JOB
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
32
33
34
35
36
37
38
39
40
41
42
Chapter 31
Job | SomKQA | 31:2 | Waayo, waa maxay qaybta laga helo Ilaaha xagga sare jooga, Iyo dhaxalka laga helo Ilaaha Qaadirka ah oo sarreeya? | |
Job | SomKQA | 31:4 | Isagu sow uma jeedin socodkayga oo dhan? Oo sow ma tirinin tallaabooyinkayga oo dhan? | |
Job | SomKQA | 31:7 | Haddii tallaabadaydu jidka gees uga leexatay, Oo qalbigaygu uu indhahayga raacay, Iyo haddii ay bar ceeb ahu gacmahayga ku dhegtay, | |
Job | SomKQA | 31:8 | Markaas anigu aan wax beero, oo mid kale ha cuno, Oo xataa waxa beertayda ka soo baxa ha la wada rujiyo. | |
Job | SomKQA | 31:10 | Markaas naagtaydu nin kale wax ha u shiiddo, Oo kuwa kale ha ku kor foororsadeen iyada. | |
Job | SomKQA | 31:12 | Waayo, kaasu waa dab wax dhammeeya ilaa uu baabbi'iyo, Oo waxa ii soo baxa oo dhan wuu wada rujin lahaa. | |
Job | SomKQA | 31:14 | Haddaba bal maxaan samayn doonaa markii Ilaah sara joogsado? Oo markuu i soo booqdose bal maxaan ugu jawaabi doonaa? | |
Job | SomKQA | 31:15 | Kii uurka dhexdiisa igu abuuray sow isagana ma abuurin? Oo sow uurka nalaguma dhex samayn? | |
Job | SomKQA | 31:16 | Haddaan miskiin u diiday wax uu doonayay, Ama aan indhaha carmalka illin ka keenay, | |
Job | SomKQA | 31:18 | (Saas ma aha, laakiinse isaga tan iyo yaraantaydii waan koriyey sidii mid aabbihiis koriyo oo kale, Oo tan iyo markaan uurkii hooyaday ka soo baxayna waxaan iyada u ahaan jiray horseed, ) | |
Job | SomKQA | 31:19 | Haddaan arkay qof arrad daraaddiis u dhimanaya, Amase sabool baahan oo aan dhar haysan, | |
Job | SomKQA | 31:21 | Caawimaaddaydii oo aan iridda uga jeeday daraaddeed, Haddaan agoon gacantayda u qaaday, | |
Job | SomKQA | 31:23 | Waayo, masiibo xag Ilaah ka timid ayaa i cabsiisay, Oo sarraysnaantiisa daraaddeedna anigu waxba ma aanan samayn karin. | |
Job | SomKQA | 31:24 | Haddaan dahab rajo ka dhigtay, Oo aan dahabka saafiga ah ku idhi, Kalsoonidayda baad tahay, | |
Job | SomKQA | 31:25 | Haddaan ku reyreeyey maalkayga badan daraaddiis, Iyo waxyaalaha badan oo gacantaydu heshay daraaddood, | |
Job | SomKQA | 31:27 | Oo markaas qalbigayga haddii qarsoodi loo sasabtay, Oo anoo caabudaya aan afkayga gacanta ugu dhunkaday, | |
Job | SomKQA | 31:28 | Kaasu weliba waa dembi ay xaakinnadii ciqaabi lahaayeen, Waayo, waxaan daacadlaawe u ahaan lahaa Ilaaha wax walba ka sarreeya. | |
Job | SomKQA | 31:29 | Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa, Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay, | |
Job | SomKQA | 31:31 | Dadka teendhadayda jooga haddayan isku odhan, Yaa heli kara mid aan hilibkiisa ka dhergin? | |
Job | SomKQA | 31:32 | Shisheeyuhu jidka kuma baryi jirin, Laakiinse socotada ayaan albaabbadayda u furi jiray, | |
Job | SomKQA | 31:33 | Haddaan xadgudubkaygii daboolay sidii binu-aadmiga oo kale, Anigoo xumaantayda laabtayda ku qarinaya, | |
Job | SomKQA | 31:34 | Maxaa yeelay, dadka badan waan ka baqay, Oo quudhsiga qaraabaday ayaa i cabsiiyey, Oo saas aawadeed ayaan ku aamusay, oo dibadda uma bixin. | |
Job | SomKQA | 31:35 | Hoogaye haddaan lahaan lahaa mid i maqla! (Bal eeg, waa tan calaamaddaydii, haddaba Ilaaha Qaadirka ahu ha ii jawaabo;) Yaa i siinaya eedayntii uu cadowgaygu iga qoray! | |
Job | SomKQA | 31:36 | Sida xaqiiqada ah garabkaygaan ku qaadan lahaa, Oo weliba madaxaan ku xidhan lahaa sidii taaj oo kale. | |
Job | SomKQA | 31:37 | Oo waxaan isaga u sheegi lahaa tirada tallaabooyinkaygu inta ay tahay; Oo waxaan isaga ugu soo dhowaan lahaa sidii amiir oo kale. | |
Job | SomKQA | 31:39 | Haddaan midhihiisa lacagla'aan ku cunay, Ama aan sabab u noqday in kuwii lahaa ay dhintaan, | |