ACTS
Chapter 14
Acts | SomKQA | 14:1 | Waxaa Ikoniyon ka dhacday inay wada galeen sunagogga Yuhuudda, oo siday u hadleen aawadeed dad badan oo Yuhuud iyo Gariigba ah ayaa rumaystay. | |
Acts | SomKQA | 14:2 | Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii. | |
Acts | SomKQA | 14:3 | Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan. | |
Acts | SomKQA | 14:4 | Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii. | |
Acts | SomKQA | 14:5 | Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan, | |
Acts | SomKQA | 14:6 | ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan; | |
Acts | SomKQA | 14:8 | Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon. | |
Acts | SomKQA | 14:9 | Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay, | |
Acts | SomKQA | 14:10 | wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday. | |
Acts | SomKQA | 14:11 | Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka'oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg. | |
Acts | SomKQA | 14:12 | Barnabasna waxay u bixiyeen Yubiter; Bawlosna waxay u bixiyeen Merkuriyos, maxaa yeelay, wuxuu ahaa kii hadalka waday. | |
Acts | SomKQA | 14:13 | Markaasaa wadaadkii Yubiter oo macbudkiisu ku yiil magaalada horteeda, wuxuu irdaha keenay dibiyo, iyo ubaxyo isku taxan, wuxuuna doonayay inuu dadkii badnaa la sadqeeyo. | |
Acts | SomKQA | 14:14 | Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya | |
Acts | SomKQA | 14:15 | oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, | |
Acts | SomKQA | 14:17 | Hase ahaatee isu maragfurla'aan iskama sii dayn, laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad. | |
Acts | SomKQA | 14:18 | Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga. | |
Acts | SomKQA | 14:19 | Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay. | |
Acts | SomKQA | 14:20 | Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe. | |
Acts | SomKQA | 14:21 | Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh, | |
Acts | SomKQA | 14:22 | iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah. | |
Acts | SomKQA | 14:23 | Oo markay iyagii kiniisad walba waayeello uga dooreen oo ay soon ku tukadeen, waxay iyagii ku ammaana geliyeen Rabbiga ay rumaysteen. | |
Acts | SomKQA | 14:26 | meeshaasna waxay uga dhoofeen Antiyokh, taasoo ahayd meeshii iyaga lagaga ammaana geliyey nimcadii Ilaah shuqulkii ay sameeyeen aawadiis. | |
Acts | SomKQA | 14:27 | Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn. | |