Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
EZRA
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10
Prev Up Next
Chapter 7
Ezra SomKQA 7:1  Haddaba waxyaalahaas dabadeed intii Artaxshasta oo boqorkii Faaris ahaa dowladnimada haystay ayaa Baabuloon waxaa ka soo kacay Cesraa ina Seraayaah, oo ahaa ina Casaryaah, ina Xilqiyaah,
Ezra SomKQA 7:5  ina Abiishuuca, ina Fiinexaas, ina Elecaasaar, ina Haaruun kii ahaa wadaadka sare;
Ezra SomKQA 7:6  oo Cesraahan ayaa ka tegey Baabuloon, oo wuxuu ahaa karraani aad u yaqaan sharcigii Muuse uu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil siiyey; oo boqorkuna wuxuu siiyey wixii uu weyddiistay oo dhan sidii ay gacantii Rabbiga Ilaahiis ahu u saarnayd.
Ezra SomKQA 7:7  Oo sannaddii toddobaad oo dowladnimadii Boqor Artaxshasta waxaa Yeruusaalem tegey qaar ah reer binu Israa'iil, iyo wadaaddada, iyo reer Laawi, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryadii, iyo reer Netiiniim.
Ezra SomKQA 7:8  Oo wuxuu Yeruusaalem yimid boqorka sannaddiisii toddobaad, bisheedii shanaad.
Ezra SomKQA 7:9  Baabuloon ayuu ka soo baxay bishii kowaad maalinteedii kowaad, oo wuxuu Yeruusaalem yimid bishii shanaad maalinteedii kowaad, sidii ay gacantii Ilaahiisa oo wanaagsanayd u saarnayd.
Ezra SomKQA 7:10  Waayo, Cesraa wuxuu qalbigiisa u diyaariyey inuu doondoono oo sameeyo Rabbiga sharcigiisa iyo inuu reer binu Israa'iil baro qaynuunno iyo xukummo.
Ezra SomKQA 7:11  Haddaba kanu waa naqilkii warqaddii uu Boqor Artaxshasta siiyey Cesraa oo ahaa wadaadkii iyo karraanigii kaasoo ahaa karraanigii erayadii amarrada Rabbiga iyo qaynuunnadiisii uu reer binu Israa'iil siiyey.
Ezra SomKQA 7:12  Anigoo ah Artaxshasta boqorkii boqorrada, waxaan u qorayaa wadaadkii Cesraa oo ah karraanigii sharciga Ilaaha samada ee kaamil ah, iyo wax la mid ah. Salaan
Ezra SomKQA 7:13  Waxaan amar ku bixinayaa in dadka reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadooda, iyo reer Laawi, inta boqortooyadayda ku jirta, ee ikhtiyaarkooda u doonaya inay Yeruusaalem tagaan, ay dhammaan ku raacaan.
Ezra SomKQA 7:14  Waxaa ku soo diray boqorkii iyo toddobadiisii lataliye inaad soo warsatid Yahuudah iyo Yeruusaalem, sida waafaqsan sharciga Ilaaha oo gacantaada ku jira,
Ezra SomKQA 7:15  iyo inaad qaaddid lacagta iyo dahabka ay boqorka iyo lataliyayaashiisu ikhtiyaarkooda ugu bixiyeen Ilaaha reer binu Israa'iil oo rugtiisu tahay Yeruusaalem,
Ezra SomKQA 7:16  iyo kulli lacagta iyo dahabka aad ka heli doonto gobolka Baabuloon oo dhan, iyo qurbaanka dadku ikhtiyaarka u bixiyo, iyo kan wadaaddadu ay ikhtiyaarkooda ugu bixiyaan guriga Ilaahooda oo Yeruusaalem ku yaal aawadiis,
Ezra SomKQA 7:17  haddaba sidaas daraaddeed waa inaad aad ugu dadaashaa inaad lacagtan ku iibiso dibi, iyo wanan, iyo baraar, iyo qurbaannadooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, oo aad ku dul bixisaa meesha allabariga ee guriga Ilaahaaga oo Yeruusaalem ku yaal.
Ezra SomKQA 7:18  Oo lacagta iyo dahabka intooda kale ku sameeya wax alla wixii adiga iyo walaalahaa idinla wanaagsan oo sida Ilaahiin doonayo ah.
Ezra SomKQA 7:19  Oo weelasha laguugu dhiibay in lagu qabto adeegidda guriga Ilaahaaga waxaad hor geeysaa Ilaaha Yeruusaalem.
Ezra SomKQA 7:20  Oo wax alla wixii kaloo loogu baahan yahay guriga Ilaahaaga aawadiis, ee kugu habboon inaad bixiso, ka bixi boqorka gurigiisa khasnadda ah.
Ezra SomKQA 7:21  Oo weliba anigoo ah Boqor Artaxshasta waxaan amar ku siinayaa khasnajiyada webiga shishadiisa jooga oo dhan, in dadaal lagu sameeyo wax alla wixii uu idin weyddiisto wadaadka Cesraa oo ah karraaniga sharciga Ilaaha samada,
Ezra SomKQA 7:22  intii ku siman boqol talanti oo lacag ah, iyo boqol kor oo sarreen ah, iyo boqol bad oo khamri ah, iyo boqol bad oo saliid ah, iyo cusbo aan la xisaabin intay tahay.
Ezra SomKQA 7:23  Haddaba wax alla wixii Ilaaha samadu uu amro saas dadaal ha loogu sameeyo guriga Ilaaha samada aawadiis, waayo, bal maxay cadho ugu dhacaysaa boqortooyada boqorka iyo wiilashiisa?
Ezra SomKQA 7:24  Oo weliba waxaannu ku ogeysiinaynaa inaanay xalaal ahaan doonin in gabbaro, canshuur, amase baad toona la saaro wadaaddada, iyo kuwa reer Laawi, iyo nimanka gabayaaga ah, iyo irid-dhawryada, iyo reer Netiiniim, iyo addoommada gurigan Ilaah midkoodna.
Ezra SomKQA 7:25  Oo adigoo Cesraa ahu xigmadda Ilaahaagu ku siiyey ku dooro xaakinno iyo qaadiyo u garsoora dadka webiga ka shisheeya oo dhan, in alla inta taqaan sharciyada Ilaahaaga, oo kii aan aqoonna bara.
Ezra SomKQA 7:26  Oo ku alla kii aan addeecin sharciga Ilaahaaga iyo sharciga boqorka, xukum ha lagu soo dejiyo, iyadoo aad loogu dadaalayo, hadday tahay in la dilo, ama in la masaafuriyo, ama in xoolihiisa lagala wareego, amase in la xidho.
Ezra SomKQA 7:27  Waxaa ammaan leh Rabbiga ah Ilaaha awowayaashayo, oo boqorka qalbigiisa geliyey wax sidanoo kale ah, inuu ku qurxiyo guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal,
Ezra SomKQA 7:28  oo naxariis iga siiyey boqorkii, iyo lataliyayaashiisa, iyo amiirradiisa xoogga badan hortooda oo dhan. Oo waxaan u xoogaystay sidii gacanta Rabbiga Ilaahayga ahu ii saarnayd, markaasaan reer binu Israa'iil ka dhex urursaday rag madax ah inay i raacaan.