PROVERBS
Chapter 1
Prov | SomKQA | 1:1 | Kuwanu waa maahmaahyadii Sulaymaan ina Daa'uud oo ahaa boqorkii reer Binu Israa'iil, | |
Prov | SomKQA | 1:2 | Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta, Oo loo garto erayada waxgarashada, | |
Prov | SomKQA | 1:4 | Si miyir loo siiyo garaadlaawaha, Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah. | |
Prov | SomKQA | 1:5 | Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan, | |
Prov | SomKQA | 1:6 | Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta, Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda. | |
Prov | SomKQA | 1:7 | Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta. | |
Prov | SomKQA | 1:9 | Waayo, waxay madaxaaga u noqon doonaan wax sharraxsan, Oo waxay kuu noqon doonaan silsilado qoorta kuu sudhan. | |
Prov | SomKQA | 1:11 | Hadday kugu yidhaahdaan, Na soo raac, Aan gaadno inaynu dhiig daadinno, Oo aynu sababla'aan kuwa aan eedda lahayn si qarsoon ugu dhuumanno; | |
Prov | SomKQA | 1:12 | Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale, Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yaamayska ku dhaca; | |
Prov | SomKQA | 1:13 | Waxaynu heli doonnaa maal qaali ah oo cayn kasta ah, Oo guryaheennana waxaynu ka buuxsan doonnaa booli; | |
Prov | SomKQA | 1:18 | Iyagu waxay u gaadaan si dhiiggooda loo daadiyo, Oo waxay si qarsoon ugu dhuuntaan si naftooda looga qaado. | |
Prov | SomKQA | 1:19 | Sidaas oo kalay yihiin jidadka mid kasta oo faa'iido u hunguri weyn, Oo nafta ka qaada kuwa leh. | |
Prov | SomKQA | 1:20 | Xigmaddu aad bay uga qaylisaa jidka; Oo codkeedana waxay kor uga qaaddaa bannaanka; | |
Prov | SomKQA | 1:21 | Waxay ka qaylisaa meesha suuqa ugu weyn; Oo iridda magaalada laga soo galo Ayay erayadeeda kaga hadashaa, iyadoo leh, | |
Prov | SomKQA | 1:22 | Kuwiinna garaadlaawayaasha ahow, ilaa goormaad garaadla'aanta sii jeclaanaysaan? Oo kuwa wax quudhsadaana, ilaa goormay quudhsashadooda ku sii farxayaan? Nacasyaduna, ilaa goormay aqoonta sii necbaanayaan? | |
Prov | SomKQA | 1:23 | Canaantayda u soo noqda; Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga, Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda. | |
Prov | SomKQA | 1:24 | Anigu waan idiin yeedhay, laakiinse waad i diiddeen; Oo anigu gacantaydaan soo fidiyey, oo ninnana dan kama yeelan; | |
Prov | SomKQA | 1:25 | Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen, Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin; | |
Prov | SomKQA | 1:26 | Sidaas daraaddeed aniguna waan idinku qosli doonaa markay belaayo idinku dhacdo; Waanan idinku majaajiloon doonaa markay cabsiyu idinku soo degto; | |
Prov | SomKQA | 1:27 | Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale, Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah; Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan. | |
Prov | SomKQA | 1:28 | Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono; Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan; | |
Prov | SomKQA | 1:30 | Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin; Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen; | |
Prov | SomKQA | 1:31 | Haddaba iyagu waxay cuni doonaan midhihii jidkooda, Oo waxay ka dhergi doonaan taladoodii. | |
Prov | SomKQA | 1:32 | Waayo, garaadlaawayaasha dibunoqoshadooda ayaa iyaga dili doonta, Oo nacasyadana waxaa baabbi'in doonta barwaaqadooda. | |