Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
ACTS
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 18
Acts SomKQA 18:1  Waxyaalahaas dabadeed Ateenay ayuu ka tegey, oo wuxuu yimid Korintos.
Acts SomKQA 18:2  Meeshaasna wuxuu ka helay Yuhuudi Akula la odhan jiray, oo reer Bontos ah, oo mar dhow haweenaydiisa Bariskilla kala yimid Itaaliya, maxaa yeelay, Kalawdiyos baa ku amray Yuhuudda oo dhan inay Rooma ka tagaan; wuuna u yimid iyagii.
Acts SomKQA 18:3  Isaguna la shuqul buu ahaa, sidaas darteed ayuu ula joogay iyagii, wayna shaqeeyeen; waayo, xagga shuqulkooda waxay ahaayeen taambuug-sameeyayaal.
Acts SomKQA 18:4  Oo wuxuu sabti walba sunagogga kula doodi jiray oo soo jeedin jiray Yuhuud iyo Gariigba.
Acts SomKQA 18:5  Laakiin markii Silas iyo Timoteyos Makedoniya ka yimaadeen, hadalka ayaa haystay Bawlos isagoo Yuhuudda hortooda ka sheegaya in Ciise yahay Masiixa.
Acts SomKQA 18:6  Oo markay is hor taageen oo caytameen, isagu dharkiisuu hurgufay oo ku yidhi iyagii, Dhiiggiinnu madaxiinna ha dul ahaado; anigu nadiif baan ahay, hadda ka dib waxaan u tegi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn.
Acts SomKQA 18:7  Markaasuu meeshaas ka tegey, oo wuxuu galay gurigii ninka Tiitos Yuustos la odhan jiray, kaasoo Ilaah caabudi jiray, oo gurigiisu ku xigay sunagogga.
Acts SomKQA 18:8  Markaasaa Kirisbos oo sunagogga u sarreeyey baa Rabbiga rumaystay, isaga iyo kuwii gurigiisa oo dhanba; kuwo badan oo reer Korintos ahna ayaa markay maqleen rumaystay, oo waa la baabtiisay.
Acts SomKQA 18:9  Haddaba Rabbiga ayaa wuxuu Bawlos habeennimo riyo ku yidhi, Ha cabsanin, laakiin hadal, hana aamusin;
Acts SomKQA 18:10  maxaa yeelay, anaa kula jooga, ninnana kuma dhici doono inuu wax ku yeelo, waayo, dad badan baan magaaladan ku leeyahay.
Acts SomKQA 18:11  Meeshaasna sannad iyo lix bilood ayuu joogay, oo wuxuu dhexdooda barayay ereyga Ilaah.
Acts SomKQA 18:12  Laakiin kolkii Galliyo ahaa taliyaha Akhaya, Yuhuuddii oo isku qalbi ah baa ku kacday Bawlos, oo waxay hor keeneen kursigii xukumaadda iyagoo leh,
Acts SomKQA 18:13  Ninkanu wuxuu dadka yeelsiiyaa inay Ilaah u caabudaan si sharciga ka gees ah.
Acts SomKQA 18:14  Laakiin kolkii Bawlos u dhowaa inuu afkiisa kala qaado ayaa Galliyo Yuhuuddii ku yidhi, Kuwiinnan Yuhuudda ahow, xaajadii hadday tahay xaqdarro ama xumaan shar ah, sababtaas waan idiinku dulqaadan lahaa;
Acts SomKQA 18:15  laakiin hadday yihiin su'aalo ku saabsan hadallo iyo magacyo iyo sharcigiinna, idinka qudhiinnu fiiriya, maxaa yeelay, anigu dooni maayo inaan waxyaalahaas xaakin u ahaado.
Acts SomKQA 18:17  Kolkaasay kulligood waxay qabteen Sostenees oo sunagogga u sarreeyey, wayna ku garaaceen isagii kursigii xukumaadda hortiisa. Galliyona dan kama gelin waxyaalahaas.
Acts SomKQA 18:18  Markaasaa Bawlos maalmo badan sii joogay, dabadeed ayuu walaalihii ka tegey, oo wuxuu u dhoofay Suuriya, isagoo ay la socdaan Bariskilla iyo Akula, wuxuuna Kenekhreya hore ugu xiirtay madaxa, maxaa yeelay, nidar buu galay.
Acts SomKQA 18:19  Markaasay waxay yimaadeen Efesos, oo halkaasuu iyagii kaga tegey; laakiin isagu wuxuu galay sunagogga oo la dooday Yuhuuddii.
Acts SomKQA 18:20  Oo markay weyddiisteen inuu wakhti ka sii dheer joogo, ma uu oggolaan;
Acts SomKQA 18:21  laakiin markuu ka tegey ayuu ku yidhi, Mar kalaan idiin soo noqon doonaa haddii Ilaah doonayo, markaasuu Efesos ka dhoofay.
Acts SomKQA 18:22  Oo markuu Kaysariya ku soo degay, ayuu wuxuu u aaday oo salaamay kiniisadda, markaasuu Antiyokh aaday.
Acts SomKQA 18:23  Markuu intii mudda ah meeshaas joogayna, wuu ka tegey, markaasuu meel meel u sii dhex maray dalalka Galatiya iyo Farugiya isagoo xertii adkaynaya.
Acts SomKQA 18:24  Haddaba waxaa Efesos yimid Yuhuudi Abolloos la odhan jiray oo reer Iskanderiya ahaa, oo wuxuu ahaa nin hadalyaqaan ah, oo Qorniinka garasho xoog leh u leh.
Acts SomKQA 18:25  Ninkaas jidka Rabbiga hore baa loo baray; oo isagoo ruuxa ku kulul ayuu ku hadlay oo hagaag u baray waxyaalihii Ciise ku saabsanaa, isagoo garanaya baabtiiskii Yooxanaa oo keliya;
Acts SomKQA 18:26  oo wuxuu bilaabay inuu geesinimo kaga dhex hadlo sunagogga. Laakiin Bariskilla iyo Akula, markay maqleen isagii, ayay kaxaysteen, kolkaasay aad ugu sii caddeeyeen jidka Ilaah.
Acts SomKQA 18:27  Oo markuu damcay inuu u sii dhaafo Akhaya, ayaa walaalihii dhiiro geliyeen, oo waxay xerta u qoreen inay soo dhoweeyaan isagii; markuu yimidna aad buu u caawiyey iyagii, kuwaasoo nimco ku rumaystay,
Acts SomKQA 18:28  maxaa yeelay, si xoog leh ayuu Yuhuuddii u garansiiyey oo caddaan ugu tusay Qorniinka in Ciise yahay Masiixa.