JOB
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
32
33
34
35
36
37
38
39
40
41
42
Chapter 33
Job | SomKQA | 33:1 | Habase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal, Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig. | |
Job | SomKQA | 33:3 | Erayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga, Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan. | |
Job | SomKQA | 33:5 | Haddaba haddaad kartid ii jawaab, Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag. | |
Job | SomKQA | 33:6 | Bal eeg, aniguba xag Ilaah waxaan ahay sidaada oo kale; Oo anigana waxaa layga uumay dhoobo. | |
Job | SomKQA | 33:9 | Anigu nadiif baan ahay, oo xadgudubna ma lihi, Xaq ma qabo, oo xumaanuna iguma jirto innaba. | |
Job | SomKQA | 33:10 | Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa, Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay; | |
Job | SomKQA | 33:12 | Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid, Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn. | |
Job | SomKQA | 33:13 | Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho. | |
Job | SomKQA | 33:15 | Riyada iyo muujinta habeennimo, Markii hurdo weynu dadka ku soo degto, Oo sariirta lagu gam'o, | |
Job | SomKQA | 33:18 | Oo naftiisana wuxuu dib uga hayaa yaamayska, Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta. | |
Job | SomKQA | 33:19 | Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun, Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira. | |
Job | SomKQA | 33:20 | Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa, Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa. | |
Job | SomKQA | 33:21 | Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo; Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan. | |
Job | SomKQA | 33:22 | Hubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yaamayska, Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi'in lahaa. | |
Job | SomKQA | 33:23 | Hadday la joogi lahayd malaa'ig dhexdhexaadeye ah Oo ah mid kun ka mid ahu, Inay dadka tusto waxa ku qumman, | |
Job | SomKQA | 33:24 | Markaas Ilaah baa u naxariista, oo wuxuu leeyahay, Yaamayska uu ku sii dhacayo ka samatabbixi, Waayo, furasho baan helay. | |
Job | SomKQA | 33:25 | Hilibkiisu waa ka sii jilicsanaan doonaa kan ilmaha; Oo wuxuu ku noqdaa wakhtigii dhallinyaranimadiisa. | |
Job | SomKQA | 33:26 | Isagu Ilaah buu baryaa, oo isna raalli buu ka noqdaa, Sidaas daraaddeed wejigiisa farxad buu ku arkaa; Oo wuxuu dadka u soo celiyaa xaqnimadiisa. | |
Job | SomKQA | 33:27 | Isagu dadka hortiisa buu ku gabyaa, oo wuxuu leeyahay, Waan dembaabay, oo waxaan qalloociyey wixii qummanaa, Oo taasuna layguma abaal gudin. | |
Job | SomKQA | 33:28 | Isagu naftayduu ka soo furtay yaamayskii ay ku dhacaysay, Oo noloshayduna iftiin bay arki doontaa. | |
Job | SomKQA | 33:29 | Bal eeg, waxyaalahan oo dhan Ilaah baa binu-aadmiga ku sameeya, Laba ama saddex jeer, | |
Job | SomKQA | 33:30 | Si uu naftiisa yaamayska uga soo celiyo, In isaga lagu iftiimiyo iftiinka kuwa nool. | |
Job | SomKQA | 33:32 | Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo. | |