Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
GENESIS
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 43
Gene SomKQA 43:2  Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya.
Gene SomKQA 43:3  Markaasaa Yahuudah la hadlay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii aad buu noogu digay, oo wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane.
Gene SomKQA 43:4  Haddaad walaalkayo na raacisid, waannu dhaadhacaynaa oo cuntaannu kuu soo iibinaynaa,
Gene SomKQA 43:5  laakiinse haddaadan isaga dirin, annagu dhaadhici mayno; waayo, ninkii wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane.
Gene SomKQA 43:6  Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Maxaad sida xun iigula macaamilooteen, oo aad ninka ugu sheegteen inaad walaal kale leedihiin?
Gene SomKQA 43:7  Markaasay yidhaahdeen, Ninku wuu na haybsaday annaga iyo xigaalkayaga, oo wuxuuna yidhi, Aabbihiin weli ma nool yahay? Walaal kale ma leedihiin? Oo annana waxaannu ugu jawaabnay wixii uu na weyddiiyey; waayo, miyaannu sinaba ku garan karnay inuu nagu odhan doono, Walaalkiin keena?
Gene SomKQA 43:8  Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi aabbihiis Israa'iil, Wiilka i raaci, oo markaas waannu kici oo waannu tegi doonnaa, inaynu noolaanno, oo aynaan dhiman, annaga, iyo adiga, iyo dhallaankayaguba.
Gene SomKQA 43:9  Anigaa dammiin u noqon doona oo anaad i weyddiisan doontaa isaga. Haddii aan kuu keeni waayo isaga oo aan hortaada soo joojin waayo, aniga eeddu ha i saarnaato weligay,
Gene SomKQA 43:10  waayo, haddaannan raagin, hubaal hadda mar labaad waannu soo noqon lahayn.
Gene SomKQA 43:11  Markaasaa aabbahood Israa'iil wuxuu iyagii ku yidhi, Hadday haatan saas tahay, bal tan yeela, haddaba midhaha ugu fiican oo dalka weelashiinna ku qaada, oo bal ninkii hadiyad ugu geeya, wuxoogaa beeyo ah, iyo wuxoogaa malab ah, iyo xawaash iyo malmal, iyo lows iyo yicib;
Gene SomKQA 43:12  gacantiinnana lacag labanlaab ah ku qaada, oo lacagtii joonyadihiinna afkooda lagu soo celiyeyna haddana gacantiinna ku qaada, waayo, mindhaa waa la soo qaldamay.
Gene SomKQA 43:13  Walaalkiinna kaxeeya, oo kaca, oo bal haddana ninkii u taga,
Gene SomKQA 43:14  oo Ilaaha Qaadirka ahu naxariis ha idinka siiyo ninka hortiisa, inuu idiin sii daayo walaalkiinnii kale iyo Benyaamiin. Oo haddaan carruurtayda ka gablamo, anaa gablamay.
Gene SomKQA 43:15  Markaasaa nimankii waxay qaadeen hadiyaddii, lacag labanlaab ahna gacantooday ku qaadeen, Benyaamiinna way kaxeeyeen, wayna kaceen oo Masar tageen, oo waxay hor istaageen Yuusuf.
Gene SomKQA 43:16  Oo markii Yuusuf arkay Benyaamiin oo iyaga la jira ayuu wakiilkii gurigiisa ku yidhi, Nimanka guriga soo geli, dabadeedna neef qal oo diyaari, waayo, duhurka nimanku anigay ila qadayn doonaan.
Gene SomKQA 43:17  Markaasaa ninkii yeelay wixii Yuusuf ku amray; oo ninkii wuxuu nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf.
Gene SomKQA 43:18  Nimankiina waa cabcabsadeen, maxaa yeelay, waxaa la soo geliyey gurigii Yuusuf; oo waxay isku yidhaahdeen, Lacagtii markii hore lagu soo celiyey joonyadaheenna weeye waxa laynoo soo xeraystay; wuxuu doonayaa inuu wax inoo qabsado, oo uu ina dhaco, oo uu ina addoonsado, dameerradeennana qaato.
