GENESIS
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
32
33
34
35
36
37
38
39
40
41
42
43
44
45
46
47
48
49
50
Chapter 26
Gene | SomKQA | 26:1 | Waxaa dhulkii ka dhacday abaar, oo aan ahayn tii hore oo waagii Ibraahim dhacday. Markaasaa Isxaaq u kacay xagga Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin xagga Geraar. | |
Gene | SomKQA | 26:2 | Rabbiguna wuu u muuqday isaga, oo wuxuu ku yidhi, Xagga Masar ha u dhaadhicin, laakiinse deg dhulka aan kuu sheegi doono. | |
Gene | SomKQA | 26:3 | Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim. | |
Gene | SomKQA | 26:4 | Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan; | |
Gene | SomKQA | 26:5 | maxaa yeelay, Ibraahim baa addeecay codkaygii, wuxuuna dhawray wixii la ii dhawri lahaa, iyo xukummadaydii, iyo amarradaydii, iyo qaynuunnadaydii. | |
Gene | SomKQA | 26:7 | oo dadkii meeshaas joogay baa naagtiisii ka warsaday, oo wuxuu yidhi, Iyadu waa walaashay: waayo, wuu ka cabsaday inuu yidhaahdo, Waa naagtaydii, oo wuxuu isyidhi, waaba intaasoo ay dadka meeshanu igu dilaan Rebeqah aawadeed, maxaa yeelay, way suurad quruxsanayd. | |
Gene | SomKQA | 26:8 | Markuu halkaas wakhti dheer joogay ayaa Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin daaqad ka fiiriyey, oo uu arkay Isxaaq oo naagtiisii Rebeqah la qooqaya. | |
Gene | SomKQA | 26:9 | Markaasuu Abimeleg Isxaaq u yeedhay, oo yidhi, Hubaal iyadu waa naagtaadii. De sidee baad ku tidhi, Waa walaashay? Isxaaqna wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, waxaan is-idhi, Waaba intaasoo aad u dhimatid iyada aawadeed. | |
Gene | SomKQA | 26:10 | Oo Abimelegna wuxuu ku yidhi, War waa maxay waxan aad nagu samaysay? Mid dadka ka mid ahu dhib yaraan buu ula jiifsan lahaa naagtaada, oo kolkaasaad eed noo soo jiidi lahayd. | |
Gene | SomKQA | 26:11 | Markaasaa Abimeleg wuxuu dadkii oo dhan ku amray, oo yidhi, Kii ninkan ama naagtiisa taabta hubaal naftaa laga qaadi doonaa. | |
Gene | SomKQA | 26:12 | Isxaaqna dhulkaasuu wax ku beertay, isla sannaddiina wuxuu helay boqol laab; Rabbiguna wuu barakeeyey isagii. | |
Gene | SomKQA | 26:14 | wuxuuna lahaa adhi iyo lo', iyo addoommo fara badan; markaasay reer Falastiin ka masayreen. | |
Gene | SomKQA | 26:15 | Ceelashii addoommada aabbihiis qodeen oo dhan waagii aabbihiis Ibraahim noolaa ayay reer Falastiin hore u awdeen oo ciid uga buuxiyeen. | |
Gene | SomKQA | 26:16 | Abimelegna wuxuu Isxaaq ku yidhi, Naga tag; waayo, aad baad nooga xoog badan tahay. | |
Gene | SomKQA | 26:18 | Kolkaasaa Isxaaq mar kale qoday ceelashii biyaha oo ay qodeen waagii aabbihiis Ibraahim noolaa, waayo, reer Falastiin baa awday markii Ibraahim dhintay ka dib, oo wuxuu magacyadoodii u bixiyey magacyadii aabbihiis Ibraahim u bixiyey. | |
Gene | SomKQA | 26:20 | Markaasaa xoolojirradii reer Geraar la dirireen xoolojirradii Isxaaq, iyagoo leh, Biyaha annagaa leh. Ceelka magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceseq, maxaa yeelay, way la dirireen isagii. | |
Gene | SomKQA | 26:21 | Ceel kalena way qodeen, oo kaasna way kula dirireen, markaasuu magiciisii u bixiyey Sitnah. | |
Gene | SomKQA | 26:22 | Kolkaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu qoday ceel kale; kaasna kulama ay diririn; magiciisiina wuxuu u bixiyey Rexobod, oo wuxuu yidhi, Haatan Rabbigu meel buu noo banneeyey, oo dalka waannu ku badnaynaa. | |
Gene | SomKQA | 26:24 | Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis. | |
Gene | SomKQA | 26:25 | Kolkaasuu halkaas ka dhisay meel allabari, oo magaca Rabbiga ku baryootamay, halkaas buuna teendhadiisii ka dhisay, markaasaa addoommadii Isxaaq halkaas ceel ka qodeen. | |
Gene | SomKQA | 26:26 | Dabadeedna Abimeleg iyo saaxiibkiis Axusad, iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa ayaa Geraar ka tegey oo Isxaaq u kacay. | |
Gene | SomKQA | 26:27 | Markaasaa Isxaaq ku yidhi, Maxaad iigu timaadeen, waabad i neceb tihiine, oo aad iska kay erideene? | |
Gene | SomKQA | 26:28 | Oo waxay yidhaahdeen, Caddaan baannu u aragnay in Rabbigu kula jiro; oo waxaannu nidhi, Annaga iyo adiga dhaaru ha inoo dhexayso oo aynu axdi dhiganno, | |
Gene | SomKQA | 26:29 | inaadan wax na yeelayn, sidii annana aannan kuu taaban, oo aannan waxba kuugu samayn wanaag mooyaane, oo aannu nabad kuugu dirnay. Adigu hadda waxaad tahay kan Rabbigu barakeeyey. | |
Gene | SomKQA | 26:31 | Kolkaasay aroor hore kaceen, oo isu dhaardhaarteen: markaasaa Isxaaq iska diray, iyana nabad bay kaga ambabbaxeen. | |
Gene | SomKQA | 26:32 | Oo isla maalintaas ayay addoommadii Isxaaq yimaadeen, oo ay uga warrameen ceelkii ay qodeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Biyaannu helnay. | |
Gene | SomKQA | 26:33 | Markaasuu u bixiyey Shebcaah; sidaas daraaddeed magaaladaas magaceeda waxaa ilaa maantadan la yidhaahdaa Bi'ir Shebac. | |
Gene | SomKQA | 26:34 | Ceesaw markuu afartan sannadood jiray ayuu guursaday Yuhuudiid ina Be'eerii kii reer Xeed, iyo Basmad ina Eeloon kii reer Xeed. | |