Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
EXODUS
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 12
Exod SomKQA 12:1  Oo Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun kula hadlay dalka Masar, oo ku yidhi,
Exod SomKQA 12:2  Bishanu waxay idiin noqonaysaa tii bilaha ugu horraysay; oo waxay idiin noqonaysaa sannadda bisheedii kowaad.
Exod SomKQA 12:3  Shirka reer binu Israa'iil oo dhan la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Maalinta tobnaad oo bishan waa in nin waluba wan qaataa sida reeraha aabbayaashood yihiin, qooys waluba wan ha qaato;
Exod SomKQA 12:4  oo haddii qooys uusan wada qaadan karin wan, de markaas waa in isaga iyo deriskiisa oo ah kan qooyskiisa ku xiga ay mid wada qaataan oo ay u qaybsadaan sida tirada dadku tahay; nin walba sida cuntadiisu tahay waa inaad u tirisaan kalaqaybinta wanka.
Exod SomKQA 12:5  Wankiinnu waa inuu ahaadaa mid aan iin lahayn, waana inuu ahaadaa mid lab oo sannad jiray, waana inaad wananka ama orgiyada ka bixisaan,
Exod SomKQA 12:6  oo waa inaad gooni u xidhaan ilaa bisha maalinteeda afar iyo tobnaad; oo ururka shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inay makhribkii qalaan.
Exod SomKQA 12:7  Oo waa inay dhiigga wax ka qaataan, oo ay mariyaan fayaaradda albaabka labadeeda dhinac iyo meesheeda sare oo ah guryaha ay wax ku dhex cuni doonaan.
Exod SomKQA 12:8  Oo habeenkaas waa inay cunaan hilibka oo dab lagu dubay, iyo kibis aan khamiir lahayn, oo ha ku cuneen caleemo qadhaadh.
Exod SomKQA 12:9  Ha cunina isagoo ceedhiin ama biyo lagu kariyey, laakiin waxaad cuntaan isagoo dab lagu dubay, oo qaba madaxiisa iyo mijihiisa iyo waxa gudihiisa ku jira qaba.
Exod SomKQA 12:10  Oo waa inaydnaan waxba ka reebin ilaa subaxda, laakiin waxa ka hadha markuu waagu beryo waa inaad dab ku gubtaan.
Exod SomKQA 12:11  Oo sidan waa inaad u cuntaan, idinkoo guntan, oo kabihiinnu cagaha idiinku jiraan, ushiinnuna gacanta idiinku jirto; oo waa inaad degdeg u cuntaan; waayo, waa Rabbiga Kormariddiisa.
Exod SomKQA 12:12  Waayo, habeenkaas waxaan dhex mari doonaa dalka Masar, oo waxaan wada layn doonaa curadyada dalka Masar oo dhan, kuwa dadka iyo kuwa duunyadaba, oo ilaahyada Masar oo dhan waxaan ku soo dejin doonaa xukummo. Anigu waxaan ahay Rabbiga.
Exod SomKQA 12:13  Oo dhiiggu wuxuu idiin noqon doonaa calaamo kor taal guryaha aad ku jirtaan; oo markii aan dhiigga arko, waan iska kiin kor mari doonaa, belaayo idin baabbi'isaana idinkuma dhici doonto, markaan wax ku dhufto dhulka Masar.
Exod SomKQA 12:14  Oo maalintanu waa inay xusuus idiin noqotaa, oo waa inaad Rabbiga u iiddaan. Waa inaad ka ab ka ab weligiin ku dhawrtaan iid amar ahaan.
Exod SomKQA 12:15  Toddoba maalmood waxaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn; weliba maalinta kowaad waa inaad khamiirka ka saartaan guryihiinna; waayo, ku alla kii cuna kibis khamiir leh maalinta kowaad ilaa maalinta toddobaad, qofkaas waa laga gooyn doonaa reer binu Israa'iil.
Exod SomKQA 12:16  Maalinta kowaad waxaa idiin ahaan doona shir quduus ah, maalinta toddobaadna shir quduus ah. Wax shuqul ah maalmahaas waa inaan la qaban, waxa qof kastaaba cuno mooyaane, taas oo keliya baa la samayn karaa.
