Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
MARK
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16
Prev Up Next
Chapter 10
Mark SomKQA 10:1  Meeshaasuu ka soo kacay oo wuxuu galay soohdimaha Yahuudiya oo Webi Urdun ka shisheeya. Mar kale dadkii badnaa baa u soo ururay, oo sida caadadiisu ahaan jirtay, ayuu haddana wax baray.
Mark SomKQA 10:2  Markaasaa Farrisiintu u timid oo weyddiisay, Ma xalaal baa in nin naagtiisa furo? Wayna jirrabayeen.
Mark SomKQA 10:3  Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Muuse muxuu idinku amray?
Mark SomKQA 10:4  Waxay yidhaahdeen, Muuse waa fasaxay in warqaddii furniinta la dhigo oo la furo.
Mark SomKQA 10:5  Ciisena wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qalbi engegnaantiinna aawadeed ayuu amarkaas idiinku dhigay.
Mark SomKQA 10:6  Laakiin tan iyo bilowgii abuurniinta, Ilaah wuxuu sameeyey lab iyo dhaddig.
Mark SomKQA 10:7  Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa.
Mark SomKQA 10:8  Labaduba waxay noqonayaan isku jidh. Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh.
Mark SomKQA 10:9  Haddaba wixii Ilaah isku xidhay ninna yaanu kala furin.
Mark SomKQA 10:10  Goortay guriga ku jireen, xertiisii ayaa haddana waxaas wax ka weyddiiyeen.
Mark SomKQA 10:11  Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa oo mid kale guursadaa ayaa ka sinaysta.
Mark SomKQA 10:12  Naagna haddii ay ninkeeda furto oo mid kale guursato ayay sinaysataa.
Mark SomKQA 10:13  Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, xertuna way canaanatay.
Mark SomKQA 10:14  Laakiin Ciise goortuu arkay, wuu cadhooday, oo wuxuu ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah.
Mark SomKQA 10:15  Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.
Mark SomKQA 10:16  Gacmihiisuu ku qaaday oo intuu calaacalihiisa saaray, ayuu barakeeyey.
Mark SomKQA 10:17  Goortuu jidka u soo baxay, mid baa ku soo orday oo intuu u jilba joogsaday ayuu weyddiiyey oo ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?
Mark SomKQA 10:18  Ciise wuxuu ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa, Wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.
Mark SomKQA 10:19  Qaynuunnada waad taqaan. Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad waxba dulmin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.
Mark SomKQA 10:20  Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii ayaan dhawrayay.
Mark SomKQA 10:21  Markaasaa Ciise intuu eegay jeclaaday oo ku yidhi, Wax keliya ayaa kuu dhiman. Tag oo iibi waxaad haysatid oo dhan, oo masaakiintana sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.
Mark SomKQA 10:22  Hadalkaas ayuu ka qulbay, wuuna baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.
Mark SomKQA 10:23  Ciise ishuu wada mariyey oo xertiisuu ku yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan!
Mark SomKQA 10:24  Xertiisii hadalladiisii bay ka yaabeen. Laakiin Ciise mar kaluu u jawaabay oo ku yidhi, Ilma yahow, siday ugu adag tahay kuwa maalka isku halleeya inay boqortooyada Ilaah galaan!
Mark SomKQA 10:25  Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.
Mark SomKQA 10:26  Aad bay u yaabeen, waxayna isku lahaayeen, Haddaba yaa badbaadi kara?
Mark SomKQA 10:27  Markaasaa Ciise eegay oo ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, waxbase uma aha Ilaah, waayo, wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.
Mark SomKQA 10:28  Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay.
Mark SomKQA 10:29  Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin aawaday iyo injiilka aawadiis uga tegey guri, ama walaalo, ama hooyo, ama aabbe, ama carruur, ama beero,
Mark SomKQA 10:30  oo aan haatan oo la joogo helayn boqol laab guryo ah, iyo walaalo, iyo hooyooyin, iyo carruur, iyo beero, wuxuuna la heli doonaa silec, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.
Mark SomKQA 10:31  Laakiin kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.
Mark SomKQA 10:32  Waxay ku socdeen jidka xaggii Yeruusaalem, Ciisena waa hor marayay. Wayna yaabeen oo intay daba socdeen way baqeen. Kolkaasuu laba-iyo-tobankii haddana waday oo bilaabay inuu u sheego waxa isaga ku dhici doona,
Mark SomKQA 10:33  oo wuxuu ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanaha waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho. Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn.
Mark SomKQA 10:34  Wayna ku kajami doonaan, oo ku tufi doonaan, oo karbaashi doonaan, wayna dili doonaan, saddex maalmood dabadeedna wuu soo sara kici doonaa.
Mark SomKQA 10:35  Waxaa u yimid Yooxanaa iyo Yacquub oo ahaa wiilashii Sebedi, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaad noo yeeshid wixii aannu weyddiisanno.
Mark SomKQA 10:36  Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?
Mark SomKQA 10:37  Waxay ku yidhaahdeen, Na sii inaannu fadhiisanno mid midigtaada, kii kalena bidixdaada xaggii ammaantaada.
Mark SomKQA 10:38  Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay?
Mark SomKQA 10:39  Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa. Markaasaa Ciise ku yidhi, Koobka aan ka cabbayo waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa,
Mark SomKQA 10:40  laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu ma lihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa loo diyaargareeyey.
Mark SomKQA 10:41  Tobankii goortay taas maqleen waxay bilaabeen inay Yacquub iyo Yooxanaa u cadhoodaan.
Mark SomKQA 10:42  Laakiin Ciise baa u yeedhay oo ku yidhi, Idinku waad garanaysaan in kuwa loo malaynayo inay quruumaha madaxdooda yihiin ay u taliyaan, oo kuwooda u waaweynna ay xukun ku leeyihiin.
Mark SomKQA 10:43  Laakiin sidaasu dhexdiinna ma aha, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado,
Mark SomKQA 10:44  oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, kulli waa inuu addoon u ahaado.
Mark SomKQA 10:45  Waayo, Wiilka Aadanahu uma iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.
Mark SomKQA 10:46  Kolkaasay yimaadeen Yerixoo, oo goortuu Yerixoo ka soo baxayay, isaga iyo xertiisii iyo dad faro badanba, nin indha la' oo Bartimayos la odhan jiray, oo ina Timayos ahaa, ayaa jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay.
Mark SomKQA 10:47  Goortuu maqlay inuu yahay Ciisihii reer Naasared, wuxuu bilaabay inuu aad u qayliyo oo yidhaahdo, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.
Mark SomKQA 10:48  Qaar badan baa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.
Mark SomKQA 10:49  Kolkaasaa Ciise joogsaday oo yidhi, U yeedha. Markaasay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Kalsoonow, kac, waa kuu yeedhayaaye.
Mark SomKQA 10:50  Intuu maradiisa iska tuuray ayuu booday oo Ciise u yimid.
Mark SomKQA 10:51  Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Indhoolihii baa ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.
Mark SomKQA 10:52  Markaasaa Ciise ku yidhi, Soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Kolkiiba ayuu wax arkay, oo jidka buu la qaaday isaga.