Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
MARK
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 3
Mark SomKQA 3:1  Kol dambe wuxuu galay sunagogga; halkaasna waxaa joogay nin gacan engegan.
Mark SomKQA 3:2  Markaasay fiirinayeen inuu sabtida bogsiinayo iyo in kale, si ay u ashtakeeyaan.
Mark SomKQA 3:3  Kolkaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Dhexda isa soo taag.
Mark SomKQA 3:4  Oo wuxuu iyaga ku yidhi, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar; in naf la badbaadiyo ama la dilo? Laakiin way iska aamuseen.
Mark SomKQA 3:5  Goortuu iyaga isha mariyey isagoo cadhaysan oo qalbigiisii ka tiiraanyooday qalbi engegnaantooda aawadeed, wuxuu ninkii ku yidhi, Gacanta soo taag. Kolkaasuu soo taagay, oo gacantiisu way bogsatay.
Mark SomKQA 3:6  Markaasaa Farrisiintu baxeen, oo markiiba waxay kala tashadeen Herodosiintii si ay u dilaan isaga.
Mark SomKQA 3:7  Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya,
Mark SomKQA 3:8  iyo Yeruusaalem, iyo Idumiya, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo kuwa ag joogay Turos iyo Siidoon; dad tiro badan goortii ay maqleen waxa weyn ee uu samaynayay ayay u yimaadeen.
Mark SomKQA 3:9  Xertiisii wuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Doonni yar ha i sugto dadkii badnaa aawadiis si ayan ii cidhiidhiyin.
Mark SomKQA 3:10  Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga.
Mark SomKQA 3:11  Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah.
Mark SomKQA 3:12  Aad buu u amray inaanay dadka ogeysiinin isaga.
Mark SomKQA 3:13  Goortaasuu buurta fuulay; wuu u yeedhayna kuwii uu doonayay; wayna u yimaadeen.
Mark SomKQA 3:14  Laba iyo toban ayuu soo saaray inay isaga la joogaan, iyo inuu u diro inay wax wacdiyaan,
Mark SomKQA 3:15  iyo inay u leeyihiin amar ay cudurro ku bogsiiyaan oo ay jinniyo ku saaraan.
Mark SomKQA 3:16  Waxay ahaayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey,
Mark SomKQA 3:17  iyo Yacquub ina Sebedi, iyo Yooxanaa, Yacquub walaalkiis, iyaga wuxuu u bixiyey Bo'anerges, waxaa weeye wiilashii onkodka,
Mark SomKQA 3:18  iyo Andaros, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo Simoon reer Kaana,
Mark SomKQA 3:20  Kolkaasuu guri galay; oo dad badan ayaa haddana ku soo ururay si aanay karin inay kibis cunaan.
Mark SomKQA 3:21  Xigtadiisii goortay maqleen, ayay u soo baxeen inay qabtaan, waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa waalan yahay.
Mark SomKQA 3:22  Culimmadii Yeruusaalem ka soo degeenna waxay yidhaahdeen, Wuxuu qabaa Be'elsebul, oo madaxda jinniyada ayuu jinniyada ku saaraa.
Mark SomKQA 3:23  Kolkaasuu iyagii u yeedhay oo masaallo kugu yidhi, Sidee baa Shayddaan Shayddaan u saari karaa?
Mark SomKQA 3:24  Haddii boqortooyo kala qaybsanto, boqortooyadaasu ma taagnaan karto.
Mark SomKQA 3:25  Haddii gurina kala qaybsamo, gurigaasu ma taagnaan kari doono.
Mark SomKQA 3:26  Haddii Shaydaanna isku kaco oo qaybsamo, ma taagnaan karo. Laakiin wuxuu leeyahay dhammaansho.
Mark SomKQA 3:27  Ninna nin xoog leh gurigiisa ma geli karo inuu alaabtiisa dhaco hadduusan kolkii hore ninka xoogga leh xidhin, goortaasuu gurigiisa dhici doonaa.
Mark SomKQA 3:28  Runtii waxaan idinku leeyahay, Bini-aadmiga waa loo cafiyi doonaa dembiyadii oo dhan iyo caydii ay ku caytamaan;
Mark SomKQA 3:29  laakiin ku alla kii caaya Ruuxa Quduuska ah, weligiis cafiga heli maayo, laakiin wuxuu eed u leeyahay dembi weligiis ah;
Mark SomKQA 3:30  waayo, waxay yidhaahdeen, Jinni wasakh leh ayuu qabaa.
Mark SomKQA 3:31  Markaasaa waxaa yimid walaalihiis iyo hooyadiis, oo dibadday istaageen, waxayna u direen cid ugu yeedha.
Mark SomKQA 3:32  Dad badan baa agtiisa fadhiyey oo waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa dibadday joogaan oo waa ku doonayaan.
Mark SomKQA 3:33  Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yaa ah hooyaday iyo walaalahay?
Mark SomKQA 3:34  Kolkaasuu isha mariyey kuwii agtiisa fadhiyey oo ku yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay!
Mark SomKQA 3:35  Ku alla kii yeela doonistii Ilaah kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday.