PROVERBS
Chapter 19
Prov | SomKQA | 19:1 | Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin. | |
Prov | SomKQA | 19:2 | Oo weliba in naftu aqoon la'aato ma wanaagsana, Oo kii cagihiisu degdegaanna wuu ambadaa. | |
Prov | SomKQA | 19:3 | Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa. | |
Prov | SomKQA | 19:5 | Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono, Oo kii been ku hadlaana ma baxsan doono. | |
Prov | SomKQA | 19:6 | Kuwa badan ayaa deeqsiga raallinimo ka baryi doona, Oo nin kastaaba waa u saaxiib kii hadiyado bixiya. | |
Prov | SomKQA | 19:7 | Miskiinka walaalihiis oo dhammu way neceb yihiin, Haddaba saaxiibbadiisuna intee bay ka fogaan doonaan! Isagu hadal buu kala daba tagaa iyaga, laakiinse way tageen. | |
Prov | SomKQA | 19:8 | Kii xigmadda helaa naftiisuu jecel yahay, Oo kii waxgarashada xajistaana wax wanaagsan buu heli doonaa. | |
Prov | SomKQA | 19:9 | Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono, Oo kii been ku hadlaana wuu halligmi doonaa. | |
Prov | SomKQA | 19:11 | Nin miyirkiisu cadho buu ka celiyaa, Oo waxaa isaga ammaan u ah inuu xadgudub dhaafo. | |
Prov | SomKQA | 19:12 | Boqorka cadhadiisu waa sida libaaxa cidiisa, Laakiinse raallinimadiisu waa sida sayaxa cawska ku dega. | |
Prov | SomKQA | 19:13 | Wiilkii nacas ahu waa u belaayo aabbihiis, Oo naag murammadeeduna waa sida dhibicyo aan kala go'in. | |
Prov | SomKQA | 19:14 | Hoy iyo hanti aabbayaashaa laga dhaxlaa, Laakiinse afo miyir leh xagga Rabbigaa laga helaa. | |
Prov | SomKQA | 19:16 | Kii amarka dhawraa naftiisuu dhawraa, Laakiinse kii jidadkiisa fudaydsadaa wuu dhiman doonaa. | |
Prov | SomKQA | 19:17 | Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa. | |
Prov | SomKQA | 19:19 | Ninkii cadho badan waa la taqsiiri doonaa, Waayo, haddaad mar isaga samatabbixiso, haddana waa inaad mar kale sidii oo kale ku samaysaa. | |
Prov | SomKQA | 19:21 | Nin qalbigiisa waxaa ku jira hindisooyin badan, Habase ahaatee waxaa taagnaan doonta talada Rabbiga. | |
Prov | SomKQA | 19:22 | Nin waxaa loo doonayaa waa raxmaddiisa, Oo miskiinkuna waa ka wanaagsan yahay beenaalaha. | |
Prov | SomKQA | 19:23 | Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha, Wuuna sii dheregsanaan doonaa, Oo sharna loo keeni maayo. | |
Prov | SomKQA | 19:24 | Ninkii caajis ahu wuxuu gacanta geliyaa xeedhada, Oo mar dambe xagga afkiisa uma soo celiyo. | |
Prov | SomKQA | 19:25 | Kan wax quudhsada garaac, oo garaadlaawaha ayaa miyir yeelan doona, Oo kii garasho leh canaano, oo isna aqoon buu sii korodhsan doonaa. | |
Prov | SomKQA | 19:27 | Wiilkaygiiyow ka joogso in markaad edbinta maqashid Aad dabadeed hadalka aqoonta ka ambatid. | |
Prov | SomKQA | 19:28 | Markhaatigii waxmatare ahu gartuu quudhsadaa, Oo kan sharka leh afkiisuna wuxuu liqaa xumaan. | |