PROVERBS
Chapter 2
Prov | SomKQA | 2:1 | Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid, | |
Prov | SomKQA | 2:3 | Haddaad waxkalagarashada ka daba qaylisid, Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid; | |
Prov | SomKQA | 2:4 | Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale, Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon, | |
Prov | SomKQA | 2:5 | Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa, Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah. | |
Prov | SomKQA | 2:6 | Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada. | |
Prov | SomKQA | 2:7 | Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa, Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan. | |
Prov | SomKQA | 2:9 | Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta, Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan. | |
Prov | SomKQA | 2:10 | Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda, Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada; | |
Prov | SomKQA | 2:12 | Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah, Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla, | |
Prov | SomKQA | 2:14 | Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan, Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan; | |
Prov | SomKQA | 2:16 | In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad, Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata, | |
Prov | SomKQA | 2:18 | Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho, Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay. | |
Prov | SomKQA | 2:20 | Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan, Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah. | |
Prov | SomKQA | 2:21 | Waayo, kuwa qummanu dhulkay fadhiyi doonaan, Oo kuwa kaamilka ahuna way sii joogi doonaan. | |