Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
GENESIS
Prev Up Next
Chapter 11
Gene SomKQA 11:1  Dhulka oo dhammuna wuxuu ahaa isku af iyo isku hadal keliya.
Gene SomKQA 11:2  Waxaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen.
Gene SomKQA 11:3  Oo waxay isku yidhaahdeen, Ina keena, aynu leben samaysannee, oo aynu aad u dubnee. Oo waxay dhagaxa meeshiisa u haysteen leben, nuuradda meesheedana dhoobo.
Gene SomKQA 11:4  Oo waxay yidhaahdeen, Ina keena, aynu magaalo dhisannee, iyo munaarad dhaladeedu samada gaadho, oo aynu magac yeelannee, waaba intaasoo aynu dhulka dushiisa oo dhan ku kala firidhnaaye.
Gene SomKQA 11:5  Rabbiguna wuxuu u soo degay inuu arko magaaladii iyo munaaraddii ay binu-aadmigu dhisayeen.
Gene SomKQA 11:6  Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eega, iyagu waa isku dad keliya, oo dhammaan isku af keliya bay leeyihiin, oo waxanuna waa waxa ay bilaabayaan inay sameeyaan, oo haatan wax ka hor joogsan doona waxay damcaan inay sameeyaan ma jiraane.
Gene SomKQA 11:7  Ina keena, aynu degnee, oo halkaas aynu afkooda iskaga qasnee, yaan midna midka kale hadalkiisa garanine.
Gene SomKQA 11:8  Kolkaasaa Rabbigu halkaas ka kaxeeyey oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan, oo dhisiddii magaaladii way joojiyeen.
Gene SomKQA 11:9  Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan.
Gene SomKQA 11:10  Kuwanu waa farcankii Sheem. Sheem wuxuu jiray boqol sannadood, oo laba sannadood oo daadkii ka dambaysay wuxuu dhalay Arfaksad.
Gene SomKQA 11:11  Sheemna markuu Arfaksad dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 11:12  Arfaksadna wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Salah:
Gene SomKQA 11:13  Arfaksadna markuu Salah dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 11:14  Salahna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Ceeber.
Gene SomKQA 11:15  Salahna markuu Ceeber dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 11:16  Ceeberna wuxuu jiray afar iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Feleg:
Gene SomKQA 11:17  Ceeberna markuu Feleg dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 11:18  Felegna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Recu:
Gene SomKQA 11:19  Felegna markuu Recu dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo sagaal sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 11:20  Recuna wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Seruug.
Gene SomKQA 11:21  Recuna markuu Seruug dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 11:22  Seruugna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Naaxoor:
Gene SomKQA 11:23  Seruugna markuu Naaxoor dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 11:24  Naaxoorna wuxuu jiray sagaal iyo labaatan sannadood, wuxuuna dhalay Terax;
Gene SomKQA 11:25  Naaxoorna markuu Terax dhalay ka dib wuxuu noolaa boqol iyo sagaal iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
Gene SomKQA 11:26  Teraxna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan.
Gene SomKQA 11:27  Kuwanu waa farcankii Terax. Terax wuxuu dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan; Haaraanna wuxuu dhalay Luud.
Gene SomKQA 11:28  Haaraanna wuxuu dhintay aabbihiis Terax oo jooga, wuxuuna ku dhintay dhulkii uu ku dhashay, oo la odhan jiray Uur tii reer Kaldayiin.
Gene SomKQA 11:29  Aabraam iyo Naaxoorna way guursadeen: Aabraam naagtiisii waxaa la odhan jiray Saaray; naagtii Naaxoorna waxaa la odhan jiray Milkah, waxayna ahayd gabadhii Haaraan, aabbihii Milkah iyo Iskah.
Gene SomKQA 11:30  Saarayna waxay ahayd madhalays; ilmona ma ay lahayn.
Gene SomKQA 11:31  Teraxna wuxuu kaxaystay wiilkiisii Aabraam, iyo Luud oo ahaa ina Haaraan, wiilkii wiilkiisii, iyo Saaray oo uu soddog u ahaa, oo ahayd naagtii wiilkiisii Aabraam; wayna kala baxeen Uur tii reer Kaldayiin, si ay u tagaan dalkii Kancaan; waxayna yimaadeen Haaraan, oo halkaasay degeen.
Gene SomKQA 11:32  Wakhtigii Terax noolaa wuxuu ahaa laba boqol iyo shan sannadood, Teraxna wuxuu ku dhintay Haaraan.