I CORINTHIANS
Chapter 9
I Co | SomKQA | 9:1 | Miyaanan xor ahayn? Miyaanan rasuul ahayn? Miyaanan arkin Rabbigeenna Ciise? Miyeydnaan ahayn shuqulkayga xagga Rabbiga? | |
I Co | SomKQA | 9:2 | Xataa haddaanan kuwa kale rasuul u ahayn, idinka waa idiin ahay, waayo, waxaad tihiin shaabadda rasuulnimadayda xagga Rabbiga. | |
I Co | SomKQA | 9:5 | Miyaannan jid u lahayn inaannu haweenay walaal ah kaxaysanno sida rasuullada kale iyo walaalaha Rabbiga iyo Keeyfas ay sameeyaan? | |
I Co | SomKQA | 9:7 | Askarigee baa qarashkiisa weligiis iska bixiya? Yaa beer canab ah beera oo aan midhaheeda cunin? Ama yaa adhi daajiya oo aan caanaha adhiga dhamin? | |
I Co | SomKQA | 9:8 | Waxyaalahaas ma sida dad baan u leeyahay? Oo sharcigu miyuusan waxyaalahaas oo kale lahayn? | |
I Co | SomKQA | 9:9 | Waayo, waxaa ku qoran sharciga Muuse, Waa inaadan dibiga af xidhin markuu sarreenka burburinayo. Ma Ilaah baa dibiyada oo keliya dhawra, | |
I Co | SomKQA | 9:10 | mise innagoo dhan buu inoola jeeda? Hubaal, aawadeen baa loo qoray, waayo, kan beerta qodaa waa inuu rajo ku qodo, kan tumaana waa inuu tumo isagoo rajaynaya inuu wax qayb u helo. | |
I Co | SomKQA | 9:11 | Haddaannu idinku beernay waxyaalaha ruuxa, ma wax weyn baa haddaannu waxyaalaha jidhka idinka urursaano? | |
I Co | SomKQA | 9:12 | Qaar kale hadday waxaas jid idiinku leeyihiin, miyaannan annagu si ka badan idiinku lahayn? Hase ahaatee, waxan noo jidka ah kuma aannu isticmaalin, laakiin wax walba waannu u dulqaadannaa inaannan sina u joojin injiilka Masiix. | |
I Co | SomKQA | 9:13 | Miyeydnaan ogayn kuwa waxyaalaha quduuska ah ka shaqeeyaa inay macbudka wax ka cunaan, kuwa meesha allabariga ka adeegaana inay meesha allabariga qayb ku leeyihiin? | |
I Co | SomKQA | 9:14 | Sidaas oo kale Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka injiilka ku wacdiyaa ay injiilka ku noolaadaan. | |
I Co | SomKQA | 9:15 | Laakiin waxyaalahaas midkoodna kuma aan isticmaalin. Haddana waxyaalahan u qori maayo in sidaas la ii yeelo, waayo, waxaa ii roon inaan dhinto intii nin uun faankayga ka dhigi lahaa wax aan wax ka jirin. | |
I Co | SomKQA | 9:16 | Waayo, haddaan dadka injiilka ku wacdiyo, wax aan ku faano ma aha, waayo, wax baa i qasbaya, maxaa yeelay, waa ii hoog haddaanan dadka injiilka ku wacdiyin. | |
I Co | SomKQA | 9:17 | Waayo, haddaan waxaas ku sameeyo doonistayda aawadeed, abaalgud baan helayaa, laakiin haddaanan doonistayda ku samayn, weli wakiilnimo baa laygu aaminay. | |
I Co | SomKQA | 9:18 | Haddaba abaalgudkaygu waa maxay? Waa in markaan injiilka dadka ku wacdiyo aan injiilka ka dhigo iibla'aan, si aanan ugu wada isticmaalin waxa ii jidka ah xagga injiilka. | |
I Co | SomKQA | 9:19 | Waayo, in kastoo aan xor ka ahaa dad oo dhan, dhammaan ayaan addoon isaga dhigay, si aan qaar kaloo badan u soo kordhiyo. | |
I Co | SomKQA | 9:20 | Yuhuudda waxaan u noqday sida Yuhuudi oo kale, si aan Yuhuud kale u soo kordhiyo. Kuwa sharciga ka hooseeyana, sida mid sharciga ka hooseeya ayaan u noqday, aniga oo aan sharciga ka hoosayn, si aan kuwa sharciga ka hooseeya u soo kordhiyo. | |
I Co | SomKQA | 9:21 | Xagga kuwa aan sharciga lahayn, sida mid aan sharci lahayn ayaan u noqday anigoo aan ahayn mid sharci la' xagga Ilaah, laakiin sharci leh xagga Masiix, si aan u soo kordhiyo kuwa aan sharciga lahayn. | |
I Co | SomKQA | 9:22 | Xagga kuwa itaalka daran waxaan u noqday mid itaaldaran, si aan kuwa itaalka daran u soo kordhiyo. Dadka oo dhan ayaan wax kasta u noqday inaan si kastaba qaar ku badbaadiyo. | |
I Co | SomKQA | 9:23 | Wax kasta waxaan u sameeyaa injiilka aawadiis, si aan u noqdo mid injiilka la qaybsada iyaga. | |
I Co | SomKQA | 9:24 | Miyaanad ogayn in kuwa tartan ku ordaa ay wada ordaan, laakiin mid uun baa dheefta hela? Sidaas u orda inaad heshaan. | |
I Co | SomKQA | 9:25 | Kii cayaarta aad ugu dadaalaa, wax walba ayuu iska dhawraa. Kuwaasu haddaba waxay sidaas u yeelaan inay taaj dhammaanaya helaan, innaguse waxaynu helaynaa mid aan dhammaanaynin. | |