Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 8
Psal SomKQA 8:1  Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
Psal SomKQA 8:2  Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga, Waana cadaawayaashaada daraaddood, Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
Psal SomKQA 8:3  Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
Psal SomKQA 8:4  Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
Psal SomKQA 8:5  Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
Psal SomKQA 8:6  Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
Psal SomKQA 8:7  Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,
Psal SomKQA 8:8  Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda, Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
Psal SomKQA 8:9  Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!