Gene SomKQA 43:19  Markaasay waxay u soo dhowaadeen wakiilkii guriga Yuusuf, oo waxay isagii kula hadleen albaabkii guriga,
Gene SomKQA 43:20  waxayna ku yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, markii hore waxaannu u soo dhaadhacnay inaannu cunto iibsanno,
Gene SomKQA 43:21  oo markii aannu meel aannu ku hoyanno gaadhnay ayaannu furnay joonyadahayagii, oo bal eeg, nin walba lacagtiisii waxay ugu jirtay joonyaddiisa afkeeda, waxay ahayd lacagtayadii oo miisaankeedii dhan yahay; oo haddana gacantayadaannu ku soo celinnay.
Gene SomKQA 43:22  Oo lacag kale oo aannu cunto ku iibsannona waan la soo dhaadhacnay. Annagu garan mayno kii lacagtayadii ku riday joonyadahayagii.
Gene SomKQA 43:23  Isna wuxuu yidhi, Nabad ha idiin ahaato, ee ha cabsanina. Ilaahiinna ah Ilaaha aabbihiin ayaa maal idiinku riday joonyadihiinnii. Anigu waan helay lacagtiinnii. Markaasuu Simecoon dibadda ugu soo bixiyey iyagii.
Gene SomKQA 43:24  Oo ninkii baa nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf, oo biyo siiyey, kolkaasay cagamaydheen. Dameerradoodiina cuntuu siiyey.
Gene SomKQA 43:25  Markaasay diyaariyeen hadiyaddii intuusan Yuusuf duhurkii iman; waayo, waxay maqleen inay halkaas wax ka cuni doonaan.
Gene SomKQA 43:26  Oo markii Yuusuf gurigii yimid ayay gurigii ugu keeneen hadiyaddii gacantooda ku jirtay, markaasay u wada sujuudeen oo wejiga dhulka saareen.
Gene SomKQA 43:27  Isna markaasuu nabdaadiyey iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii duqa ahaa oo aad sheegteen oo aabbihiin ahaa ma ladan yahay? Weli miyuu nool yahay?
Gene SomKQA 43:28  Markaasay yidhaahdeen, Addoonkaagii aabbahayo ahaa waa ladan yahay, welina wuu nool yahay. Kolkaasay madaxa foororiyeen, oo ay u sujuudeen.
Gene SomKQA 43:29  Markaasuu intuu indhihiisii kor u taagay wuxuu arkay Benyaamiin oo ahaa walaalkiisii hooyo, oo wuxuu yidhi, Kanu ma walaalkiinnii idiinku yaraa oo aad ii sheegteen baa? Oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, Ilaah ha kuu roonaado.
Gene SomKQA 43:30  Markaasuu Yuusuf dhaqsaday, oo goobtay meel uu ku ooyo, waayo, walaalkiis buu u beernuglaaday oo wuxuu galay qowladdiisii, oo halkaasuu ku ooyay.
Gene SomKQA 43:31  Kolkaasuu intuu fooldhaqday soo baxay; oo intuu adkaystay ayuu wuxuu yidhi, Cunto noo soo dhiga.
Gene SomKQA 43:32  Markaasay isagii gooni ahaantiis ugu dhigeen, iyagiina gooni ahaantood, Masriyiintii isaga la cuntayna gooni ahaantood; maxaa yeelay, Masriyiintu lama ay cuni karin Cibraaniyada, waayo, taasu Masriyiinta karaahiyo bay u ahayd.
Gene SomKQA 43:33  Oo waxay hor fadhiisteen isagii, curadka sidii curadnimadiisii ahayd buu u fadhiistay, kii ugu yaraana yaraannimadiisii; markaasaa nimankii midba midka kale eegay oo ay wada yaabeen.
Gene SomKQA 43:34  Markaasaa hortiisa waxaa iyagii looga qaaday dhawr qaybood oo cunto ah, laakiinse intii Benyaamiin shan jeer bay ka weynayd kuwa kale intoodii. Kolkaasay wax cabbeen oo ay la farxeen isagii.