PROVERBS
Chapter 12
Prov | SomKQA | 12:1 | Ku alla kii edbinta jecelu aqoon buu jecel yahay, Laakiinse kii canaanta necebu waa doqon. | |
Prov | SomKQA | 12:2 | Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa. Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa. | |
Prov | SomKQA | 12:3 | Ninna shar kuma dhismi doono, Laakiinse kuwa xaqa ah xididkooda weligiis lama dhaqaajin doono. | |
Prov | SomKQA | 12:4 | Naagtii toolmoonu waxay ninkeeda u tahay taaj, Laakiinse tii ceebalay ahu waa sida qudhun isaga lafaha kaga jira. | |
Prov | SomKQA | 12:5 | Kuwa xaqa ah fikirradoodu waa qumman yihiin, Laakiinse kuwa sharka leh taladoodu waa khiyaano. | |
Prov | SomKQA | 12:6 | Kuwa sharka leh erayadoodu waa gabbasho ay u gabbadaan si ay dhiig u daadiyaan, Laakiinse kuwa qumman afkooda ayaa samatabbixin doona. | |
Prov | SomKQA | 12:7 | Kuwa sharka leh waa la afgembiyaa, oo mar dambena lama arki doono, Laakiinse kuwa xaqa ah gurigoodu waa sii taagnaan doonaa. | |
Prov | SomKQA | 12:8 | Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa. | |
Prov | SomKQA | 12:9 | Kii la fudaydsado oo midiidin lahu Waa ka wanaagsan yahay kii isweyneeya oo cunto u baahan. | |
Prov | SomKQA | 12:10 | Nin xaq ahu waa u tudhaa neefkiisa, Laakiinse kuwa sharka leh naxdintoodu waa naxariisla'aan oo keliya. | |
Prov | SomKQA | 12:11 | Kii dhulkiisa beertaa cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa waa garaad daranyahay. | |
Prov | SomKQA | 12:12 | Kan sharka lahu wuxuu damcaa dabinka xumaanfalayaasha, Laakiinse xididka kuwa xaqa ahu midhuu dhalaa. | |
Prov | SomKQA | 12:13 | Kan sharka leh waxaa u dabin ah xadgudubka bushimihiisa, Laakiinse kan xaqa ahu dhibaatada wuu ka bixi doonaa. | |
Prov | SomKQA | 12:14 | Nin wuxuu wanaag kaga dhergi doonaa midhaha afkiisa, Oo nin walbana waxa gacmihiisu sameeyaan ayaa loo abaalgudi doonaa. | |
Prov | SomKQA | 12:15 | Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa. | |
Prov | SomKQA | 12:16 | Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa. | |
Prov | SomKQA | 12:17 | Kii runta ku hadlaa wuxuu muujiyaa xaqnimada, Laakiinse markhaatiga beenta ahu wuxuu muujiyaa khiyaanada. | |
Prov | SomKQA | 12:18 | Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa, Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad. | |
Prov | SomKQA | 12:19 | Bushintii runta sheegtaa weligeedba way sii taagnaan doontaa, Laakiinse carrabkii beenta sheegaa daqiiqad buu joogaa. | |
Prov | SomKQA | 12:20 | Kuwa sharka ku fikira qalbigooda khiyaanaa ku jirta, Laakiinse taliyayaasha nabaddu farxad bay leeyihiin. | |
Prov | SomKQA | 12:21 | Sharna kan xaqa ah ku dhici maayo, Laakiinse kuwa sharka leh xumaan baa ka buuxsami doonta. | |
Prov | SomKQA | 12:22 | Bushimaha beenta sheega Rabbigu wuu karhaa. Laakiinse kuwa runta ku shaqeeya wuu ku farxaa. | |
Prov | SomKQA | 12:23 | Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo. | |
Prov | SomKQA | 12:24 | Kuwa dadaala gacantoodu wax bay xukumi doontaa, Laakiinse caajisiinta hawl baa la saari doonaa. | |
Prov | SomKQA | 12:25 | Ninkii caloolxumo gashaa wuu soo gotaa, Laakiinse eray wanaagsanu waa ka farxiyaa isaga. | |
Prov | SomKQA | 12:26 | Kan xaqa ahu deriskiisuu hanuuniyaa, Laakiinse kuwa sharka leh jidkoodu wuu ambiyaa iyaga. | |
Prov | SomKQA | 12:27 | Ninkii caajis ahu ma dubto wuxuu soo ugaadhsaday, Laakiinse ninkii dadaala maalkiisu waa qaali. | |