Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
ACTS
Prev Up Next
Chapter 7
Acts SomKQA 7:1  Markaasaa wadaadkii sare wuxuu yidhi, Waxanu ma saasaa?
Acts SomKQA 7:2  Markaasuu ku yidhi, Walaalo iyo aabbayaalow, dhegaysta, Ilaaha Ammaantu wuxuu u muuqday awoweheen Ibraahim markuu Mesobotamiya joogay intuusan Haaraan degin,
Acts SomKQA 7:3  oo wuxuu ku yidhi, Ka soo kac waddankaaga iyo dadkaaga, oo kaalay dalka aan ku tusi doono.
Acts SomKQA 7:4  Markaasuu ka soo kacay dalkii reer Kaldayiin oo wuxuu soo degay Haaraan; oo markuu aabbihiis dhintay ayaa Ilaah meeshaas isaga ka soo wareejiyey oo keenay dalkan aad haatan deggan tihiin,
Acts SomKQA 7:5  oo dhaxalna kama uu siin, xataa meel uu cagtiisa dhigo; laakiin wuxuu isaga ka ballanqaaday inuu dalka mulki u siiyo isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba, in kastoo uusan dhal lahayn.
Acts SomKQA 7:6  Ilaah sidan buu u hadlay, in farcankiisu degi doono dal shisheeye, oo iyaga la addoonsan doono, oo afar boqol oo sannadood la dhibi doono.
Acts SomKQA 7:7  Ilaah wuxuu yidhi, Quruunta iyagu ay u addoonsamaan ayaan xukumi doonaa; markaas dabadeed ayay ka soo bixi doonaan oo meeshan iigu adeegi doonaan.
Acts SomKQA 7:8  Oo wuxuu isaga siiyey axdiga gudniinta; haddaba Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, oo maalintii siddeedaad ayuu guday isaga; Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub; Yacquubna wuxuu dhalay laba-iyo-tobankii aynu ka soo farcannay.
Acts SomKQA 7:9  Kuwii aan ka soo farcannayna intay Yuusuf ka masayreen ayay waxay ka iibiyeen Masar;
Acts SomKQA 7:10  laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan.
Acts SomKQA 7:11  Haddaba waxaa Masar iyo Kancaan oo dhan ka wada dhacay abaar iyo dhibaato weyn; awowayaasheenna dhuuni bay ka waayeen.
Acts SomKQA 7:12  Laakiin markii Yacquub maqlay in Masar sarreen jiro, ayuu markii ugu horraysay awowayaasheen diray.
Acts SomKQA 7:13  Oo markii labaad waxaa walaalihiis la aqoonsiiyey Yuusuf; markaasaa Fircoon wuxuu gartay Yuusuf qoladiisii.
Acts SomKQA 7:14  Markaasaa Yuusuf cid u diray oo u yeedhay aabbihiis Yacquub iyo dadkiisii oo dhan oo ahaa shan iyo toddobaatan qof.
Acts SomKQA 7:15  Markaasaa Yacquub Masar tegey. Isaga qudhiisii waa dhintay iyo awowayaasheenba;
Acts SomKQA 7:16  waxaana la geeyey Shekem oo la dhigay xabaashii Ibraahim qiimaha lacagta ah kaga iibsaday wiilashii Xamoor oo Shekem joogay.
Acts SomKQA 7:17  Laakiin markuu soo dhowaaday wakhtigii ballankii Ilaah kula ballamay Ibraahim, ayay dadkii ku soo kordheen oo ku bateen Masar,
Acts SomKQA 7:18  tan iyo intii boqor kale oo aan Yuusuf oqooni Masar ka kacay.
Acts SomKQA 7:19  Isaguna waa khiyaaneeyey dadkeenna, awowayaasheenna wuu xumeeyey, oo wuxuuna ku qasbay inay ilmahoodii yaryaraa iska tuuraan si ayan u sii noolaan.
Acts SomKQA 7:20  Muusena wakhtigaasuu dhashay, oo wuxuu ahaa wax qurux badan; oo saddex bilood ayaa gurigii aabbihiis lagu hayay;
Acts SomKQA 7:21  markii la tuurayna, Fircoon gabadhiisii ayaa qaadatay oo sidii wiilkeedii oo kale u korsatay.
Acts SomKQA 7:22  Muusena waxaa la baray xigmaddii Masriyiinta oo dhan; hadalladiisa iyo falimihiisana xoog buu ku lahaa.
Acts SomKQA 7:23  Laakiin markuu gaadhay afartan sannadood oo buuxa ayaa waxaa qalbigiisa gashay inuu walaalihiis oo reer binu Israa'iil ahaa soo booqdo.
Acts SomKQA 7:24  Oo markuu arkay midkood oo lagu gardarroonayo, ayuu ka celiyey, oo intuu kii la dulmayay uu aarguday, ayuu Masrigii dilay;
Acts SomKQA 7:25  oo wuxuu u malaynayay in walaalihiis garteen sida Ilaah gacantiisa iyaga ugu samatabbixinayo, laakiin ma ay garan.
Acts SomKQA 7:26  Oo maalintii ku xigtay ayuu iyagoo diriraya u yimi, oo wuxuu damcay inuu heshiisiiyo, markaasuu yidhi, Niman yahow, walaalaad tihiine; maxaad isu dulmaysaan?
Acts SomKQA 7:27  Laakiin kii deriskiisii dulmayay, ayaa isaga iska riixay oo ku yidhi, Yaa nooga kaa dhigay taliye iyo xaakin?
Acts SomKQA 7:28  Ma waxaad doonaysaa inaad ii dishid sidaad Masrigii shaalay u dishay?
