Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 35
Psal SomKQA 35:1  Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira, Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.
Psal SomKQA 35:2  Gaashaan iyo gabbaad qaado. Oo caawimaaddayda daraaddeed u istaag.
Psal SomKQA 35:3  Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo, Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.
Psal SomKQA 35:4  Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto, Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.
Psal SomKQA 35:5  Ha noqdeen sida buunshe dabaysha hor socda, Oo malaa'igta Rabbigu horay u sii kaxaynayso.
Psal SomKQA 35:6  Jidkoodu ha noqdo gudcur iyo meel simbiriirixo leh, Oo malaa'igta Rabbigu ha eryato.
Psal SomKQA 35:7  Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen, Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.
Psal SomKQA 35:8  Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto, Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado, Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.
Psal SomKQA 35:9  Oo naftayduna Rabbigay aad ugu farxi doontaa, Oo waxay ku rayrayn doontaa badbaadintiisa.
Psal SomKQA 35:10  Lafahayga oo dhammu waxay odhan doonaan, Rabbiyow, bal yaa kula mid ah? Kaaga kii miskiin ah ka samatabbixiya kii isaga ka xoog badan, Haah, oo kii miskiin ah iyo kan baahanba ka samatabbixiya kii dhaca.
Psal SomKQA 35:11  Waxaa kaca markhaatiyaal xaqdarro ah, Oo waxay i weyddiiyaan waxyaalo aanan ogayn.
Psal SomKQA 35:12  Wanaag xumaan bay iigaga abaalgudaan Oo naftayda way gacal tiraan.
Psal SomKQA 35:13  Laakiinse markay bukeen, dharkaygu wuxuu ahaa joonyado, Oo naftaydana soon baan ku dhibay, Oo tukashadayduna laabtayday ku soo noqotay.
Psal SomKQA 35:14  Anigu waxaan u qaatay sidii isagoo ah saaxiibkay ama walaalkay, Oo waxaan la foororsaday baroorasho sida mid hooyadiis u baroorta.
Psal SomKQA 35:15  Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.
Psal SomKQA 35:16  Sida labawejiilayaashu diyaafado uga dhex majaajiloodaan Ayay igu ilko jirriqsadeen.
Psal SomKQA 35:17  Sayidow, ilaa goormaad sii fiirinaysaa? Naftayda halligaaddooda ka badbaadi, Noloshaydana libaaxyada ka badbaadi.
Psal SomKQA 35:18  Waxaan kaaga mahad naqi doonaa shirka weyn dhexdiisa, Oo dad fara badan dhexdooda ayaan kugu ammaani doonaa.
Psal SomKQA 35:19  Kuwa sida qaladka ah cadowga iigu ahi, yaanay igu rayrayn, Oo kuwa sababla'aanta ii necebuna yaanay isu il jebin.
Psal SomKQA 35:20  Waayo, iyagu nabad kuma hadlaan, Laakiinse waxay hadallo khiyaano miidhan ah ugu hindisaan kuwa dalka ku xasilloon.
Psal SomKQA 35:21  Afkoodii aad bay iigu fureen, Oo waxay yidhaahdeen, Ahaa, ahaa, annagaa indhahayaga ku aragnay.
Psal SomKQA 35:22  Rabbiyow, adigu waad aragtay, haddaba ha iska aamusin, Sayidow, ha iga fogaan.
Psal SomKQA 35:23  Sara joogso, oo garsooriddayda u toos, Oo dacwadayda dhegayso, Ilaahayow, Sayidkayow.
Psal SomKQA 35:24  Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.
Psal SomKQA 35:25  Yaanay qalbigooda iska odhan, Ahaa, sidaasaannu doonaynaa, Yaanay odhan, Isagii waannu liqnay.
Psal SomKQA 35:26  Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood, Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.
Psal SomKQA 35:27  Kuwa xaqnimadayda jecelu farxad ha ku dhawaaqeen, oo ha farxeen, Oo had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo, Waayo, isagu wuxuu ku farxaa barwaaqada addoonkiisa.
Psal SomKQA 35:28  Oo maalinta oo dhan carrabkaygu wuxuu ka hadli doonaa Xaqnimadaada iyo ammaantaadaba.