Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 10
Psal SomKQA 10:1  Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay? Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?
Psal SomKQA 10:2  Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.
Psal SomKQA 10:3  Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay, Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.
Psal SomKQA 10:4  Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa, Isagu waxba i weyddiisan maayo. Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.
Psal SomKQA 10:5  Jidadkiisuu ku adag yahay had iyo goorba, Xukummadaaduna waa ka sarreeyaan isaga, waana ka fog yihiin, Oo cadaawayaashiisa oo dhanna wuu wada fudaydsadaa.
Psal SomKQA 10:6  Oo wuxuu isyidhaahdaa, Anigu weligay dhaqdhaqaaqi maayo, Oo tan iyo ka ab ka ab xumaanu i heli mayso.
Psal SomKQA 10:7  Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.
Psal SomKQA 10:8  Isagu wuxuu fadhiistaa tuulooyinka meelahooda lagu dhuunto, Oo kan aan xaqa qabinna wuxuu ku dilaa meelaha qarsoon, Oo indhihiisuna waxay si qarsoon hoos uga fiiriyaan miskiinka.
Psal SomKQA 10:9  Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira, Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado, Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.
Psal SomKQA 10:10  Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa, Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.
Psal SomKQA 10:11  Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay, Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
Psal SomKQA 10:12  Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad, Oo masaakiinta ha illoobin.
Psal SomKQA 10:13  Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa? Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
Psal SomKQA 10:14  Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed, Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa, Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.
Psal SomKQA 10:15  Kii shar leh gacantiisa jebi, Oo sharrowga xumaantiisana doondoon ilaa aad mid dambe weydid.
Psal SomKQA 10:16  Rabbigu waa boqor weligiis iyo weligiisba, Oo quruumaha oo dhammuna dalkiisa way ka wada baabba'aan.
Psal SomKQA 10:17  Rabbiyow, waad maqashay waxay kuwa is-hoosaysiiyaa doonayaan, Oo qalbigooda waad diyaarin doontaa, oo dhegtaadana waad u dhigi doontaa,
Psal SomKQA 10:18  Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay, Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.