Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
II CORINTHIANS
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13
Prev Up Next
Chapter 11
II C SomKQA 11:1  Waxaan jeclaan lahaa inaad iigu dulqaadataan doqonnimadayda yar. Laakiin waad ii dulqaadataan.
II C SomKQA 11:2  Waxaan idiinku masayrsanahay masayr xagga Ilaah ah, waayo, waxaan idiin guuriyey nin keliya, inaan idiin dhiibo Masiix idinkoo ah bikrad daahir ah.
II C SomKQA 11:3  Laakiin waxaan ka baqayaa in maankiinna laga halleeyo lillaahinimada iyo daahirnimada xagga Masiix, sidii abeesadii xeeladdeedii Xaawa ugu khiyaanaysay oo kale.
II C SomKQA 11:4  Waayo, haddii mid yimaado oo idinku wacdiyo Ciise kale oo ah ku aanan ku wacdiyin, ama haddii aad heshaan ruux ka duwan kii aad hesheen, ama injiil ka duwan kii aad aqbasheen, si wanaagsan ayaad ugu dulqaadataan.
II C SomKQA 11:5  Waxaan u malaynayaa inaanan sina uga liidan rasuulladaas ugu waaweyn.
II C SomKQA 11:6  Laakiin in kastoo aanan hadalka ku fiicnayn, aqoonta waan ku fiicanahay, oo taasaannu si kasta idiinku muujinnay dadka oo dhan hortiisa.
II C SomKQA 11:7  Dembi miyaan falay markaan is-hoosaysiiyey in idinka laydin sarraysiiyo, maxaa yeelay, injiilka Ilaah ayaan idinku wacdiyey hadiyad ahaan?
II C SomKQA 11:8  Kiniisado kale ayaan dhacay, anigoo mushahaaro ka qaadaya, si aan idiinku adeego.
II C SomKQA 11:9  Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammaystireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa.
II C SomKQA 11:10  Sida Masiixa runtiisu ay iigu jirto, faankan laygama joojin doono xagga dalalka Akhaya.
II C SomKQA 11:11  Waayo? Ma waxay tahay inaanan idin jeclayn? Ilaah baa garan.
II C SomKQA 11:12  Laakiin waxaan samaynayo, waan sii samayn doonaa, inaan ka gooyo waxay kuwa doonaya inay wax ku faanaan ku faani lahaayeen, in waxay ku faanaan loo garto inay sidayada oo kale yihiin.
II C SomKQA 11:13  Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix.
II C SomKQA 11:14  Oo layaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka.
II C SomKQA 11:15  Haddaba wax weyn ma aha haddii ay midiidinyadiisuna isu ekaysiiyaan midiidinyada xaqnimada, iyagoo dhammaanshahoodu u ahaan doono sida shuqulladooda.
II C SomKQA 11:16  Haddana waxaan leeyahay, Qofna yaanu doqon ii malayn, laakiin haddaad ii malaysaan, weliba sida doqon ii qaata inaan aniguna in yar faano.
II C SomKQA 11:17  Waxaan ku hadlayo ugu hadli maayo sida Rabbigu doonayo, laakiin si doqonnimo ah iyo si geesinimadan faanka ah ayaan ugu hadlayaa.
II C SomKQA 11:18  Siday kuwa badanu jidhka ugu faanaan, ayaan anna ugu faani doonaa.
II C SomKQA 11:19  Waayo, idinku si farxadleh ayaad doqonnada ugu dulqaadataan idinkoo caqli leh.
II C SomKQA 11:20  Idinku waad u dulqaadataan nin hadduu idin addoonsado, hadduu wixiinna cuno, hadduu wax idinka qaato, hadduu isa sarraysiiyo, hadduu wejiga idinka dharbaaxo.
II C SomKQA 11:21  Waan ka xishoonayaa inaan idhaahdo, Waannu tabardaran nahay. Laakiin weliba wax kasta oo uu qof geesi ku yahay, aniguna geesi baan ku ahay (sida doqon ayaan u hadlayaa).
II C SomKQA 11:22  Iyagu ma Cibraaniyo baa? Anna waan ahay. Ma reer binu Israa'iil baa? Anna waan ahay. Ma dhashii Ibraahim baa? Anna waan ahay.
II C SomKQA 11:23  Iyagu ma Masiix bay u adeegaan? Si ka sii badan ayaan ugu adeegaa. Sidii qof waalan ayaan u hadlayaa. Waan ka hawlo badnaa, waanan ka xabsi badnaa, karbaashyo tirola'aan ahna waa laygu dhuftay, marar badanna dhimashaan ku dhowaaday.
II C SomKQA 11:24  Shan goor Yuhuuddu waxay i karbaasheen afartan mid la'.
II C SomKQA 11:25  Saddex goorna ulaa laygu dhuftay, marna waa lay dhagxiyey, saddex goor doonni baa ila jabtay, habeen iyo maalinna waxaan ku jiray badda.
II C SomKQA 11:26  Marar badan baan safray, xagga webiyadana khatar baan galay, xagga tuugaggana khatar baan galay, xagga dadkaygana khatar baan galay, xagga dadka aan Yuhuuddu ahaynna khatar baan galay, xagga magaaladana khatar baan galay, xagga cidladana khatar baan galay, xagga baddana khatar baan galay, walaalo been ah dhexdoodana khatar baan ku galay.
II C SomKQA 11:27  Waxaanna ku jiray dhib iyo daal, marar badanna hurdola'aan iyo gaajo iyo harraad, marar badanna cuntola'aan iyo qabow iyo arrad.
II C SomKQA 11:28  Waxyaalahaas dibadda ahna waxaa ii dheeraad ah waxaa maalin walba i dhiba ee ah kawelwelidda kiniisadaha oo dhan.
II C SomKQA 11:29  Kumaa itaaldaran oo anna aanan itaal darnayn? Kumaa la xumeeyey oo aanan ka guban?
II C SomKQA 11:30  Hadday tahay inaan faano waxaan ku faanayaa waxyaalaha ku saabsan itaaldarradayda.
II C SomKQA 11:31  Ilaaha ah Aabbaha Rabbi Ciise, kan barakada leh weligiis, wuxuu yaqaan inaanan been sheegaynin.
II C SomKQA 11:32  Xagga Dimishaq taliyihii ka hooseeyey boqorkii Aretas ahaa ayaa gaadh ka qabtay magaalada reer Dimishaq si uu ii qabto.
II C SomKQA 11:33  Markaas anigoo dambiil ku jira ayaa daaqad xagga derbiga hoos laygaga dejiyey oo aan gacmihiisii ka baxsaday.