Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 101
Psal SomKQA 101:1  Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid, Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan.
Psal SomKQA 101:2  Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya, Bal goormaad ii iman doontaa? Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman.
Psal SomKQA 101:3  Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono, Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda, Oo innaba iguma dhegi doono.
Psal SomKQA 101:4  Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa, Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono.
Psal SomKQA 101:5  Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa, Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono.
Psal SomKQA 101:6  Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed, Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona.
Psal SomKQA 101:7  Kii khiyaano ka shaqeeyaase gurigayga ma joogi doono, Kii been ku hadlaana hortayda kuma xoogaysan doono.
Psal SomKQA 101:8  Subax ilaa ka subax ayaan wada baabbi'in doonaa kuwa sharka leh oo dalka deggan oo dhan, Si aan magaalada Rabbiga uga baabbi'iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhan.