PROVERBS
Chapter 25
Prov | SomKQA | 25:1 | Oo weliba kuwanuna waa maahmaahyadii Sulaymaan, Oo boqorkii Yahuudah oo Xisqiyaah ahaa raggiisii ay soo guuriyeen. | |
Prov | SomKQA | 25:2 | Waa u ammaan Ilaah inuu xaal qariyo, Laakiinse waa u ammaan boqorrada inay xaal baadhaan. | |
Prov | SomKQA | 25:3 | Sida samadu u sarrayso, oo dhulkuna u gun dheer yahay, Ayaan qalbiga boqorrada loo baadhi karin. | |
Prov | SomKQA | 25:4 | Lacagta wasakhda ka qaad, Oo dabadeedna waxaa lacagshubaha uga soo bixi doona weel. | |
Prov | SomKQA | 25:5 | Boqorka hortiisa kuwa sharka leh ka fogee, Oo carshigiisuna xaqnimuu ku taagnaan doonaa. | |
Prov | SomKQA | 25:7 | Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa, Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay. | |
Prov | SomKQA | 25:8 | Dirir degdeg ha ugu bixin, Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd, Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed. | |
Prov | SomKQA | 25:11 | Hadalkii si hagaagsan loogu hadlaa Wuxuu la mid yahay tufaaxyo dahab ah oo lagu dhex sameeyey taswiiro lacag ah. | |
Prov | SomKQA | 25:12 | Kii caqli leh oo wax canaantaa wuxuu dhegta wax maqasha oo addeecda ula mid yahay Hilqado dahab ah iyo wax laysku sharraxo oo dahab saafiya ah. | |
Prov | SomKQA | 25:13 | Wargeeyihii aamin ahu wuxuu kuwii isaga soo diray ula mid yahay Qabowga barafka cad oo wakhtiga beergooyska, Waayo, isagu wuxuu qabowjiyaa nafta sayidyadiisa. | |
Prov | SomKQA | 25:14 | Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn. | |
Prov | SomKQA | 25:15 | Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan, Carrab macaanuna laftuu jebiyaa. | |
Prov | SomKQA | 25:16 | Malab ma heshay? In kugu filan oo keliya ka cun, Waaba intaas oo intaad ka dheregto aad soo hunqaacdaaye. | |
Prov | SomKQA | 25:17 | Cagtaadu ha ku yaraato guriga deriskaaga, Waaba intaasoo uu kaa daalaa oo uu ku necbaadaaye. | |
Prov | SomKQA | 25:18 | Ninkii deriskiisa marag been ah ku furaa Waa sida budh iyo seef iyo fallaadh af badan oo kale. | |
Prov | SomKQA | 25:19 | In wakhtiga dhibaatada nin aaminlaawe ah laysku halleeyo Waa sida ilig jaban iyo cag murkacatay oo kale. | |
Prov | SomKQA | 25:20 | Kii qalbi murugaysan u gabyaa Waa sida mid maalin qabow huwiska iska qaada iyo sida khal soodhe lagu shubo oo kale. | |
Prov | SomKQA | 25:21 | Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii, Hadduu harraadsan yahayna waraabi, | |
Prov | SomKQA | 25:22 | Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa, Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa. | |
Prov | SomKQA | 25:23 | Dabaysha woqooyi roob bay keentaa, Sidaas oo kale carrabkii xan badanna weji cadhaysan buu keenaa. | |
Prov | SomKQA | 25:24 | In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo. | |
Prov | SomKQA | 25:25 | Warkii wanaagsan oo dal fog ka yimaadaa Waa sida biyo qabow ay naf harraadsan u yihiin oo kale. | |
Prov | SomKQA | 25:26 | Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale. | |
Prov | SomKQA | 25:27 | In malab badan la cunaa ma wanaagsana, Sidaas oo kalena in ammaan la doondoontaa ammaan ma aha. | |