Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 44
Psal SomKQA 44:1  Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.
Psal SomKQA 44:2  Quruumihii gacantaadaad ku eriday, oo meeshoodii awowayaashayo baad ku beertay, Dadyowgii waad dhibtay, oo dibaddaad ku kala firdhisay.
Psal SomKQA 44:3  Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda, Oo cududdooduna ma ay badbaadin, Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga, Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd.
Psal SomKQA 44:4  Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga, Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar.
Psal SomKQA 44:5  Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa, Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.
Psal SomKQA 44:6  Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo, Oo seeftayduna i badbaadin mayso.
Psal SomKQA 44:7  Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay, Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.
Psal SomKQA 44:8  Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah, Oo annana weligayo waxaannu ku mahad naqaynaa magacaaga.(Selaah)
Psal SomKQA 44:9  Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay, Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.
Psal SomKQA 44:10  Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa, Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.
Psal SomKQA 44:11  Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo, Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
Psal SomKQA 44:12  Dadkaaga qiimola'aan baad ku iibisaa, Oo maalkaagana kuma aad kordhin qiimahoodii.
Psal SomKQA 44:13  Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay, Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol.
Psal SomKQA 44:14  Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi, Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.
Psal SomKQA 44:15  Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal, Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga,
Psal SomKQA 44:16  Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya, Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.
Psal SomKQA 44:17  Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin, Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.
Psal SomKQA 44:18  Qalbigayagu dib uma noqon, Oo tallaabooyinkayaguna jidkaaga kama baydhin,
Psal SomKQA 44:19  Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka, Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.
Psal SomKQA 44:20  Haddii aannu illownay magicii Ilaahayaga, Ama aannu gacmahayaga u kala bixinnay ilaah qalaad,
Psal SomKQA 44:21  Ilaah miyaanu waxaas baadhayn? Waayo, isagu waa wada og yahay qalbiga waxyaalihiisa qarsoon.
Psal SomKQA 44:22  Haah, oo adiga daraaddaa ayaa naloo laayaa maalinta oo dhan, Oo waxaannu noqonnaa sida ido la qalayo.
Psal SomKQA 44:23  Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow? Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
Psal SomKQA 44:24  Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
Psal SomKQA 44:25  Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay, Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.
Psal SomKQA 44:26  Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso, Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.