Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 110
Psal SomKQA 110:1  Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid.
Psal SomKQA 110:2  Rabbigu wuxuu Siyoon ka soo diri doonaa ushii xooggaaga, Cadaawayaashaada dhexdooda ka tali.
Psal SomKQA 110:3  Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga, Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga, Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.
Psal SomKQA 110:4  Rabbigu wuu dhaartay, kana soo noqon maayo, oo wuxuu yidhi, Adigu weligaaba wadaad baad tahay, Sidii derejadii Malkisadaq.
Psal SomKQA 110:5  Sayidka midigtaada joogaa Wuxuu maalinta cadhadiisa dooxi doonaa boqorro.
Psal SomKQA 110:6  Isagu quruumaha dhexdooda ayuu wax ku xukumi doonaa, Oo meel walba wuxuu ka buuxin doonaa meydad, Oo waddammo badan ayuu madaxda ka dili doonaa.
Psal SomKQA 110:7  Intuu jidka socdo ayuu durdurka ka cabbi doonaa, Oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa kor u qaadi doonaa.