Acts SomKQA 7:29  Markaasaa Muuse hadalkaas aawadiis cararay, oo sidii ajanabi buu dalka Midyaan u degganaa, meeshaasna laba wiil buu ku dhalay.
Acts SomKQA 7:30  Markii afartan sannadood dhammaatay dabadeed ayaa waxaa isagii Buur Siinay cidladeedii uga muuqatay malaa'ig ku dhex jirta geed dab ka ololayo.
Acts SomKQA 7:31  Oo markii Muuse arkay ayuu wuxuu arkay la yaabay, oo intuu u soo dhowaanayay inuu arko, ayaa waxaa u yimid codkii Rabbiga oo leh,
Acts SomKQA 7:32  Anigu waxaan ahay Ilaaha awowayaashaa, Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub. Markaasaa Muuse gariiray oo ku dhici waayay inuu eego.
Acts SomKQA 7:33  Markaasaa Rabbigu isaga ku yidhi, Kabaha cagahaaga ka furfur; maxaa yeelay, meesha aad ku taagan tahay waa dhul quduus ah.
Acts SomKQA 7:34  Dadkayga Masar jooga rafaadkooda waan arkay, taahoodana waan maqlay, oo waxaan u imid inaan samatabbixiyo; haddaba kaalay, Masar baan kuu diri doonaaye.
Acts SomKQA 7:35  Muusahakan ay diideen oo ku yidhaahdeen, Yaa kaa dhigay taliye iyo xaakin? Isagaa Ilaah ugu soo diray gacanta malaa'igtii geedka uga soo muuqatay inuu ahaado taliye iyo samatabbixiye.
Acts SomKQA 7:36  Kanaa iyaga Masar ka soo saaray, oo yaabab iyo calaamooyin ku sameeyey Masar, iyo Badda Cas, iyo cidlada afartan sannadood.
Acts SomKQA 7:37  Kanu waa Muusihii ku yidhi reer binu Israa'iil, Ilaah wuxuu walaalihiin idiinka dhex kicin doonaa nebi sidayda oo kale.
Acts SomKQA 7:38  Kanu waa kii ku dhex jiray kiniisaddii cidlada oo la jiray malaa'igtii isaga kala hadashay Buur Siinay iyo awowayaasheen, kii la siiyey hadallada nool inuu ina siiyo.
Acts SomKQA 7:39  Isaga awowayaasheen ma ay doonaynin inay addeecaan, laakiin intay iska riixeen ayay qalbigooda geliyeen inay Masar dib ugu jeestaan,
Acts SomKQA 7:40  oo waxay Haaruun ku yidhaahdeen, Inoo samee ilaahyo ina hor socda; maxaa yeelay, Muusihii inaga soo kaxeeyey dhulka Masar garan mayno waxa ku dhacay.
Acts SomKQA 7:41  Markaasay waxay wakhtigaas sameeyeen weyl, oo sanamkii waxay u keeneen allabari, oo waxay ku farxeen shuqulkii gacmahoodu sameeyeen.
Acts SomKQA 7:42  Laakiin Ilaah baa ka jeestay, oo wuxuu faraha uga qaaday inay u adeegaan guutada samada; sida ay ugu qoran tahay kitaabka nebiyada, Bal reer binu Israa'iilow, afartankii sannadood oo aad cidlada joogteen, Ma anigaad i siiseen xoolo qalan iyo allabaryo?
Acts SomKQA 7:43  Weliba waxaad qaadateen taambuuggii Molokh Iyo xiddigtii ilaaha Remfan, Oo ah waxyaalihii aad u samaysateen inaad caabuddaan. Haddaba waxaan idiin kaxayn doonaa Baabuloon shishadeeda.
Acts SomKQA 7:44  Awowayaasheen waxay cidlada ku hayeen taambuuggii maragga, sidii kii Muuse la hadlay ugu amray isaga inuu u sameeyo sidii qaabkii uu arkay.
Acts SomKQA 7:45  Kaas ayaa awowayaasheen markoodii la soo qaadeen Yashuuca markay galeen oo qaateen dhulkii quruumihii Ilaah awowayaasheen hortooda ku eryay, ilaa waagii Daa'uud.
Acts SomKQA 7:46  Daa'uudna Ilaah hortiis ayuu wanaag ka helay, oo wuxuu weyddiistay inuu Ilaahii Yacquub u helo meel uu dego.
Acts SomKQA 7:48  Hase ahaatee Kan ugu sarreeya ma dego guryo gacmo lagu sameeyo; sida nebigu leeyahay,
Acts SomKQA 7:49  Samadu waa carshigayga, Dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto, Rabbigu wuxuu leeyahay, Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Ama maxay tahay meeshaan ku nastaa?
Acts SomKQA 7:51  Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan.
Acts SomKQA 7:52  Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.
Acts SomKQA 7:53  Waxaad sharciga u hesheen sidii wax malaa'igahu hagaajiyeen, laakiinse ma aydnaan xajin.
Acts SomKQA 7:54  Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga.
Acts SomKQA 7:55  Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan,
Acts SomKQA 7:56  oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan arkayaa samooyinkii oo la furay iyo Wiilkii Aadanaha oo midigta Ilaah taagan.
Acts SomKQA 7:57  Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii.
Acts SomKQA 7:58  Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos.
Acts SomKQA 7:59  Markaasay dhagxiyeen Istefanos oo Rabbiga baryaya oo ku leh, Rabbi Ciisow, ruuxayga qaado.
Acts SomKQA 7:60  Markaasuu jilba joogsaday oo cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Rabbiyow, dembigan dushooda ha ka dhigin. Oo markuu sidaas yidhi, ayuu dhintay.