Exod SomKQA 12:17  Oo idinku waa inaad dhawrtaan iidda kibista aan khamiirka lahayn, waayo, maalintaas qudheeda ayaan dadkiinna badnaantiisii ka soo bixiyey dalkii Masar; sidaas daraaddeed amar ahaan waa inaad ka ab ka ab weligiin ku dhawrtaan maalintaas.
Exod SomKQA 12:18  Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, ilaa laga gaadho maalinta koob iyo labaatanaad oo bisha, markay fiidkii tahay.
Exod SomKQA 12:19  Toddoba maalmood waa inaan guryihiinna khamiir laga helin; waayo, ku alla kii wax khamiir leh cuna, qofkaas waa laga gooyn doonaa shirka reer binu Israa'iil, hadduu yahay qariib iyo hadduu waddanka ku dhex dhashayba.
Exod SomKQA 12:20  Wax khamiir leh waa inaydnaan cunin; guryihiinna oo dhan waa inaad ku cuntaan kibis aan khamiir lahayn.
Exod SomKQA 12:21  Markaasaa Muuse wuxuu u wada yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, La baxa wanan oo qooys, qooys u qaata, oo qala wanka Kormaridda.
Exod SomKQA 12:22  Waxaad qaadataan xidhmo geed husob ah, oo waxaad dartaan dhiigga ku jira xeedhada, oo albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ku taabsiiya dhiiga ku jira xeedhada; oo midkiinna ilaa waagu ka beryo yuusan albaabka gurigiisa dibadda uga bixin.
Exod SomKQA 12:23  Waayo, Rabbigu wuxuu dhex mari doonaa dalka, oo wuxuu layn doonaa Masriyiinta, oo markuu arko dhiigga ku yaal albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ayaa Rabbigu kor mari doona albaabka, oo u oggolaan maayo in baabbi'iyuhu guryihiinna soo galo oo idin laayo.
Exod SomKQA 12:24  Oo waxan amar ahaan waa inaad weligiin u dhawrtaan idinka iyo carruurtiinnuba.
Exod SomKQA 12:25  Oo markii aad timaadaan dalka Rabbigu idin siin doono, oo uu idiinku ballanqaaday, waa inaad dhawrtaan u adeegiddan Ilaah.
Exod SomKQA 12:26  Oo markii carruurtiinnu idinku yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan u-adeegiddan Ilaah?
Exod SomKQA 12:27  waxaad ku odhan doontaan, Waa allabarigii Rabbiga Kormariddiisii, kii kor maray guryihii reer binu Israa'iil markay Masar joogeen, oo samatabbixiyey reerahayagii, Masriyiintiise laayay. Markaasaa dadku madaxa u foororiyey oo u sujuuday.
Exod SomKQA 12:28  Markaasaa reer binu Israa'iil tageen oo sidaas yeeleen; sidii Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku amray ayay yeeleen.
Exod SomKQA 12:29  Oo waxaa dhacday in habeenbadhkii Rabbigu laayay curadyadii dalkii Masar oo dhan, inta laga bilaabay curadkii Fircoon oo carshigiisii ku fadhiyey ilaa la gaadhay curadkii maxbuuska godxabsiga ku jiray, iyo curadyadii xoolaha oo dhan.
Exod SomKQA 12:30  Markaasaa habeenkaas waxaa kacay Fircoon, iyo addoommadiisii oo dhan, iyo Masriyiintii oo dhan; oo oohin aad u weyn baa Masar ka dhacday, waayo, ma jirin guri aan meyd oollin.
Exod SomKQA 12:31  Markaasuu Muuse iyo Haaruun u yeedhay habeennimadii, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo dadkayga ka dhex baxa, idinka iyo reer binu Israa'iilba; taga oo Rabbiga u adeega, sidaad u tidhaahdeen.
Exod SomKQA 12:32  Oo adhyihiinna iyo lo'diinnaba kaxaysta, sidaad u tidhaahdeen, iina soo duceeya.
