Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
ROMANS
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 2
Roma SomKQA 2:1  Sidaas daraaddeed, nin yahow, marmarsiinyo ma lihid ku kastoo aad tahayba kaaga wax xukuma; maxaa yeelay, meeshii aad ku kale ku xukuntid, waad isku xukumaysaa, waayo, kaaga wax xukumaa, waxaad samaysaa isla wixii.
Roma SomKQA 2:2  Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah.
Roma SomKQA 2:3  Nin yahow, ma waxay kula tahay, kolkaad xukuntid kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya oo aad isla wixiina sameeysid, inaad xukunka Ilaah ka baxsan doonto?
Roma SomKQA 2:4  Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda?
Roma SomKQA 2:5  Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,
Roma SomKQA 2:6  kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa,
Roma SomKQA 2:7  kuwa dulqaadashada shuqulka wanaagsan ku doondoonaa ammaan iyo ciso iyo dhimashola'aan, wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah;
Roma SomKQA 2:8  laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil,
Roma SomKQA 2:9  iyo dhibaato iyo cidhiidhiba, oo waxay u ahaan doonaan naf kasta oo dadka sharka sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga.
Roma SomKQA 2:10  Laakiin ammaan iyo ciso iyo nabad baa u ahaan doona ku kasta oo wanaag sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga;
Roma SomKQA 2:12  In alla intii sharcila'aan dembaabtay, sharcila'aan bay halligmi doonaan, oo in alla intii sharciga hoostiisa ku dembaabtayna, sharcigaa lagu xukumi doonaa;
Roma SomKQA 2:13  waayo, kuwa sharciga maqlaa ma aha kuwa xaqa Ilaah hortiis, laakiinse kuwa sharciga yeela xaq baa laga dhigi doonaa.
Roma SomKQA 2:14  Markii dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan sharciga lahaynu, ay dabiicadda ka sameeyaan waxyaalaha sharciga, kuwan aan sharciga lahaynu waa isu sharci.
Roma SomKQA 2:15  Waxay muujiyaan shuqulka sharciga oo qalbiyadooda ku qoran, iyagoo garashadoodu u markhaati furayso, oo fikirradoodu midba midka kale ashtakaynayo ama marmarsiinyo samaysanayo,
Roma SomKQA 2:16  maalinta Ilaah waxyaalaha qarsoon ee dadka ku xukumi doono Ciise Masiix sida injiilkaygu leeyahay.
Roma SomKQA 2:17  Laakiin adigu haddaad isku sheegtid Yuhuudi, oo sharciga isku hallaysid, oo Ilaah ku faantid,
Roma SomKQA 2:18  oo doonistiisa taqaanid, oo aad u bogtid waxyaalaha aad u fiican, adigoo sharciga wax lagugu baray,
Roma SomKQA 2:19  oo aad aaminsan tahay inaad tahay kan haga kuwa indhaha la', iyo kan nuurka u ah kuwa gudcurka ku jira,
Roma SomKQA 2:20  iyo kan doqonnada qumaatiya, iyo macallinka carruurta, adigoo sharciga ku haysta muuqashadii aqoonta iyo runta;
Roma SomKQA 2:21  haddaba kaaga kan kale wax baraa, sow wax isbari maysid? Kaaga dadka ku wacdiya, Waxba ha xadina; adigu miyaad wax xaddaa?
Roma SomKQA 2:22  Kaaga yidhaahda, Yaan la sinaysan, miyaad adigu sinaysataa? Kaaga sanamyada nebcaada, miyaad macbudyo dhacdaa?
Roma SomKQA 2:23  Kaaga sharciga ku faana, miyaad Ilaah ku cisa jebisaa sharciga aad gudubtay aawadiis?
Roma SomKQA 2:24  Waayo, magaca Ilaaha waa lagaga caytamaa quruumaha dhexdooda idinka daraaddiin, sida qoran.
Roma SomKQA 2:25  Waayo, hubaal gudniintu wax bay tartaa, haddaad sharciga yeeshid, laakiin haddaad sharciga gudubtid, gudniintaadii waxay noqotay buuryoqabnimo.
Roma SomKQA 2:26  Haddaba haddii mid buuryoqab ahu xajiyo qaynuunnada sharciga, buuryoqabnimadiisii miyaan loo tirin doonin sida gudniin?
Roma SomKQA 2:27  Oo kan jinsigiisu buuryoqab yahay, hadduu sharciga dhammeeyo, miyuusan ku xukumi doonin kaaga sharciga gudba, in kastoo aad haysatid qorniinka iyo gudniinta?
Roma SomKQA 2:28  Waayo, kii dadka sida Yuhuudi ugu muuqdaa, Yuhuudi ma aha; gudniinta jidhka ka muuqataana, gudniin ma aha;
Roma SomKQA 2:29  laakiin waxaa Yuhuudi ah kii hoosta Yuhuudi ka ah; gudniintuna waa tan qalbiga, ee ku jirta ruuxa, oo aan ku jirin qorniinka; kaas ammaantiisu kama timaado dadka, waxayse ka timaadaa Ilaah.