Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
ROMANS
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 16
Roma SomKQA 16:1  Waxaan idin barayaa walaasheen Foybi oo ah mid u adeegta kiniisadda ku taal Kenekhreya,
Roma SomKQA 16:2  inaad iyada ku dhowaysaan Rabbiga, sida quduusiinta u eg, oo aad ku caawintaan wax kasta oo ay idiinka baahan tahay, waayo, iyaduba kuwa badan bay caawintay iyo xataa aniga qudhayda.
Roma SomKQA 16:3  Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix,
Roma SomKQA 16:4  oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahad naqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahad naqayaan.
Roma SomKQA 16:5  Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa.
Roma SomKQA 16:6  Maryanna igu salaama, tan aad idiinku dadaashay.
Roma SomKQA 16:7  Igu salaama Andaronikos iyo Yuniyas oo xigaalkayga ah oo layla xidhay, kuwa caanka ku ah rasuullada dhexdooda, kuwa hortayna Masiixa ku jiray.
Roma SomKQA 16:8  Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama.
Roma SomKQA 16:9  Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama.
Roma SomKQA 16:10  Abellees kan Masiixu u bogayna igu salaama. Kuwa reer Aristobulosna igu salaama.
Roma SomKQA 16:11  Xigaalkay Herodiyosna igu salaama. Iguna salaama kuwa reer Narkisos oo Rabbiga ku jira.
Roma SomKQA 16:12  Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama.
Roma SomKQA 16:13  Igu salaama Rufus kan Rabbigu doortay iyo hooyadiis oo hooyaday oo kale ah.
Roma SomKQA 16:14  Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga.
Roma SomKQA 16:15  Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan.
Roma SomKQA 16:16  Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.
Roma SomKQA 16:17  Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga.
Roma SomKQA 16:18  Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan, laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta.
Roma SomKQA 16:19  Warkii addeeciddiinnu wuxuu gaadhay dadka oo dhan. Sidaas daraaddeed aad baan idiinku faraxsanahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad garaad u lahaataan waxa wanaagsan, oo aad ka eedla'aataan waxa sharka ah.
Roma SomKQA 16:20  Oo Ilaaha nabaddu Shayddaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.
Roma SomKQA 16:21  Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.
Roma SomKQA 16:22  Anigoo Tertiyos ah oo warqaddan qoray, Rabbigaan idinku salaamayaa.
Roma SomKQA 16:23  Gayos, oo aniga iyo kiniisadda oo dhammuba aannu marti u nahay, wuu idin soo salaamayaa. Erastos oo ah qasnajiga magaalada, iyo walaalkeen Kowartos way idin soo salaamayaan.
Roma SomKQA 16:24  Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.
Roma SomKQA 16:25  Haddaba ammaanu ha u ahaato kan kara inuu idinku xoogeeyo injiilkayga iyo wacdiga ku saabsan Ciise Masiix iyo muujinta qarsoodiga oo qarsoonaa tan iyo weligiis,
Roma SomKQA 16:26  laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka.
Roma SomKQA 16:27  Ilaaha keligiis ah oo xigmadda leh, Ciise Masiix ammaanu ha ugu ahaato weligiis. Aamiin.