Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
GENESIS
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 5
Gene SomKQA 5:1  Kanu waa buuggii farcankii Aadan. Maalintii Ilaah ninkii abuuray, ekaanta Ilaah buu ka sameeyey isagii;
Gene SomKQA 5:2  wuxuu abuuray iyagoo lab iyo dhaddig ah; wuuna barakeeyey iyagii, magacoodiina wuxuu u bixiyey Aadan maalintii iyagii la abuuray.
Gene SomKQA 5:3  Aadanna wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay wiil isagii u eg oo araggiisii leh; magiciisiina wuxuu u bixiyey Seed.
Gene SomKQA 5:4  Aadanna markuu Seed dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood; wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 5:5  Wakhtigii Aadan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo soddon sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Gene SomKQA 5:6  Seedna wuxuu jiray boqol iyo shan sannadood, wuxuuna dhalay Enoos.
Gene SomKQA 5:7  Seedna markuu Enoos dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 5:8  Wakhtigii Seed noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo toban sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Gene SomKQA 5:9  Enoosna wuxuu jiray sagaashan sannadood, wuxuuna dhalay Qaynaan.
Gene SomKQA 5:10  Enoosna markuu Qaynaan dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo shan iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 5:11  Wakhtigii Enoos noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo shan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Gene SomKQA 5:12  Qaynaanna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Mahalale'el.
Gene SomKQA 5:13  Qaynaanna markuu Mahalale'el dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo afartan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 5:14  Wakhtigii Qaynaan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo toban sannadood, dabadeedna wuu dhintay.
Gene SomKQA 5:15  Mahalale'elna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Yaared.
Gene SomKQA 5:16  Mahalale'elna markuu Yaared dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 5:17  Wakhtigii Mahalale'el noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa siddeed boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, dabadeedna wuu dhintay.
Gene SomKQA 5:18  Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog.
Gene SomKQA 5:19  Yaaredna markuu Enoog dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 5:20  Wakhtigii Yaared noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo lixdan sannadood; wuuna dhintay.
Gene SomKQA 5:21  Enoogna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Metushelax.
Gene SomKQA 5:22  Enoogna wuxuu la socday Ilaah saddex boqol oo sannadood markuu Metushelax dhalay ka dib, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 5:23  Wakhtigii Enoog jiray oo dhammuna wuxuu ahaa saddex boqol iyo shan iyo lixdan sannadood.
Gene SomKQA 5:24  Enoogna Ilaah buu la socday; waana la waayay; maxaa yeelay, Ilaah baa qaatay isagii.
Gene SomKQA 5:25  Metushelaxna wuxuu jiray boqol iyo toddoba iyo siddeetan sannadood, wuxuuna dhalay Lameg.
Gene SomKQA 5:26  Metushelaxna wuxuu noolaa markuu Lameg dhalay ka dib toddoba boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 5:27  Wakhtigii Metushelax noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo sagaal iyo lixdan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Gene SomKQA 5:28  Lamegna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood; wuxuuna dhalay wiil:
Gene SomKQA 5:29  magiciisiina wuxuu u bixiyey Nuux, isagoo leh, Kanu waa inooga raaxayn doonaa shuqulkeenna iyo hawsha gacmaheenna, xagga dhulka Ilaah habaaray.
Gene SomKQA 5:30  Lamegna markuu Nuux dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 5:31  Wakhtigii Lameg noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa toddoba boqol iyo toddoba iyo toddobaatan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
Gene SomKQA 5:32  Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed.