Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
LAMENTATIONS
1 2 3 4 5
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 5
Lame SomKQA 5:1  Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay. Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.
Lame SomKQA 5:2  Dhaxalkayagii waxaa helay shisheeyayaal. Guryahayagiina waxaa iska qaatay ajnabiyo.
Lame SomKQA 5:3  Waxaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin, Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen
Lame SomKQA 5:4  Biyahayagii lacag baannu ku cabnay, Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey.
Lame SomKQA 5:5  Kuwii na eryanayayna way na gaadheen, Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin.
Lame SomKQA 5:6  Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.
Lame SomKQA 5:7  Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan, Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay.
Lame SomKQA 5:8  Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,
Lame SomKQA 5:9  Waxaannu kibistayada ku helnaa naftayadoo aan biimayno, Waana seefta cidlada aawadeed.
Lame SomKQA 5:10  Haraggayagii wuxuu u madoobaaday sidii foorno oo kale, Waana kulaylkii abaarta daraaddiis.
Lame SomKQA 5:11  Naagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday, Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday.
Lame SomKQA 5:12  Amiirradii gacmahoodaa lagu deldelay, Oo odayaashiina lama sharfin.
Lame SomKQA 5:13  Barbaarradii dhagaxshiidkay qaadeen, Oo carruurtiina rarkii qoryaha bay la kufeen.
Lame SomKQA 5:14  Odayaashii iridday ka joogsadeen, Oo barbaarradiina muusikadoodii farahay ka qaadeen.
Lame SomKQA 5:15  Farxaddii qalbigayagay ka dhammaatay, Oo cayaartayadiina baroorashay u rogmatay.
Lame SomKQA 5:16  Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!
Lame SomKQA 5:17  Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.
Lame SomKQA 5:18  Maxaa yeelay, Buur Siyoon waa cidlowday, Oo dawacooyin baa ku dul socda.
Lame SomKQA 5:19  Rabbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa, Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa.
Lame SomKQA 5:20  Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?
Lame SomKQA 5:21  Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.
Lame SomKQA 5:22  Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay.