Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 75
Psal SomKQA 75:1  Ilaahow, adaan kuu mahad naqnaa, Waannu kuu mahad naqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay, Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.
Psal SomKQA 75:2  Wakhtiga aan qawimay, Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.
Psal SomKQA 75:3  Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen, Tiirarkiisa anigaa qotomiyey.(Selaah)
Psal SomKQA 75:4  Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina, Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,
Psal SomKQA 75:5  Geeskiinna kor ha u taagina, Oo madaxadayg ha ku hadlina.
Psal SomKQA 75:6  Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed, Ama xataa xagga koonfureed toona.
Psal SomKQA 75:7  Laakiinse Ilaah baa xaakin ah, Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
Psal SomKQA 75:8  Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri, Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa, Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
Psal SomKQA 75:9  Laakiinse anigu weligayba waan rayrayn doonaa, Oo waxaan ammaan ugu gabyi doonaa Ilaaha Yacquub.
Psal SomKQA 75:10  Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa, Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.