Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
ISAIAH
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 7
Isai SomKQA 7:1  Oo Aaxaas ina Yootan, ina Cusiyaah, oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wakhtigiisii waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.
Isai SomKQA 7:2  Oo waxaa reer Daa'uud loo soo sheegay war leh, Suuriya waxay xidhiidh la yeelatay reer Efrayim. Markaasaa qalbigiisii iyo qalbigii dadkiisuba waxay u ruxmadeen sida geedaha duurka dabayshu u ruxdo oo kale.
Isai SomKQA 7:3  Markaasaa Rabbigu wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Adiga iyo wiilkaaga She'aar Yaashuubba taga oo waxaad Aaxaas uga hor tagtaan meeshuu biyomareenka balliga sare ku dhammaado kaasoo ku dhex yaal waddada berrinka dharmaydhaha,
Isai SomKQA 7:4  oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Digtoonow oo xasilloonow, ha cabsan, hana qalbi jabin labadan qori ee dabka ah ee qiiqaya aawadood, ha ka welwelin cadhada kulul oo Resiin iyo Suuriya, iyo tan ina Remalyaah toona.
Isai SomKQA 7:5  Suuriya, iyo Efrayim, iyo ina Remalyaah waxay kuugu tashadeen talo xun, oo waxay isku yidhaahdeen,
Isai SomKQA 7:6  Ina keena aynu dalka Yahuudah ku kacnee oo dhibnee, aynuna jabsanno, oo dhexdiisa boqor fadhiisinno, kaasoo ah ina Taabeel,
Isai SomKQA 7:7  taas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taladaasu hagaagi mayso, mana ahaan doonto.
Isai SomKQA 7:8  Waayo, Suuriya madaxeedu waa Dimishaq, oo Dimishaq madaxeeduna waa Resiin, oo reer Efrayimna waxay ku kala jajabi doonaan muddo ah shan iyo lixdan sannadood si aanay innaba dad u sii ahaan,
Isai SomKQA 7:9  oo reer Efrayim madaxoodu waa Samaariya, oo Samaariya madaxeeduna waa ina Remalyaah. Haddaad rumaysan weydaan, sida xaqiiqada ah sinaba ma xoogaysan doontaan.
Isai SomKQA 7:10  Oo weliba Rabbigu mar kaluu Aaxaas la sii hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
Isai SomKQA 7:11  Rabbiga Ilaahaaga ah calaamad weyddiiso, oo waxaad ka weyddiisataa meelaha hoose ama meelaha sare.
Isai SomKQA 7:12  Oo Aaxaasna wuxuu yidhi, Anigu waxba weyddiisan maayo, oo Rabbigana innaba jirrabi maayo.
Isai SomKQA 7:13  Oo isna wuxuu yidhi, Reer Daa'uudow, bal haatan i maqla, ma wax yar bay idinku tahay inaad dadka daalisaan? Oo weliba Ilaahaygana miyaad daalinaysaan?
Isai SomKQA 7:14  Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu'eel.
Isai SomKQA 7:15  Wuxuu cuni doonaa subag iyo malab, ilaa uu aqoonsado inuu sharka diido oo wanaagga doorto.
Isai SomKQA 7:16  Waayo, intaan yarku aqoonsan inuu diido sharka oo uu wanaagga doorto ayaa dalka aad labadiisa boqor karaahiyaysatoba laga tegi doonaa.
Isai SomKQA 7:17  Adiga, iyo dadkaaga iyo reerka aabbahaaba waxaa Rabbigu ku soo dejin doonaa wakhti aan idiin iman tan iyo waa reer Efrayim ay dalka Yahuudah ka tageen, oo kaasuna waa kii boqorka Ashuur.
Isai SomKQA 7:18  Oo weliba maalintaas Rabbigu wuxuu u soo foodhyi doonaa diqsiyada jooga webiyada Masar darafka ugu shisheeya, iyo shinnida joogta dalka Ashuur.
Isai SomKQA 7:19  Oo iyana way iman doonaan, oo kulligood waxay ku degi doonaan dooxooyinka cidlada, iyo godadka dhagaxyada, iyo geedaha qodxanta leh oo dhan, iyo meelaha daaqsinta ah oo dhan.
Isai SomKQA 7:20  Oo isla maalintaas ayaa Rabbigu madaxa iyo xataa lugahaba ku xiiri doona mandiil laga soo kiraystay webiga shishadiisa, taasoo ah boqorka Ashuur, waxayna baabba' ka dhigi doontaa gadhka.
Isai SomKQA 7:21  Oo waxay maalintaas noqon doontaa in nin dhaqaalaysto sac iyo laba laxaad,
Isai SomKQA 7:22  oo caanaha tirada badan oo uu ka heli doono aawadood ayuu subag cuni doonaa, waayo, mid kasta oo dalka ku hadhayba wuxuu quudan doonaa subag iyo malab.
Isai SomKQA 7:23  Oo waxay maalintaas noqon doontaa in meel kasta oo ay ku yiilleen kun geed oo canab ah oo kun xabbadood oo lacag ah lagu qiimeeyo, ay noqoto meel ay ka soo baxaan yamaarug iyo qodxan.
Isai SomKQA 7:24  Oo waxaa halkaas lala iman doonaa fallaadho iyo qaansooyin, maxaa yeelay, dalka oo dhammu wuxuu noqon doonaa yamaarug iyo qodxan miidhan.
Isai SomKQA 7:25  Oo kurihii sabaradda lagu qodi jiray oo dhan innaba ma aad iman doontaan xaggooda, waana cabsi aad ka qabtaan yamaarugga iyo qodxanta, laakiinse waxay noqon doonaan meel dibida lagu sii daayo daaqaan iyo meel iduhu ku tuntaan.