PROVERBS
Chapter 23
Prov | SomKQA | 23:1 | Markaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid, Aad uga fiirso waxa hortaada yaal, | |
Prov | SomKQA | 23:5 | Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale. | |
Prov | SomKQA | 23:7 | Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro. | |
Prov | SomKQA | 23:8 | Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa, Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan. | |
Prov | SomKQA | 23:11 | Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay; Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona. | |
Prov | SomKQA | 23:16 | Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan. | |
Prov | SomKQA | 23:17 | Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso. | |
Prov | SomKQA | 23:21 | Waayo, kii sakhraan ah iyo kii hunguri weynuba way caydhoobi doonaan, Oo lulona nin calal bay u xidhi doontaa. | |
Prov | SomKQA | 23:23 | Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada. | |
Prov | SomKQA | 23:24 | Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa. | |
Prov | SomKQA | 23:29 | Bal yaa hoog leh? Oo yaa caloolxumo leh? Oo yaa murammo leh? Oo yaa calaacal badan leh? Oo yaa u dhaawacan sababla'aan? Oo yaa indho casaan ah leh? | |
Prov | SomKQA | 23:30 | Waa kuwa wakhti dheer ku raaga khamriga, Waana kuwa u taga inay doondoontaan khamri laysku daray. | |
Prov | SomKQA | 23:31 | Ha fiirin khamrigu markuu casaado, Markuu koobka ka dhex dhalaalo, Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba. | |
Prov | SomKQA | 23:32 | Ugu dambaysta wuxuu wax u qaniinaa sida abeesada, Oo sida jilbiskana wax buu u qaniinaa. | |
Prov | SomKQA | 23:33 | Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan. | |
Prov | SomKQA | 23:34 | Oo waxaad ahaan doontaa sida kan badda dhexdeeda jiifsada, Ama sida ka dakhalka dhaladiisa sare seexda. | |