Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
MATTHEW
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 7
Matt SomKQA 7:2  Waayo, xukunkii aad ku xukuntaan ayaa laydinku xukumi doonaa, oo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydinku qiyaasi doonaa.
Matt SomKQA 7:3  Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa?
Matt SomKQA 7:4  Sidee baad walaalkaa ugu odhan doontaa, I daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree; oo dogob baa ishaada ku jiree?
Matt SomKQA 7:5  Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto.
Matt SomKQA 7:6  Waxa quduuska ah eeyaha ha siinina, luulkiinnana doofaarrada hortooda ha ku tuurina, si ayan ugu tuman oo ayan idinku soo jeesan oo ayan idiinkala jeexjeexin.
Matt SomKQA 7:7  Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa;
Matt SomKQA 7:8  waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa.
Matt SomKQA 7:9  Ninkiinnee baa haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya?
Matt SomKQA 7:11  Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?
Matt SomKQA 7:12  Haddaba wax kasta oo aad doonaysaan in laydinku sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya; waayo, kanu waa sharcigii iyo nebiyadii.
Matt SomKQA 7:13  Iridda cidhiidhsan ka gala, waayo, iriddu waa weyn tahay, jidkuna waa ballaadhan yahay kan xagga baabbi'idda u kaca, oo kuwa ka galaa waa badan yihiin.
Matt SomKQA 7:14  Waayo, iriddu waa cidhiidhsan tahay, jidkuna waa yar yahay kan xagga nolosha u kaca, kuwa helaana waa yar yihiin.
Matt SomKQA 7:15  Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa.
Matt SomKQA 7:16  Midhahooda ayaad ku garan doontaan. Canab ma laga guraa geed qodxan leh? Berdena ma laga guraa yamaarugga?
Matt SomKQA 7:17  Sidaasaa geed kasta oo wanaagsanu midho wanaagsan u dhalaa, geedkii xumina midho xun u dhalaa.
Matt SomKQA 7:18  Geed wanaagsanu midho xun ma dhali karo, geed xumina midho wanaagsan ma dhali karo.
Matt SomKQA 7:19  Geed kasta oo aan midho wanaagsan dhalin waa la jaraa oo dabka lagu tuuraa.
Matt SomKQA 7:20  Sidaa darteed waxaad iyaga ku garanaysaan midhahooda.
Matt SomKQA 7:21  Ma aha qof kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, kuwa boqortooyadii jannada gelayaa, laakiin kii sameeya doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa gelaya.
Matt SomKQA 7:22  Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn?
Matt SomKQA 7:23  Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow.
Matt SomKQA 7:24  Haddaba qof kasta oo ereyadaydan maqla oo yeela, waxaa loo ekaysiinayaa nin caqli leh oo gurigiisa ka dul dhisay dhagaxa.
Matt SomKQA 7:25  Roobkii ayaa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, ma uuna dumin, waayo, waxaa laga dul dhisay dhagaxa.
Matt SomKQA 7:26  Qof kasta oo ereyadaydan maqla oo aan yeelin, waxaa loo ekaysiinayaa nin doqon ah oo gurigiisa carrada ka dul dhisay.
Matt SomKQA 7:27  Roobkii waa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, wuuna dumay, dumiddiisuna waa weynayd.
Matt SomKQA 7:28  Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan dhammeeyey, in dadkii oo dhammu waxbariddiisa la yaabeen,
Matt SomKQA 7:29  waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh oo uma uu baraynin sida culimmada.