Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
MARK
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16
Prev Up Next
Chapter 12
Mark SomKQA 12:1  Markaasuu wuxuu bilaabay inuu masaallo kula hadlo iyaga. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo ood ku heraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey.
Mark SomKQA 12:2  Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inuu beerreydii midhihii beerta ka soo qaado.
Mark SomKQA 12:3  Markaasay qabteen oo garaaceen oo waxla'aan ku direen.
Mark SomKQA 12:4  Haddana addoon kale ayuu u soo diray. Kaasay dakhreen oo ceebeeyeen.
Mark SomKQA 12:5  Haddana mid kale ayuu u soo diray, wayna dileen; oo qaar kale oo badan ayuu diray. Qaar waa la garaacay; qaarna waa la dilay.
Mark SomKQA 12:6  Weliba wuxuu lahaa wiil keliya oo uu jeclaa. Kolkii ugu dambaysay ayuu u soo diray isagii, oo wuxuu yidhi, Wiilkayga way maamuusi doonaan.
Mark SomKQA 12:7  Laakiin beerreydii waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee, dhaxalkiina innagaa lahaan doonna.
Mark SomKQA 12:8  Way qabteen, wayna dileen, oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen.
Mark SomKQA 12:9  Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu samayn doonaa? Wuu iman doonaa oo beerreyda dili doonaa, dad kalena ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa.
Mark SomKQA 12:10  Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin Dhagixii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
Mark SomKQA 12:11  Tanu xagga Rabbiga bay ka timid; Oo waa ku yaab indhahayaga?
Mark SomKQA 12:12  Markaasay waxay dooneen inay qabtaan, laakiin dadkay ka baqeen; waayo, way garteen inuu masaalka iyaga kaga hadlay, markaasay iska daayeen oo ka tageen.
Mark SomKQA 12:13  Waxay u soo direen Farrisiinta iyo Herodosiinta qaarkood si ay hadalkiisa ugu qabtaan.
Mark SomKQA 12:14  Goortay yimaadeen waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid, jidka Ilaahse aad run ku bartid. Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin?
Mark SomKQA 12:15  Ma siinna mise ma siinno? Isaguse labawejiilenimadooda ayuu gartay, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad ii jirrabaysaan? Dinaar ii keena aan arko e.
Mark SomKQA 12:16  Wayna u keeneen, oo wuxuu ku yidhi, Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan? Waxay ku yidhaahdeen, Kaysar baa leh.
Mark SomKQA 12:17  Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay. Wayna ka yaabeen.
Mark SomKQA 12:18  Markaasaa waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen,
Mark SomKQA 12:19  Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto oo naag ka tago isagoo aan ilmo lahayn, walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.
Mark SomKQA 12:20  Waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay, dhalna kama tegin.
Mark SomKQA 12:21  Kii labaad baa dumaalay, wuuna dhintay, isaguna dhal kama tegin, oo sidaas oo kalaa ku dhacday kii saddexaad.
Mark SomKQA 12:22  Toddobadii way wada guursadeen, dhalna kama tegin. Kulligood dabadood naagtiina waa dhimatay.
Mark SomKQA 12:23  Wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay iyaga kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen.
Mark SomKQA 12:24  Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Sidaa darteed miyaydnaan qaldamin? Waayo, Qorniinka iyo xoogga Ilaah midna garan maysaan.
Mark SomKQA 12:25  Waayo, goortay kuwii dhintay ka soo sara kacaan layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha jannada ku jira.
Mark SomKQA 12:26  Oo xagga kuwii dhintay in la sara kiciyo miyaydnaan kitaabkii Muuse ka akhriyin sidii Ilaah geedkii ugala soo hadlay oo yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub?
Mark SomKQA 12:27  Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool. Idinku aad baad u qaldan tihiin.
Mark SomKQA 12:28  Kolkaasaa culimmada midkood u yimid, oo markuu maqlay iyagoo wada hadlaya, oo markuu gartay inuu si wanaagsan u jawaabay, ayuu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Qaynuunkee baa ka horreeya kuwa kale oo dhan?
Mark SomKQA 12:29  Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Kan ugu horreeyaa waxaa weeye, Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ah waa Rabbi keliya.
Mark SomKQA 12:30  Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan.
Mark SomKQA 12:31  Ku labaad waa kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. Qaynuun kale oo kuwan ka weyn ma jiro.
Mark SomKQA 12:32  Waxaa culimmada mid ka mid ahu ku yidhi, Sida runta ah, Macallimow, si wanaagsan baad u hadashay markaad tidhi, Isagu waa mid keliya, oo mid kalena ma jiro isaga ma ahaane.
Mark SomKQA 12:33  In laga jeclaado qalbiga oo dhan, iyo caqliga oo dhan, iyo nafta oo dhan, iyo xoogga oo dhan, iyo in deriska loo jeclaado sida nafta, taasaa ka sii wanaagsan allabaryo la wada gubo iyo allabaryo kale oo dhanba.
Mark SomKQA 12:34  Markii Ciise arkay inuu miyir ku jawaabay, wuxuu ku yidhi, Boqortooyada Ilaah kama aad fogid. Markaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu wax weyddiiyo.
Mark SomKQA 12:35  Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, intuu macbudka wax ku barayay, Culimmadu sidee bay u yidhaahdaan, Masiixu waa ina Daa'uud?
Mark SomKQA 12:36  Daa'uud qudhiisuna, isagoo Ruuxa Quduuskaa ku hadlaya, ayuu wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.
Mark SomKQA 12:37  Daa'uud qudhiisa ayaa ugu yeedhay Sayid, sidee buu wiilkiisa u yahay? Dadkii badnaana farxad bay ku maqleen.
Mark SomKQA 12:38  Markuu wax barayay wuxuu ku yidhi, Iska jira culimmada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa,
Mark SomKQA 12:39  iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha.
Mark SomKQA 12:40  Waxay yihiin kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayay istusid u tukadaan. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.
Mark SomKQA 12:41  Ciise wuxuu fadhiistay meel ka hor jeedda khasnaddii, oo wuxuu eegayay sida dadku lacagta ugu ridayo khasnaddii. Qaar badan oo hodon ah ayaa wax badan ku riday.
Mark SomKQA 12:42  Markaasaa waxaa yimid carmal miskiin ah. Iyadu waxay ku ridday laba lacag ah oo yaryar oo qiimadood beesad tahay.
Mark SomKQA 12:43  Markaasuu xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku ridayaan khasnaddii.
Mark SomKQA 12:44  Waayo, kulligood waxay kaga rideen waxoodii badnaa, iyaduse miskiinnimadeeday kaga ridday wixii ay lahayd oo dhan, xataa wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.