Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
I CHRONICLES
Prev Up Next
Chapter 24
I Ch SomKQA 24:1  Oo kooxihii reer Haaruunna waa kuwan. Wiilashii Haaruun waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.
I Ch SomKQA 24:2  Laakiinse Naadaab iyo Abiihuuba aabbahood way ka hor dhinteen, oo carruurna ma ay lahayn, haddaba sidaas daraaddeed hawshii wadaadnimada waxaa samayn jiray Elecaasaar iyo Iitaamaar.
I Ch SomKQA 24:3  Oo Daa'uud oo ay la jiraan Saadooq oo ahaa reer Elecaasaar iyo Axiimeleg oo ahaa reer Iitaamaar ayaa iyagii u kala qaybiyey sidii hawshoodu kala ahayd.
I Ch SomKQA 24:4  Oo reer Elecaasaar waxaa laga dhex helay niman madax ah oo ka badan intii reer Iitaamaar laga helay, oo iyagii sidanaa loo kala qaybiyey, reer Elecaasaar waxaa ku jiray lix iyo toban nin, oo qolooyin madax u ah, oo reer Iitaamaarna waxaa ku jiray siddeed, sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen.
I Ch SomKQA 24:5  Oo sidanaa iyagii saami loogu kala qaybiyey, oo caynba caynkii kale waa lagu daray, waayo, waxaa jiray amiirro meesha quduuska ah, iyo amiirro Ilaah oo ahaa reer Elecaasaar iyo reer Iitaamaar labadaba.
I Ch SomKQA 24:6  Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar.
I Ch SomKQA 24:7  Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay Yehooyaariib, kii labaadna Yedacyaah,
I Ch SomKQA 24:9  kii shanaadna Malkiiyaah, kii lixaadna Miyaamin,
I Ch SomKQA 24:10  kii toddobaadna Haqoos, kii siddeedaadna Abiiyaah,
I Ch SomKQA 24:11  kii sagaalaadna Yeeshuuca, kii tobnaadna Shekaanyaah,
I Ch SomKQA 24:12  kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim,
I Ch SomKQA 24:13  kii saddex iyo tobnaadna Xufaah, kii afar iyo tobnaadna Yeshebe'aab,
I Ch SomKQA 24:14  kii shan iyo tobnaadna Bilgaah, kii lix iyo tobnaadna Immeer,
I Ch SomKQA 24:15  kii toddoba iyo tobnaadna Xeesiir, kii siddeed iyo tobnaadna Hafisees,
I Ch SomKQA 24:16  kii sagaal iyo tobnaadna Fetaxyaah, kii labaatanaadna Yexesqeel,
I Ch SomKQA 24:17  kii kow iyo labaatanaadna Yaakiin, kii laba iyo labaatanaadna Gaamuul,
I Ch SomKQA 24:18  kii saddex iyo labaatanaadna Dalaayaah, kii afar iyo labaatanaadna Macasyaah.
I Ch SomKQA 24:19  Kaasu wuxuu ahaa qaynuunkii ay u kala qaybsanaayeen oo ay hawshooda ku qaban jireen, inay gurigii Rabbiga ku soo galaan qaynuunkii iyaga lagu soo dhiibay awowgood Haaruun, sidii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil uu isaga ku amray.
I Ch SomKQA 24:20  Oo reer Laawi intii hadhayna waxaa ka mid ahaa kuwan, wiilashii Camraam waxaa ka joogay Shuubaa'eel, wiilashii Shuubaa'eelna waxaa ka joogay Yexdeyaah.
I Ch SomKQA 24:21  Reer Rexabyaahna waxaa wiilashii Rexabyaah ka joogay Yishyaah oo madax ahaa.
I Ch SomKQA 24:22  Reer Isehaarna waxaa ka joogay Shelomoo, wiilashii Shelomoodna waxaa ka joogay Yaaxad.
I Ch SomKQA 24:23  Wiilashii Xebroonna waxaa ka joogay Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad.
I Ch SomKQA 24:24  Wiilashii Cusii'eelna waxaa ka joogay Miikaah, wiilashii Miikaahna waxaa ka joogay Shaamiir.
I Ch SomKQA 24:25  Oo Miikaah walaalkiisna wuxuu ahaa Yishyaah, wiilashii Yishyaahna waxaa ka joogay Sekaryaah.
I Ch SomKQA 24:26  Wiilashii Meraariina waxaa ka joogay Maxlii iyo Mushii, wiilashii Yacasiyaahna waxaa ka joogay Benoo.
I Ch SomKQA 24:27  Wiilashii Meraariina, waxaa reer Yacasiyaah ka joogay Benoo, iyo Shoham, iyo Sakuur, iyo Cibrii.
I Ch SomKQA 24:28  Reer Maxliina waxaa ka joogay Elecaasaar, oo aan waxba wiilal lahayn.
I Ch SomKQA 24:29  Reer Qiishna waxaa ka joogay ina Qiish, oo ahaa Yeraxme'eel.
I Ch SomKQA 24:30  Reer Mushii waxaa ka joogay Maxlii, iyo Ceeder, iyo Yeriimood. Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi siday qolooyinkoodu kala ahaayeen.
I Ch SomKQA 24:31  Oo kuwanu iyana waxay riteen saami sidii walaalahood reer Haaruun ay yeeleen oo kale, oo waxay ku hor riteen Boqor Daa'uud, iyo Saadooq, iyo Axiimeleg, iyo kuwii madaxda u ahaa qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi. Kan qolooyinkii madaxda u ahaa waxaa lagala mid dhigay sida kuwa walaalkiisa yar.