JOHN
Chapter 7
John | SomKQA | 7:1 | Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan. | |
John | SomKQA | 7:3 | Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid. | |
John | SomKQA | 7:4 | Ma jiro nin si qarsoon wax u sameeyaa markuu doonayo in bayaan loo ogaado. Haddaad waxyaalahan samayso, dunida isu muuji. | |
John | SomKQA | 7:6 | Sidaa aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Wakhtigaygu weli ma iman, laakiin wakhtigiinnu goor walba wuu joogaa. | |
John | SomKQA | 7:7 | Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin. | |
John | SomKQA | 7:8 | Idinku iidda u kaca, anigu iiddan weli u kici maayo, waayo, wakhtigaygu weli ma dhammaan. | |
John | SomKQA | 7:10 | Markii walaalihiis iiddii u kaceen, ayuu isaguna markaas xaggeeda u kacay, bayaan kuma tegin, laakiin sidii mid isqarinaya buu u tegey. | |
John | SomKQA | 7:12 | Dadkii badnaa aad bay uga gunuuneceen isaga, qaarkood waxay yidhaahdeen, Waa nin wanaagsan; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Sidaas ma aha, laakiin dadkii badnaa ayuu khiyaaneeyaa. | |
John | SomKQA | 7:14 | Laakiin markay ahayd iidda dhexdeeda Ciise wuxuu u kacay macbudka, wax ayuuna ku baray. | |
John | SomKQA | 7:15 | Sidaa aawadeed Yuhuuddii ayaa la yaabtay iyagoo leh, Sidee baa kanu qorniinka u yaqaan isagoo aan weligiis baran? | |
John | SomKQA | 7:16 | Ciise ayaa haddaba u jawaabay oo ku yidhi, Waxbariddaydu tayda ma aha, laakiin waxaa leh kan i soo diray. | |
John | SomKQA | 7:17 | Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda, inay tahay tii Ilaah amase aan qudhaydu iska hadlayo. | |
John | SomKQA | 7:18 | Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto. | |
John | SomKQA | 7:19 | Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan? | |
John | SomKQA | 7:21 | Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Shuqul keliya ayaan sameeyey, kulligiinna waad la yaabteen. | |
John | SomKQA | 7:22 | Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan. | |
John | SomKQA | 7:23 | Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis sabtidii bogsiiyey? | |
John | SomKQA | 7:25 | Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan? | |
John | SomKQA | 7:26 | Bal fiiriya, bayaan buu u hadlaa, waxbase kuma yidhaahdaan. Taliyayaashu runtii ma og yihiin inuu kanu yahay Masiixa? | |
John | SomKQA | 7:27 | Laakiin kani meeshuu ka yimid waannu og nahay, markuuse Masiixu yimaado, ninna garan maayo meeshuu ka imanayo. | |
John | SomKQA | 7:28 | Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin. | |
John | SomKQA | 7:30 | Sidaa aawadeed waxay dooneen inay qabtaan, laakiin ninna faro ma uu saarin, waayo, saacaddiisii weli ma iman. | |
John | SomKQA | 7:31 | Laakiin qaar badan oo dadkii ahi way rumaysteen, waxayna yidhaahdeen, Masiixu markuu yimaado miyuu samayn doonaa calaamooyin ka badan kuwii kanu sameeyey? | |
John | SomKQA | 7:32 | Farrisiintu way maqleen dadkii badnaa oo ka gunuunacayay waxaas ku saabsanaa isaga, wadaaddadii sarena iyo Farrisiintii waxay u direen saraakiil inay soo qabtaan isaga. | |
John | SomKQA | 7:33 | Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Weli in yar baan idinla joogayaa, markaasaan u tegayaa kii i soo diray. | |
John | SomKQA | 7:34 | Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan. | |
John | SomKQA | 7:35 | Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah? | |
John | SomKQA | 7:36 | Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan. | |
John | SomKQA | 7:37 | Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo. | |
John | SomKQA | 7:38 | Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi. | |
John | SomKQA | 7:39 | Waxaas ayuu kaga hadlay Ruuxa oo ay kuwii isaga rumaystay heli doonaan, waayo, Ruuxa weli lama bixin, maxaa yeelay, Ciise weli ma ammaanmin. | |
John | SomKQA | 7:40 | Sidaa aawadeed dadkii badnaa qaarkood, goortay hadalladaas maqleen, waxay yidhaahdeen, Runtii kanu waa nebigii. | |
John | SomKQA | 7:41 | Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Kanu waa Masiixii. Qaarse waxay yidhaahdeen, Laakiin Masiixii ma wuxuu ka imanayaa Galili? | |
John | SomKQA | 7:42 | Qorniinku miyaanu odhan, Masiixu wuxuu ka iman doonaa farcanka Daa'uud iyo tuuladii Beytlaxam oo Daa'uud joogay? | |
John | SomKQA | 7:45 | Saraakiishii haddaba waxay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo Farrisiintii, iyaguna waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u keeni weydeen? | |
John | SomKQA | 7:46 | Saraakiishii waxay ugu jawaabeen, Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay. | |
John | SomKQA | 7:51 | Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo? | |
John | SomKQA | 7:52 | Kolkaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma reer Galili baad tahay? Doondoon, oo arag inaan nebi ka kacayn Galili. | |