Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 124
Psal SomKQA 124:1  Haddaan Rabbigu inala jirin Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Psal SomKQA 124:2  Haddaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay,
Psal SomKQA 124:3  Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen,
Psal SomKQA 124:4  Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
Psal SomKQA 124:5  Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
Psal SomKQA 124:6  Waxaa mahad leh Rabbiga Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.
Psal SomKQA 124:7  Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.
Psal SomKQA 124:8  Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga Sameeyey samada iyo dhulkaba.