayeen; gabow bayna la dhaceen; caadadii naaguhuna Saarah way ka joogsatay.
Gene SomKQA 18:12  Saarahna qalbigay ka qososhay, iyadoo leh, Ma anigoo gaboobay baan farxad heli doonaa, iyadoo sayidkayguna gaboobay?
Gene SomKQA 18:13  Rabbiguna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Saarah maxay u qososhay, iyadoo leh, Runtii ma ilmaan dhali doonaa, anoo gaboobay?
Gene SomKQA 18:14  Ma wax Rabbiga ku adag baa jira? Wakhtigii la ballamay baan kugu soo noqon doonaa, markii xilligu soo wareego, oo Saarah wiil bay dhali doontaa.
Gene SomKQA 18:15  Markaasaa Saarah dafirtay oo tidhi, Ma aan qoslin; maxaa yeelay, way cabsatay. Oo isna wuxuu yidhi, Maya, laakiin waad qososhay.
Gene SomKQA 18:16  Nimankiina halkaas way ka kaceen, oo waxay u jeesteen xagga Sodom: Ibraahimna wuu raacay inuu sagootiyo iyaga.
Gene SomKQA 18:17  Rabbiguna wuxuu yidhi, Miyaan Ibraahim ka qariyaa waxaan samaynayo,
Gene SomKQA 18:18  Maxaa yeelay, hubaal Ibraahim wuxuu noqon doonaa quruun weyn oo xoog leh, oo quruumaha dhulka oo dhammu isagay ku barakoobi doonaan?
Gene SomKQA 18:19  Waayo, waan garanayaa isaga, inuu carruurtiisa iyo kuwa gurigiisa jooga ku amri doono, inay jidka Rabbiga xajiyaan inay sameeyaan xaqnimo iyo caaddilnimo; si uu Rabbigu Ibraahim ugu soo dejiyo wixii uu kaga hadlay.
Gene SomKQA 18:20  Rabbiguna wuxuu yidhi, Qaylada Sodom iyo Gomora way badatay, dembigooduna aad buu u weynaaday.
Gene SomKQA 18:21  Haddaba waan degi doonaa, oo waxaan arki doonaa inay wada sameeyeen sida qayladu ii soo gaadhay iyo in kale; haddaanay wada samaynna, waan ogaan doonaa.
Gene SomKQA 18:22  Oo nimankii halkaasay ka noqdeen oo waxay tageen xagga Sodom: laakiinse Ibraahim weli wuxuu hor taagnaa Rabbiga.
Gene SomKQA 18:23  Oo Ibraahim baa u dhowaaday, oo yidhi, Miyaad kuwa xaqa ah la baabbi'inaysaa kuwa sharka fala?
Gene SomKQA 18:24  Mindhaa waxaa magaalada jooga konton xaq ah. De miyaad baabbi'inaysaa meesha oo aadan ugu tudhaynin kontonka xaqa ah ee jooga aawadood?
Gene SomKQA 18:25  Yaanay noqon inaad sidaas samayso, inaad kuwa xaqa ah la dishid kuwa sharka fala, oo sidaas kuwa xaqa ahu ay kula mid noqdaan kuwa sharka fala, taas yaanay noqon. Dunida oo dhan Xaakinkeedu miyuusan xaq samayn doonin?
Gene SomKQA 18:26  Markaasaa Rabbigu yidhi, Haddaan Sodom ka helo konton qof oo xaq ah oo magaalada jooga, de markaas meeshaa oo dhan waxaan ugu tudhi doonaa iyaga daraaddood.
Gene SomKQA 18:27  Oo Ibraahimna wuu jawaabay oo yidhi, Bal eeg, waxaan isu diray inaan Sayidka la hadlo, anoo ciid iyo dambas ah.
Gene SomKQA 18:28  Mindhaa kontonka xaqa ah shan baa ka dhiman; miyaad magaalada oo dhan u baabbi'in hadday shanu ka dhiman tahay? Markaasuu yidhi, Baabbi'in maayo haddaan meeshaas shan iyo afartan ka helo.
Gene SomKQA 18:29  Kolkaasuu mar kale la hadlay, oo yidhi, Mindhaa waxaa halkaas laga heli afartan. Markaasuu yidhi, Afartanka aawadood ayaanan u baabbi'inayn.
Gene SomKQA 18:30  Oo wuxuu yidhi, Sayidku yuusan cadhoon, waan la hadlayaaye. Mindhaa waxaa halkaas laga heli soddon. Markaasuu yidhi, Baabbi'in maayo haddaan soddon halkaas ka helo.
Gene SomKQA 18:31  Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan isu diray inaan Sayidka la hadlo: mindhaa waxaa halkaas laga heli labaatan. Markaasuu yidhi, Labaatanka daraaddood ayaanan u baabbi'inayn.
Gene SomKQA 18:32  Oo wuxuu yidhi, Sayidku yuusan cadhoon, oo weli waan la hadlayaaye, waase markan keliya. Mindhaa waxaa halkaas laga heli toban. Wuxuuna yidhi, Tobanka daraaddood ayaanan u baabbi'inayn.
Gene SomKQA 18:33  Rabbiguna wuu iska tegey markuu Ibraahim la dhammeeyey hadalkii, Ibraahimna meeshiisii buu ku noqday.