PSALMS
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
32
33
34
35
36
37
38
39
40
41
42
43
44
45
46
47
48
49
50
51
52
53
54
55
56
57
58
59
60
61
62
63
64
65
66
67
68
69
70
71
72
73
74
75
76
77
78
79
80
81
82
83
84
85
86
87
88
89
90
91
92
93
94
95
96
97
98
99
100
101
102
103
104
105
106
107
108
109
110
111
112
113
114
115
116
117
118
119
120
121
122
123
124
125
126
127
128
129
130
131
132
133
134
135
136
137
138
139
140
141
142
143
144
145
146
147
148
149
150
Chapter 55
Psal | SomKQA | 55:3 | Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan. | |
Psal | SomKQA | 55:6 | Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale! Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa. | |
Psal | SomKQA | 55:7 | Bal eeg, markaasaan iska warwareegi lahaa meel fog, Oo waxaan degganaan lahaa cidlada.(Selaah) | |
Psal | SomKQA | 55:9 | Sayidow, iyaga baabbi'i, oo afafkoodana kala duw Waayo, waxaan magaalada ku arkay dulmi iyo dirir. | |
Psal | SomKQA | 55:10 | Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan, Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo. | |
Psal | SomKQA | 55:12 | Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn, Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa, Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey, Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga, | |
Psal | SomKQA | 55:14 | Si wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay, Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna. | |
Psal | SomKQA | 55:15 | Dhimasho ha ku soo kediso iyaga, Oo iyagoo noolnool She'ool ha ku dhaceen, Waayo, xumaan baa ku jirta hoygooda iyo dhexdooda. | |
Psal | SomKQA | 55:17 | Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa, Oo isna codkayguu maqli doonaa. | |
Psal | SomKQA | 55:18 | Naftayda nabadduu kaga samatabbixiyey dagaalkii iga geesta ahaa, Waayo, kuwii ila diriray way badnaayeen. | |
Psal | SomKQA | 55:19 | Ilaah oo ah kan weligiis waara, Wuu maqli doonaa oo u jawaabi doonaa iyaga, Kuwaas oo aan beddelmin,(Selaah) Oo aan Ilaah ka cabsan. | |
Psal | SomKQA | 55:20 | Isagu wuxuu u gacan qaaday kii isaga heshiiska la ahaa, Oo axdigiisiina wuu buriyey. | |
Psal | SomKQA | 55:21 | Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale, Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal, Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen, Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay. | |
Psal | SomKQA | 55:22 | Culaabtaada Rabbiga saar, oo isna wuu ku xanaanayn doonaa, Waayo, isagu kan xaqa ah marnaba u dayn maayo in la dhaqaajiyo. | |