JOHN
Chapter 17
John | SomKQA | 17:1 | Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano, | |
John | SomKQA | 17:2 | sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan. | |
John | SomKQA | 17:3 | Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay. | |
John | SomKQA | 17:5 | Haddana, Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin. | |
John | SomKQA | 17:6 | Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen, oo anaad i siisay, iyaguna ereygaagay xajiyeen. | |
John | SomKQA | 17:8 | Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga, wayna aqbaleen, run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid, wayna rumaysteen inaad i soo dirtay. | |
John | SomKQA | 17:9 | Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida, laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii. | |
John | SomKQA | 17:11 | Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale. | |
John | SomKQA | 17:12 | Intaan iyaga la jiray, waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay, waanan ilaaliyey, midkoodna ma lumin, wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado. | |
John | SomKQA | 17:13 | Haddana waan kuu imanayaa, oo waxyaalahan ayaan ku hadlayaa intaan dunida joogo inay haystaan farxaddayda oo ay ka buuxsanto iyaga. | |
John | SomKQA | 17:14 | Ereygaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn. | |
John | SomKQA | 17:15 | Kaa baryi maayo inaad iyaga dunida ka qaaddid, waxaanse kaa baryayaa inaad ka dhawrtid kan sharka leh. | |
John | SomKQA | 17:19 | Oo aawadood ayaan quduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta quduus lagaga dhigo. | |
John | SomKQA | 17:20 | Kuwan oo keliya kuu baryi maayo, waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis, | |
John | SomKQA | 17:21 | inay dhammaan mid ahaadaan, sidaad adigu, Aabbow, iigu jirtid, aniguna aan kuugu jiro, inay iyaguna inoogu jiraan, in dunidu rumaysato inaad i soo dirtay. | |
John | SomKQA | 17:23 | Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa, inay mid ku dhan yihiin, in dunidu garato inaad i soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay, sidaad ii jeclaatay. | |
John | SomKQA | 17:24 | Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin. | |
John | SomKQA | 17:25 | Aabbaha xaqa ahow, dunidu kuma ay garanaynin, laakiinse waan ku garanayay; kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay. | |