PROVERBS
Chapter 20
Prov | SomKQA | 20:1 | Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha. | |
Prov | SomKQA | 20:2 | Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa, Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa. | |
Prov | SomKQA | 20:4 | Kii caajis ahu qabowga aawadiis beer ma jeexo, Oo sidaas daraaddeed wakhtiga beergooyska wuu baryootami doonaa, oo waxba ma heli doono. | |
Prov | SomKQA | 20:5 | Talada dadka qalbigiisa ku jirtaa waa sida biyo gun dheer, Laakiinse ninkii garasho leh ayaa ka soo dhaansan doona. | |
Prov | SomKQA | 20:6 | Dadka intooda badanu waxay naadiyaan raxmaddooda, Laakiinse nin aamin ah bal yaa heli kara? | |
Prov | SomKQA | 20:7 | Ninka xaqa ah oo daacadnimadiisa ku socda, Carruurtiisu way barakaysnaadaan isaga dabadiis. | |
Prov | SomKQA | 20:8 | Boqorkii carshiga garsooridda ku fadhiyaa Indhihiisuu sharka oo dhan ku kala firdhiyaa. | |
Prov | SomKQA | 20:9 | Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey, Oo dembigayga waan ka daahirsanahay? | |
Prov | SomKQA | 20:10 | Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah, Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo. | |
Prov | SomKQA | 20:11 | Xataa ilmo yar waxaa lagu yaqaan falimihiisa, Inuu shuqulkiisu daahir yahay iyo inuu hagaagsan yahayba. | |
Prov | SomKQA | 20:13 | Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye. Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa. | |
Prov | SomKQA | 20:14 | Kan wax iibsadaa wuxuu yidhaahdaa, Waa xun yahay, waa xun yahay, Laakiinse markuu tago ayuu faanaa. | |
Prov | SomKQA | 20:15 | Waxaa jira dahab iyo luul badan, Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah. | |
Prov | SomKQA | 20:16 | Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay. | |
Prov | SomKQA | 20:17 | Cuntadii khiyaano lagu helaa dadka way u macaan tahay, Laakiinse dabadeed afkiisa waxaa ka buuxsami doona quruurux. | |
Prov | SomKQA | 20:19 | Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin. | |
Prov | SomKQA | 20:20 | Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah. | |
Prov | SomKQA | 20:22 | Ha odhan, Shar baan ka abaal gudayaa. Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa. | |
Prov | SomKQA | 20:23 | Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo, Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana. | |
Prov | SomKQA | 20:24 | Nin socodkiisu waa xagga Rabbiga, Haddaba sidaas daraaddeed dad sidee buu jidkiisa u garan karaa? | |
Prov | SomKQA | 20:25 | Waa u dabin nin inuu nacasnimo ku yidhaahdo, Waa quduus, Oo uu dabadeed u nidraa inuu wax weyddiiyo. | |
Prov | SomKQA | 20:26 | Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta. | |
Prov | SomKQA | 20:27 | Dadka ruuxiisu waa laambaddii Rabbiga, Oo wuxuu baadhaa caloosha meelaha ugu hooseeya oo dhan. | |
Prov | SomKQA | 20:28 | Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan, Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis. | |