Exod SomKQA 12:33  Oo Masriyiintuna waxay dadka ku deddejiyeen inay dhaqso uga saaraan dalka; waayo, waxay yidhaahdeen, Kulligeen waxaynu nahay dad go'ay.
Exod SomKQA 12:34  Markaasaa dadkii waxay qaateen cajiinkoodii intaanu khamiirin, iyo weelashoodii ay wax ku dhex cajiimi jireen, oo intay maryahoodii ku xidheen ayay garbaha saarteen.
Exod SomKQA 12:35  Oo reer binu Israa'iilna waxay yeeleen sidii Muuse eraygiisu ahaa; oo waxay Masriyiintii weyddiisteen alaab lacag ah iyo alaab dahab ah iyo dhar;
Exod SomKQA 12:36  oo Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay, oo sidaas daraaddeed way u daayeen inay qaataan wixii ay weyddiisteenba. Oo iyana Masriyiintii way dheceen.
Exod SomKQA 12:37  Oo reer binu Israa'iilna waxay ka sodcaaleen Racmeses oo waxay tageen Sukod, tiradooduna waxay ku dhowayd lix boqol oo kun oo nin oo lugaynaya oo aan carruurta lagu tirin.
Exod SomKQA 12:38  Oo waxaa kaloo raacay dad faro badan oo isku darsan, iyo adhyihii, iyo lo'dii, oo ahaa xoolo aad u badan.
Exod SomKQA 12:39  Oo cajiinkii ay Masar kala yimaadeen ayay ka dubteen kibis aan khamiir lahayn, waayo, ma ay khamiirin; maxaa yeelay, dalkii Masar degdeg bay kaga soo bexeen, oo ma aanay sii joogi karin, mana ay diyaarsan sahay.
Exod SomKQA 12:40  Reer binu Israa'iil intay dalka Masar qariib ku ahaayeen waxay ahayd afar boqol iyo soddon sannadood.
Exod SomKQA 12:41  Oo markii afartii boqol iyo soddonkii sannadood dhammaadeen, isla maalintaas ayaa Rabbiga dadkiisii badnaa oo dhammu ka baxay dalkii Masar.
Exod SomKQA 12:42  Habeenkaasu waa habeen aad Rabbiga loogu dhawro, bixintii uu iyaga Masar ka soo bixiyey aawadeed; kaasu waa habeenkii Rabbiga oo ay reer binu Israa'iil oo dhammu ka ab ka ab aad u dhawraan.
Exod SomKQA 12:43  Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Kanu waa amarkii iidda Kormaridda; shisheeyuhuna yuusan wax ka cunin;
Exod SomKQA 12:44  laakiinse nin kasta addoonkiisa uu lacagta ku iibsaday, markaad guddo dabadeed waa inuu wax ka cunaa.
Exod SomKQA 12:45  Kii qariib ah iyo midiidinka la soo kiraystay toona midkoodna waa inuusan wax ka cunin.
Exod SomKQA 12:46  Oo waa in isku guri lagu cuno; oo waa inaadan hilibka waxba dibadda uga bixin; lafna waa inaydnaan ka jebin.
Exod SomKQA 12:47  Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inuu dhawro.
Exod SomKQA 12:48  Oo haddii mid qariib ahu idinla dego, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro iidda Kormaridda, de waa in intiisa lab oo dhan la wada gudaa, oo markaas ha soo dhowaado oo ha dhawro, oo markaas wuxuu noqon doonaa sidii mid dalka ku dhashay; laakiinse qof buuryoqab ahu waa inuusan wax ka cunin.
Exod SomKQA 12:49  Kan waddanka ku dhashay iyo kan qariibka ah oo idin dhex degganu waa inay isku sharci ahaadaan.
Exod SomKQA 12:50  Sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu yeeleen; sidii Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku amray ayay yeeleen.
Exod SomKQA 12:51  Oo isla maalintaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga bixiyey dalkii Masar, siday guutooyinkoodii ahaayeen.