JOB
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
32
33
34
35
36
37
38
39
40
41
42
Chapter 19
Job | SomKQA | 19:3 | Toban jeer baad i caydeen, Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan? | |
Job | SomKQA | 19:5 | Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan, Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay, | |
Job | SomKQA | 19:7 | Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto. | |
Job | SomKQA | 19:8 | Jidkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin, Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay. | |
Job | SomKQA | 19:10 | Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday, Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey. | |
Job | SomKQA | 19:12 | Ciidammadiisii oo dhammu way wada yimaadaan, Oo jid bay dhistaan si ay iigu kacaan, Oo teendhadayda hareeraheeda ayay degaan. | |
Job | SomKQA | 19:15 | Kuwa reerkayga ku hoyda, iyo gabdhaha addoommahayga ahuba waxay igu tiriyaan shisheeye, Oo hortooda waxaan ku ahay ajanabi. | |
Job | SomKQA | 19:16 | Waxaan u yeedhaa addoonkaygii, Oo in kastoo aan afkayga ku baryo, iima jawaabo innaba. | |
Job | SomKQA | 19:17 | Naagtaydu waxay nacdaa neeftayda, Oo carruurtii hooyaday dhashayna waxay nacaan baryootankayga. | |
Job | SomKQA | 19:18 | Xataa dhallaanka yaryaru way i quudhsadaan, Oo haddaan sara joogsado way i caayaan. | |
Job | SomKQA | 19:19 | Saaxiibbadaydii aan ku kalsoonaa oo dhammu way i karahsadaan, Oo kuwii aan jeclaana way igu soo jeesteen. | |
Job | SomKQA | 19:22 | Maxaad sidii Ilaah iigu silcisaan? Oo bal maxaad dhibaatada jidhkayga uga dhergi weydeen? | |
Job | SomKQA | 19:25 | Laakiinse waan ogahay in kii i soo furtay nool yahay, Iyo inuu ugudambaysta dhulka ku istaagi doono. | |
Job | SomKQA | 19:26 | Oo markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed, Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa, | |
Job | SomKQA | 19:27 | Kaasoo aan aniga qudhaydu arki doono, Oo indhahaygu ay fiirin doonaan, oo aanay kuwa mid kale arkayn. Qalbigaygu waa taag daranyahay. | |
Job | SomKQA | 19:28 | Haddaad istidhaahdaan, War xaalkan salkiisu isagaa laga helay, Bal maxaannu isaga u silcinnaa? | |