Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 85
Psal SomKQA 85:1  Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay, Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.
Psal SomKQA 85:2  Xumaantii dadkaagana waad cafiday, Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay.(Selaah)
Psal SomKQA 85:3  Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.
Psal SomKQA 85:4  Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji.
Psal SomKQA 85:5  Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?
Psal SomKQA 85:6  Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn, Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?
Psal SomKQA 85:7  Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.
Psal SomKQA 85:8  Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo, Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa, Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.
Psal SomKQA 85:9  Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada, Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
Psal SomKQA 85:10  Naxariis iyo runu way isla kulmeen, Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.
Psal SomKQA 85:11  Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka, Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.
Psal SomKQA 85:12  Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan, Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.
Psal SomKQA 85:13  Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo, Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.