Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
DEUTERONOMY
Prev Up Next
Chapter 33
Deut SomKQA 33:1  Tanu waa Muuse oo ahaa ninkii Ilaah ducadiisii uu reer binu Israa'iil ugu duceeyey intuusan dhiman.
Deut SomKQA 33:2  Isagoo leh, Rabbigu wuxuu ka yimid Siinay, Oo Seciir ayuu uga soo kacay iyaga, Wuxuu ka soo iftiimay Buur Faaraan, Oo ka yimid tobanka kun oo quduuska ah, Oo gacantiisa midigtana waxaa iyaga ugu jiray sharci dab ah.
Deut SomKQA 33:3  Haah, isagu dadyowga wuu jecel yahay. Kuwiisa quduuska ah oo dhammuna gacantaaday ku jiraan, Oo iyagu waxay fadhiisteen cagahaaga, Oo waxay qaadanayaan erayadaada.
Deut SomKQA 33:4  Muuse wuxuu inagu amray sharci, Dhaxal u ah shirka reer Yacquub.
Deut SomKQA 33:5  Oo waxaa Yeshuruun ku jiray boqor. Markii madaxda dadka qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhammu Ay soo wada urureen.
Deut SomKQA 33:6  Ruubeen ha noolaado oo yuusan dhiman, Oo raggiisu yuusan yaraan.
Deut SomKQA 33:7  Tanuna waa ducadii uu Yahuudah ugu duceeyey, isagoo leh, Rabbiyow, codka Yahuudah maqal, Oo isaga dadkiisa soo dhex geli, Gacmihiisu ha ku filnaadeen, Oo adiguna ka caawi cadaawayaashiisa.
Deut SomKQA 33:8  Oo markuu Laawi u ducaynayayna wuxuu yidhi, Tummiimkaagii iyo Uuriimkaagii waxay la jiraan kaaga aad jeceshahay, Oo aad Masaah ku tijaabisay, Oo aad biyihii Meriibaah agtooda kula dirirtay,
Deut SomKQA 33:9  Kii aabbihiis iyo hooyadiis yidhi, Anigu ma arag, Oo walaalihiisna aan aqoonsan, Oo carruurtiisiina aan aqoon, Waayo, iyagu erayadaadii way xajiyeen, Oo axdigaagiina way dhawreen.
Deut SomKQA 33:10  Waxay reer Yacquub bari doonaan xukummadaada, Reer binu Israa'iilna sharcigaaga. Hortaada waxay soo dhigi doonaan foox, Oo meeshaada allabarigana waxay saari doonaan allabari dhan oo la gubo.
Deut SomKQA 33:11  Haddaba Rabbiyow xoolihiisa barakee, Oo shuqulka gacmihiisana aqbal, Oo kuwii isaga ku kaca iyo kuwa necebna Dhexda ku dhufo si ayan mar dambe u kicin.
Deut SomKQA 33:12  Oo markuu Benyaamiin u ducaynayayna wuxuu yidhi, Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu ammaan u fadhiyi doonaa meel cagtiisa ah, Oo maalintii oo dhanna gaashaan buu u yahay, Oo wuxuu deggan yahay garbihiisa dhexdooda.
Deut SomKQA 33:13  Oo markuu Yuusuf u ducaynayayna wuxuu yidhi, Dalkiisu ha ahaado mid Rabbigu ku barakeeyo Waxyaalaha qaaliga ah oo samada, iyo sayaxa, Iyo moolka hoos fidsan,
Deut SomKQA 33:14  Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah midhaha qorraxda, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah waxyaalaha bilaha soo baxa,
Deut SomKQA 33:15  Iyo waxyaalaha ugu wanaagsan ee buuraha gaboobay, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo kuraha daa'imiska ah,
Deut SomKQA 33:16  Iyo dhulka waxyaalihiisa qaaliga ah iyo buuxnaantiisa, Iyo kii duurka degganaa raallinimadiisa. Barakadaasu ha ku soo degto madaxa Yuusuf, Isagoo ahaa kii walaalihiis laga soocay.
Deut SomKQA 33:17  Sida dibigiisa curadka ah weynaan buu leeyahay, Oo geesihiisuna waa sidii geeso gisi, Oo wuxuu ku hardiyi doonaa dadka dunida dhinacyadeeda jooga oo dhan, Oo iyagu waa tobanka kun oo reer Efrayim, Iyo kumaanyaalka reer Manaseh.
Deut SomKQA 33:18  Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi, Sebulunow, ku farax baxniintaada, Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.
Deut SomKQA 33:19  Iyagu waxay dadka ugu yeedhi doonaan buurta, Oo halkaasay ku bixin doonaan allabaryada xaqnimada, Waayo, waxay nuugi doonaan hodantinimada badaha Iyo bacaadka qasnadihiisa qarsoon.
Deut SomKQA 33:20  Oo markuu Gaad u ducaynayayna wuxuu yidhi, Barako ha ku dhacdo kii reer Gaad ballaadhiya, Isagu wuxuu u jiifaa sida gool libaax, Oo wuxuu dillaacsadaa gacanta iyo madaxa dhaladiisa.
Deut SomKQA 33:21  Isagaa doortay qaybtii kowaad, Waayo, halkaas qaybtii taliyaha baa lagu kaydiyey, Wuxuu soo raacay madaxdii dadka, Oo wuxuu reer binu Israa'iil la sameeyey caddaaladdii Rabbiga iyo xukummadiisiiba.
Deut SomKQA 33:22  Oo markuu Daan u ducaynayayna wuxuu yidhi, Daan waa dhal libaax, Oo ka soo booda Baashaan.
Deut SomKQA 33:23  Oo markuu Naftaali u ducaynayayna wuxuu yidhi, Naftaaliyow, kaaga raallinimo ka dhergayow, Oo barakadii Rabbiga ka buuxsantayow, Adigu hanti galbeedka iyo koonfurta.
Deut SomKQA 33:24  Oo markuu Aasheer u ducaynayayna wuxuu yidhi, Aasheer ku wiilasha ku dhex barakaysan ha ahaado, Oo hana ahaado kan walaalihiis u bogaan, Oo cagtiisana saliid ha daro.
Deut SomKQA 33:25  Kabahaagu waxay ahaan doonaan bir iyo naxaas, Oo intay maalmahaagu yihiin xooggaaguna ha ahaado.
Deut SomKQA 33:26  Yeshuruunow, wax Ilaah la mid ah ma jiro, Kaasoo samada u fuula, inuu ku caawiyo, Cirkana sharaftiisa u fuula.
Deut SomKQA 33:27  Ilaaha daa'imka ahu waa hoygaaga, Oo waxaa kaa hooseeya gacmo weligood jira. Oo cadowgana hortaaduu ka tuuray, Oo yidhi, Baabbi'i.
Deut SomKQA 33:28  Oo Israa'iil oo ah isha Yacquub oo keliya Ammaan buu ku deggan yahay dal sarreen iyo khamri leh, Oo waxaa samada uga soo da'a sayax.
Deut SomKQA 33:29  Reer binu Israa'iilow, waad faraxsan tihiin. Bal yaa idinla mid ah, oo ah dad uu Rabbigu badbaadiyey, Kaasoo ah gaashaanka caawimaaddiinna, Iyo seefta sharaftiinna. Cadaawayaashiinnu way isu kiin dhiibi doonaan, Oo waxaad cag marin doontaan meelahooda sarsare.