Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 142
Psal SomKQA 142:1  Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa, Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.
Psal SomKQA 142:2  Oo hortiisaan ku cawdaa, Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.
Psal SomKQA 142:3  Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin, Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.
Psal SomKQA 142:4  Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag, Waayo, nin i yaqaan ma jiro, Meel aan magan galo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh.
Psal SomKQA 142:5  Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga, Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.
Psal SomKQA 142:6  Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.
Psal SomKQA 142:7  Naftayda xabsiga ka soo bixi, si aan magacaaga ugu mahad naqo, Kuwa xaqa ah ayaa igu hareeraysnaan doona, Waayo, wax badan oo wanaagsan baad ii samayn doontaa.