Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
ROMANS
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16
Prev Up Next
Chapter 7
Roma SomKQA 7:1  Mise ma waydaan ogayn, walaalayaalow, in sharcigu nin u taliyo intuu nool yahay oo keliya? (Waxaan la hadlayaa dadka sharciga yaqaan.)
Roma SomKQA 7:2  Naagtii nin luhu sharcigay ugu xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiinse mar haddii ninku dhinto, way ka furan tahay sharcigii ninka.
Roma SomKQA 7:3  Sidaas daraaddeed inta ninkeedu nool yahay, hadday nin kale naag u noqoto, waxaa loogu yeedhi doonaa dhillo, laakiinse ninkeedu hadduu dhinto, sharciga way ka furan tahay, oo sidaas daraaddeed dhillo ma aha in kastoo ay nin kale naag u noqoto.
Roma SomKQA 7:4  Sidaas daraaddeed, walaalahayow, jidhkii Masiixa baa meyd idinka dhigay xagga sharciga, in mid kale idin lahaado, oo ah kii kuwii dhintay laga sara kiciyey inaynu Ilaah midho u soo bixinno.
Roma SomKQA 7:5  Waayo, markii aynu jidhka ku dhex jirnay, damacyadii dembiyada ee sharciga ka yimid waxay ka dhex shaqaynayeen xubnaheenna inay midho u soo bixiyaan dhimasho.
Roma SomKQA 7:6  Laakiinse haatan sharcigii waa laynaga furay, innagoo ka dhimannay wixii aynu ku hoos xidhnayn, si aynu ugu adeegno cusaybka ruuxa ee aynaan ugu adeegin gabowga qorniinka.
Roma SomKQA 7:7  Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin.
Roma SomKQA 7:8  Dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka dhexdayda kaga falay damac xun oo kasta; waayo, sharciga la'aantiis dembigu waa meyd.
Roma SomKQA 7:9  Waa baan noolaa sharciga la'aantiis, laakiin markii amarku yimid, dembigu waa soo noolaaday, aniguna waan dhintay.
Roma SomKQA 7:10  Amarkii nolosha ii geeyn lahaa, waxaan gartay inuu dhimasho ii geeynayo.
Roma SomKQA 7:11  Waayo, dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka igu khiyaaneeyey, wuuna igu dilay.
Roma SomKQA 7:12  Haddabase sharcigu waa quduus, amarkuna waa quduus, waana xaq, wuuna wanaagsan yahay.
Roma SomKQA 7:13  Haddaba wixii wanaagsanaa miyey dhimasho ii noqdeen? Ma suurtowdo! Laakiin dembigu, inuu muuqdo inuu dembi yahay, ayuu wax wanaagsan igaga dhex shaqeeyey oo dhimasho ii keenay, in dembigu amarka ku noqdo dembi miidhan.
Roma SomKQA 7:14  Waayo, waxaynu og nahay in sharcigu ku saabsan yahay ruuxa, laakiinse anigu waxaan ahay mid jidhka raaca oo lagu iibiyey dembiga hoostiisa.
Roma SomKQA 7:15  Waayo, waxaan samaynayo garan maayo, maxaa yeelay, ma sameeyo wixii aan doonayo, laakiin waxaan sameeyaa wixii aan necbahay.
Roma SomKQA 7:16  Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas waxaan gartay in sharcigu wanaagsan yahay.
Roma SomKQA 7:17  Haddabase haatan ma aha aniga kan waxaas sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira.
Roma SomKQA 7:18  Waayo, waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkayga wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku talo jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo.
Roma SomKQA 7:19  Waayo, waxa wanaagsan oo aan doonayo inaan falo, ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonayn inaan falo, ayaan sameeyaa.
Roma SomKQA 7:20  Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonayn inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira.
Roma SomKQA 7:21  Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo.
Roma SomKQA 7:22  Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah.
Roma SomKQA 7:23  Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynuunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira.
Roma SomKQA 7:24  Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh?
Roma SomKQA 7:25  Waxaan Ilaah ugu mahad naqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.